19 May 2007 04:17

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (Somalia NR.1) Shirka dib u heshiisiinta Somalida ee ka socda Carta oo ku dhow Jabuuti oo galay maalintii labaad
  • From:[]
  • Date :[4 May 2000]

 

Shirka dib u heshiisiinta Somalida ee ka socda Carta oo ku dhow Jabuuti oo galay maalintii labaad

    Wararka ka imanaya meesha lagu magacaabo Carta oo galbeed 35km kaga aadan magaalada Jabuuti xarunta dalka jamuuriyada Djabuuti oo uu ka socdo shika dib u heshiisiinta Somalida ayaa waxay sheegayaan in shir u bilaabmay madax dhaqameedyada Soomaalida ee halkaa ku sugan.

     Madax dhaqameedyada oo gooni isu arkaya waxay kulankooda ku falan qaynayaan sidii ay ugu magacaaban lahaayeen ergooyinka beel walba u matali lahaa shir waynaha nabadaynta Somalida warar ku dhow goobta wadahadalada odoyaasha dhaqanku u fadhiyaan oo ah guri uu leeyahay madxwaynihii hore ee Djabuti Xasan Guuleed Abtidoon ayaa waxay tibaaxayaan in odayada dhaqanku ay kawada hadlayaan beelwalba tirada xubnaha ka matalidoonta shirka iyadoo dhinaca kale raga siyaasiyiinta ah ee Carta ku sugani ay si wayn usaluugsan yihiin talada shirka oo u gacan gashay madax dhaqameed yada .

   Sidaydoonto hanoqotee waxay u egtahay bayleeyihiin goob joogayaasha Cartu in ay u dhowdahay in talada ay u fadhiyaan madax dhaqameed yadu ay ku gaari doonaan goaamo qaabayna hanaan socdka shirka.


Baydhabo oo wafdi  Carta ku socdaa maanta kasoo kicitimay.

   wafdi sare oo uu horkacayo xoghayaha guud ee RRA ayaa maanta ka soo duulay magaalada Baydhabo iyagoo kusoo jeeday goobta uu ka dhacayo shirka dib u heshiisiinta Somalidu, wafdigan ayay ka mid yihiin madax dhaqameed yada beelaha daga dhulka ay kataliso RRAdu.

   Xubnaha wafdigaa Baydhabo ka soo duulay ee soo aaday Carta oo ay taalo gogosha shirka dib u heshiisiinta Somalidu ayaa waxaa kaloo ka mida Xubno ka socda gobolada Jubba land.

   war aan goor dhaw helnay ayaaa sheegaya in wafdigii Baydhabo uu galabta soo gaaray Jabuuti iyagoo u sii gudbay Carta.

 

Source: Somalia NR.1


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:05 AM. Webmaster HomePage