19 May 2007 04:17

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (QARAN PRESS) Cali Mahdi iyo Maxamed Faarax Jimcaale oo wax laga waydiiyey bannaanbixii taageerayaasha Xuseen Caydiid
  • From:[]
  • Date :[07-May-2000 ]

Cali Mahdi iyo Maxamed Faarax Jimcaale oo wax laga waydiiyey bannaanbixii taageerayaasha Xuseen Caydiid.

JABUUTI, Axad:

Cali Mahdi Maxamed iyo Maxamed Faarax Jimcaale oo ka mid siyasiyiinta Soomaaliyeed ee ka qaybgalaysa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Jabuuti ayaa sheegay in shirku haysto 95% rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Iyagoo ay habeen hore wax ka waydiisay sida ay u arkaan dibadbixii dorraad taageerayaasha Xuseen Caydiid ka dhigeen fagaaraha Tarabuunka ee ay kaga hor jeedeen shirkaas idaacadda codka Mareykanka (VOA) ayey si gooni gooni ah u sheegeen inaysan la yaab lahayn diidmada taageerayaasha Xuseen Caydiid ee shirka Jabuuti.

Waxay sheegeen inay ku rajo weyn yihiin inay shirkaasi ka dhalato dowlad Soomaaliyeed, bannaanbaxaasina uusan waxba u dhimi karayn hannaanka geedi socodka nabadda Soomaaliya ee haatan socda.

(QARAN PRESS)


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:05 AM. Webmaster HomePage