19 May 2007 04:18

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (QARAN) Wafuud ka kala tagay Beledweyne iyo Caabud-Waaq oo diyaarad la fariisatay magaalada Burco.
  • From:[]
  • Date :[07 May 2000]

Wafuud ka kala tagay Beledweyne iyo Caabud-Waaq oo diyaarad la fariisatay magaalada Burco.

 

BURCO, Axad:

Wafuud 20 xubnood ka kooban oo ka kala socdaashay gobolka Hiiraan iyo degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud uuna hoggaaminayey wiilka beddelay Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo lagu magacaabo Ugaas Xasan Ugaas oo shalay ambabaxay ayaa diyaaradii ay la socdeen ku shidaal goosatay magaalada Burco ee gobolka Togdheer.

Dadka rakaabka ahaa ayaa maamulka Somaliland ee Burco ku diiday inay magaalada soo galaan, waxaana shidaal diyaaradda looga soo qaaday shalay galab magaalada Hargeysa, iyagoo maanta u ambixi doona dalka Jabuuti.

(QARAN PRESS)


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:06 AM. Webmaster HomePage