19 May 2007 04:18

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (Garoowe) WAR MURTIYEED (JOINT COMMUNIQUE)
  • From:[]
  • Date : [10 May 2000]

 

WAR MURTIYEED (JOINT COMMUNIQUE)

Garoowe, Maayo 9,2000

Dawlad Goboleedka Puntland, Ururka RRA Iyo Ururka SPM kulan ay yeesheen 8-9-kii bisha Maayo 2000 oo ka dhacay Magaala Madaxda Dawl. Goboleedka Puntland ee Garoowe, waxay kaga wada hadleen arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  1. Dib u soo noolaynta iyo xoojinta Sbahaysiga SPA
  2. Ku soo celinta gacanta dadkii iska lahaa Jubbooyinka iyo Shabeelaha Hoose oo haatan xoogag kale gacanta ku hayaan.
  3. Qaab-dhismeedka Dawlad Soomaaliyeed ee mustaqbalka.
  4. Iskaashi Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulsho oo dhex-mara Isbahaysiga SPA.
  5. Muuqaalka Shirka Jabuuti

Wada hadalkaasi wuxu socday mudo saddex saacadood ah, waxana la isla go’aansaday arrimaha hoos ku qoran:

1.In Isbahaysiga SPA dib loo habeeyo lana xoojiyo hawlihiisa iyadoo dhinacyada kulanka ka maqan la wargelinayo.

  1. Waxaa kulankan isku aragti laga noqday in ay nabad Soomaaliya ka dhalata saldhig u tahay xoogaga ku jira Jubbooyinka iyo Shabeelada Hoose oo ka baxa, kuna noqda deegaannadoodii. Nabad dadka dhexdiisa ah ayaa aasas u ah in Dawlad Soomaaliyeed la dhiso. Hadaba, waxaa caalamka laga codsanayaa intii maamul dawladeed oo iska hor imaad keena la abaabulilahaa in hortii nabadda la sugo.
  2. Markii laga dooday sida mustaqbalka Dawlad Soomaaliyeed loo dhisi karo, waxaa isku aragti laga noqday, lagama maarmaamna u muuqday in Dawlad Gobolleedyo dhismaan, la isuguna yimaado Dawlad Federaal ah oo loo dhan yahay, iyadoo cid walba Dawlad Goboleedkeeda leedahay gaar ahaaneed.
  3. Waxaa laga dooday iskaashiga Dawlad Goboleedka Puntland, Ururka RRA iyo SPM iyo guud ahaan SPA. Waxaa la isku raacay in qaybaha SPA ay yeeshaan iskaashi bahnimo oo qoto dheer oo siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho hadda iyo mustaqbalkaba oo waara.

5. Kulanka Garoowe ee Dawlad Goboleedka Puntland,Ururrada RRA iyo SPM waxaa laga muujiyey, caalamkana loo sheegayaa in walwal laga qabo Shirka Jabuuti ka socda, waxaana la rajeynayaa in uusan noqon kii 1991-dii oo kale, oo aysan ka dhalan dhibaato iyo dagaalo hor leh.

 

Cabdullaahi Yuusuf Axmed Xasan Maxamed Nuur (Shaati-gaduud ) Gen. Cadullaahi Nur Gabyow

Madaxweynaha D.Pl. Guddoomiyaha Ururka RRA Guddoomiyaha Ururka SPM


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:05 AM. Webmaster HomePage