19 May 2007 04:18

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] ( QARAN ) Hogaamiyeyaashii Kooxaha dhawaan Muqdisho ka ambabaxay oo shalay gaaray dalka Erateriya
  • From:[]
  • Date : [10 May 2000]

 

Hogaamiyeyaashii Kooxaha dhawaan Muqdisho ka ambabaxay oo shalay gaaray dalka Erateriya

 

ASMARA, Arbaco:
Hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliyeed ee dhowaan Muqdisho ka ambabaxay ayaa
lagu warramay inay shalay ka sii gudbeen dalka Yugaandha.
Hoggaamiyeyaashaas oo ay ka mid yihiin Xuseen Max’ed Caydiid, Cusmaan Xasan
Cali (caato) iyo Max;ed Qanyare Afrax oo ku sii jeeda dalka Liibiya ayey
wararku sheegayaan inay shalay magaalada Casmara oo ay ku sii hakadeen kula
kulmeen qaar ka mid ah madaxda Erateriya.
Ma jiraan warar dheeraad ah oo sharraxaya wixii ay ka wada hadleen, hase
yeeshee arrimo la hadal hayo ayey ka mid yihiin inay Erateria kala hadlayaan
sidii ay taageero militari ugu fidin lahayd, iyadoo Dowladda Erateriya horey
u hubeysay maleeshiyo Oromo ah iyo kuwa Xuseen Caydiid, waxayna
hoggaamiyeyaashaasi kooxuhu dorraad kula kulmeen magaalada Kamballa Jen,
Waaqoow Guutoow hoggaamiyaha Jabhadda Oromada.

 


(QARAN PRESS)

 


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:06 AM. Webmaster HomePage