- Title: [SW News] (Riverineland News) Odeyaashii Digil iyo Mirifle, oo waydiistey iney
dib u noqdaan
- From: []
- Date: [21 May 2000]
Odeyaashii Digil iyo Mirifle, oo waydiistey iney dib u noqdaan
21.05.00
Warar aan ka helney Xoghayaha Guud ee RRA, Dr.Abdala Deerow
Isaaq iyo Odeyaasha Digil/Mirifle oo beryahaan shir ugu socdey
Dalka Jabuuti ayey waxay sheegayaan in shirkii sidii uu markii hore
u socdey laga weeciyey aydoon la dhameen qilaafaadkii u dhaxeeyey
qabaa'ilada Soomaaliyeed ayey waxay dawlada jabuuti soo jeedisey
iney beelwaliba soo diyaariso Laba maalmood gudahood siyaasiyiintiisa
oo ay ka koobnaan doonaan qeytiiba 150 qofood lana dhisi doono
Dowlad soomaaliya cidii maamuli lahayd waxaana markiiba go'aankaas
ka soo horjeestey Odeyaashii Digil/mirifle, oo ay u sheegeen Dowlada
Jabuuti in la siiwado wada hadalada u socdey beelaha Soomaaliyeed oo
aan weli dhamaanin qofwalbana xaqiisa la siiyo oo aan xaquuqda lagu
tuman Dowlada Jabuutina wax jawaab ahna ka ma bixin codsigii D/M,
xitaa waxaa laga xirey teleefoonkii ilaa iyo laba maalmood maanta ayaa
loo furey waana loo diidey in ay la hadlaan wariyaasha caalamka si ay
ugu sheegaan qiyaanada meesha laga wado ama qatarta meesha ka soo
socota waxay waydiisteen in loo celiyo Baydhabo...
Riverineland News
[ News] |