- Title: [SW News] (QARAN)
Jabhadda RRA oo mowqif adag ka istaagtay
Shirka Jabuuti.
- From: []
- Date: [22 May 2000]
Jabhadda
RRA oo mowqif adag ka istaagtay Shirka Jabuuti.
BAYDHABO, Isniin:
Jabhadda wax iska caabinta Raxanweyn ee RRA ayaa mowqif adag ka
istaagtay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee ay dalka Jabuuti u joogaan Soomaali ay
ka mid yihiin kuwa RRA-du dirsatay.
Maxamed Cali Aadan (Qalinle) oo afhayeen u ah
jabhaddaas, guddoomiyena ka ah gobolka Bay ayaa shalay ku eedeeyey dowladda Jabuuti inay
ka leexatay marinkii loogu talo galay inuu maro shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.
"Dowladda Jabuuti waxay rabtaa inay Soomaaliya u soo dhisto dowlad
gacan ku rimis ah oo u adeegaysa kuwa haysta dhulka dadka dulman" ayuu ku yiri
wariyaha QARAN Mr. Qalinle oo intaasi raaciyey "wararka naga
soo gaaraya Jabuuti waxay sheegaan in ergadii beelaha Digil iyo Mirifle ee halkaasi
joogtay loo diiday tasiilaadka ay isgaarsiintu ka mid ka tahay si ay dadkooda ula soo
xiriiraan, sidoo kalena loo diiday inay fekerkooda si xor ah u dhiibtaan".
Mr. Qalinle oo Baydhabo jooga ayaa ka codsaday dowladda Jabuuti in
dalkoodii dib loogu soo celiyo, wuxuuna sheegay inay iyagu diyaar u yihiin inay bixiyaan
Tikidhada diyaaradaha ergooyinku soo raacayaan.
Qalinle wuxuu sheegay in shirkasta oo dib u heshiisiin ah uusan
qabsoomi karin inta la haysto wax uu ku tilmaamay dhul iyo hanti ay dad leeyihiin,
"shirka Jabuuti waxaa ka qaybgalaya kuwo tuulooyin gubay dadna baabuur ku
jiiday" ayuu yiri Mr. Qalinle oo ka gaabsaday inuu sheego kuwa ay yihiin, wuxuuna
intaasi raaciyey in mas’uuliyiinta RRA ku midaysan yihiin in aanay aqoonsan waxa ka
soo baxa shirkaas.
(QARAN PRESS)
[ News] |