Arta (Djibouti) May 25, 2000 - Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxay
dalka Jabuuti ayaa sheegaya in shirkii duubabka Soomaaliyeed ee ka socday degmada Carta uu
haatan marayo xaalad gebagebo lana dhameeyey habeen hore khilaafyo u dhexeeyey beelaha.
War laga tebiyey raadiyaha dowlada Jabuuti ayaa wuxuu sheegay
inay heshiis gaareen beelaha Digil iyo Midhifle, Daarood iyo Hawiye. Waxay soo
afgooyeen doodi dhinaca ergooyinka. Waxa waliba la sugaya magaalada CARTA wafti ka imanaya
Waqooyi Galbeed.
War muurtiyeed gaaban oo ay soo jeediyeen odoyaasha
beelaha Digil & Mirifle iyo Hawiye/Daarood ayaa waxay sheegeen inay beelahaasi is
cafiyeen diyaarna u yihiin inay ka wada hadlaan sidii ay dowlad u dhisi lahaayeen. War
murtiyeedkaasi oo laga soo daayey raadiyo Dabuuti waxay sheegeen in beelooyinka go'aan wax
ku ool ah gaareen mudadii seddexda maalmood ahayd ee madasha la siiyey, waxayna mahad u
soo jeediyeen Madaxweynaha Jabuuti Mudane Cumar Geele.
Beelahaasi waxay ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad
ah ka bixiyaan qodobada lagu heshiiyey. Khilaafka u dhexeeya beelaha Digil & Mirifle
iyo lafta Habar Gidir oo ah mid aad u qoto dheer ayaan laga garaneyn sida heshiiskaas u
afjarayo colaada iyadoo dhulka Digil & Mirifle weli xoog lagu heysto.
Source: http://www.arlaadinet.com