- Title: [SW News] BAYDHABO May,27 (BP) Mudane Dr.
Xasan Maxamed Nur (Shaatigadud) oo waraaq u diray dawlada Jabuuti.
- From:[]
- Date :[27 May 2000]
Mudane Dr. Xasan Maxamed Nur (Shaatigadud) oo waraaq u diray dawlada
Jabuuti
by BAYDHABO PRESS
Mudane Dr. Xasan Maxamed Nur (Shaatigadud) oo waraaq u diray dawlada
Jabuuti
BAYDHABO May,27 (BP)-Waraaq diidmo ah oo ku wajahan shirka ay dawlada Jabuuti u qabanayso
Somaalida ayuu guddomiyaha dhaqdhaqaaqa RRA Mudane Dr. Xasan Maxamed Nur (Shaatigadud) u
diray Madaxweeynaha dawlada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle isaga oo ku cadeeyay
qodobo dhowr ah oo ay ku diidanyihiin shirkaas.
Waraaqda ayaa lagu sheegay in dawlada Jabuuti aysan ku socon fikradaheeda balse ay saameyn
ku yeesheen dad kale oo Somaaliyeed oo dano gaar ah leh, waxaa kalo oo waraaqda ku qornaa
in hadaladii uu ku hadlay la taliyaha Madaxweeynaha Jabuuti mar uu waraysi siiyay idaacada
BBC da una ku sheegay in ay heshiiyeen beelaha Digil iyo Mirifle iyo Hawiye gaar ahaan
Habargidir aysan waxba ka jirin.
Waxaa kalo Mudane Dr.Xasan Maxamed Nur (Shaatigadud) uu warqadaas kaga codsaday beesha
caalamka gaar ahaan UN ka in aan la taagerin oo aan dhaqaale la siin dawlada Jabuuti oo
shirka ay wado uu dhibaato u keeni karo Somaaliya, iyada oo dawlada Jabuuti ay ka soo
horjeedo fikrada ah in Somaliya hoos laga soo dhiso (Building-blocks) oo ah in dawlad
goboleedyada la taagero oo maamulada dawladahaas ay dhisaan dawlad dhexe waana sida uu
xalka Somaaliya ku jiro oo daraasado badan oo ay UN tu sameysay ay taagereen, waxaa sidaa
oo kale soo baxay dawlada Jabuuti oo shalay lahayd waxaan leenahay oo kaliya gogosha in ay
maanta soo fara gashatay arimo gaar ah oo aysan waxba ka qaban karin.
(BAYDHABO PRESS)
[ News] |