19 May 2007 04:18

SOMALIA WATCH

 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News] (Xiddigta Banaadir) Siyaasiyiinta Muqdisho oo Shuruudo Ku Xiray Inatay ku Biiran Shirka Jabuuti
  • From: []
  • Date:  [30 May 2000]

SIYAASIYIINTA MUDQDISHO OO SHURUUD KU XIRAY INATAY KU BIIRAAN SHIRKA JABUUTI

Muqdisho: [Xiddigta Banaadir]

Siyaasiyiinta Muqdisho ee diidan shirka Jabuuti ayaa shuruu-do adag ku xiray waanwaan dhex marta iyaga iyo qabanqaabiyayaa-sha shirka Jabuuti.

Hoggaamiyayaasha oo hor-ay u diiday martiqaadyo shaqsi sh-aqsi ah oo Jabuuti ay u soo dirtay ayaa ku gacan seyray xiriir ay la soo sameeyeen qaar ka mida Oda-yaasha jooga magaalada Carte oo daneynaya inay shirka ku biiraan ka hor inta uusan furmin shirwey-naha Qaran.

Hoggaamiyayaasha Muqd-isho ayaa la sheegay inay ku adke-ysteen diidmadooda shirka Jabuuti tan iyo inta Dowladda Jabuuti ay ka aqoonsaneyso xilalkooda isla markaana ku martiqaadeyso.

Dood dheer oo dhex mart-ay mid ka mida Odayaasha waaw-eyn ee beelaha Hawiye oo jooga Carte iyo hoggaamiyayaasha Muq-disho ayaa la sheegay inaan wax xal ah lagu gaarin, inkastoo weli lagu guda jiro qaabkii loo qancin lahaa hoggaamiyayaashaas oo ay ku jirto in wafdi ka socda Dowlad-da Jabuuti uu yimaad Muqdisho oo kulamo la yeesha hoggaamiya-yaasha ku haray Muqdisho ee ka soo horjeeda shirka Jabuuti, inkas-too aan la ogeyn waxa ay Dowlad-da Jabuuti arrintaas ka qabto.


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:06 AM. Webmaster HomePage