Baydhaba: [Xiddigta
Banaadir]
Jabhadda RRA ee gacanta ku heysa gobolada Bay iyo Bakool ayaa Odayaasha
Mirifle ee jooga magaalada Carte fartay inay ka soo baxaan shirka Jabuuti.
Jabhadda ayaa la sheegay inaysan ku qanacsaneyn shirka ka socda
magaalada Carte isla marka-ana ka horjeedo, waxayna wararku sheegayaan inay farriin ay
gaarsii-say Odayaasha ku dalbatay inay shirka si degdeg ah uga soo baxaan Odayaasha
Mirifle ee ka tegay magaalada Baydhaba.
Guddoomiyaha gobolka Bay Maxamed Cali Aadan Qalinle ayaa horay u
sheegay inaan wax heshiis ah lagu gaarin shirka Carte isla mar-kaana shirkaasi uu
fashilmay, isagoo sheegay in Odayaasha Mirifle ay taas u cadeeyeen iyaga.
Md. Qalinle waxa uu shee-gay in Odayaasha aan loo ogoleyn inay wax
xiriir ah la sameeyaan dad kale isgaarsiintiina laga jaray, sidaa darteedna ay RRA ka
horjeedo arrintaasi, colaaduna weli taagan ta-hay oo ciidamada Salballaar & RRA ay
weli is hor fadhiyaan.
Dowladda Jabuuti ayaa ho-ray u sheegtay in shirka Jabuuti aanu
dhamaaneyn tan iyo inta lagu soo dhisayo Dowlad ay Soomaaliya yeelato.