19 May 2007 04:18

SOMALIA WATCH

 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News] (Xiddigta Banaadir) ODAYAASHA DHAQANKA EE KU SHIRSAN CARTA OO DOWLADA JABUUTI U GUDBIYAY CODSI DEGDEG AH
  • From: []
  • Date:  [30 May 2000]

ODAYAASHA DHAQANKA EE KU SHIRSAN CARTA OO DOWLADA JABUUTI U GUDBIYAY CODSI DEGDEG AH

Jabuuti: [Xiddigta Banaadir]

Odayaasha dhaqanka ee shi-rku uga socdo magaalada Carte ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen wejigoodii labaad ee shirka, iyagoo soo saaray qodobo dhowr ah oo saameeya shirka Jabuuti iyo qabanqaabadiisa.

Odayaashu waxay go’aana-doodii ku ayideen go’aanadii hore ee dhismaha Dowlad Qaran oo So-omaaliya ka dhalata, iyagoo shee-gay inay muqadas tahay midnimada Ummadda Soomaaliyeed isla mark-aana wafdi loo dirayo Jamhuuriy-adda Somaliland si ay uga soo dhaa-dhiciyaan inay ka qeybgalaan shi-rka.

Odayaashu waxay go’aana-dooda Dowladda Jabuuti ugu ba-aqeen inay kordhiso tirada ergooy-inka ka qeybgalaya shirka oo ay sh-eegeen inay ku yar tahay, taasoo loo gudbiyay guddiga qabanqaabada shirka, waxayna isla garteen in ergo-oyinka loo qeybsado shan qe-ybood oo markii hore la qoondee-yay min 130-xubnood.

Odayaasha waxay ka fara xasheen kulamo gooni gooni ah oo u socday beelaha Hawiye, Daaro-od iyo Digil iyo Mirifle iyagoo la filayo inay maalmaha soo socda guda gal-aan qeybinta ergooyinka oo laga su-gayo in guddiga qabanqaabada Jab-uuti uu codsiga Odayaasha oo ah ko-rdhinta ergooyinka uu tixgeliyo.


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:06 AM. Webmaster HomePage