19 May 2007 04:17

SOMALIA WATCH

 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News] [X/BANAADIR] MAXAAD KALA SOCOTAA LOOLANKA KA SOCDA MAGAALADA CARTA? 
  • From: []
  • Date:  [31 May 2000]

MAXAAD KALA SOCOTAA LOOLANKA KA SOCDA MAGAALADA CARTA?

Part 1

Tan iyo intii uu soo if baxay hindisaha Madaxweynaha Jabu-uti iyo wixii ka danbeeyay markii uu dhaqan galay oo ku beegne-yd 2-dii bisha May oo magaala-da Carte laga furay shirkii oday-aasha dhaqanka ee beelaha So-omaaliyeed waxaa hadba soo if baxayay qaabka shirka Jabuuti cida ku lugta leh, saameynta uu leeyahay iyo ujeedooyinka ku qarsoon.

Inkastoo aan weli xog dhamey-stiran laga heyn ujeedada rasmi-ga ah ee dowlada Jabuuti ka le-edahay shirka iyo waxa laga og-yahay marka laga reebo oraah-da ah "Dowladda Jabuuti waxay u howlgaleysaa inay gogosha u fidiso Soomaalida, go’aankuna ay yeeshaan Soomaalida bee-sha caalamkuna taageerto" oo hal heys u ah Madaxweynaha Jabuuti, waxaa hadana maalinba maalinta ka danbeysa soo muu-qanaya doorka ay hindisaha iyo shirkaba ku leeyihiin shaqsiyaad iyo dowlado kala duwan oo si dadban iyo si toos ahba ula saan qaadaya dhaqdhaqaaqa ka so-cda dalka Jabuuti ee la sheegay in looga gol leeyahay dowlad Soomaaliyeed oo halkaas lagu dhiso.

Mudadii ka danbeysay markii la furay shirkaas oo iminka laga joogo dhowr iyo labaatan maal-mood waxaa si cad u soo shaac baxay kaalinta muuqata ee ay shirkaas ku leeyihiin shaqsiyaad ay ka mid yihiin dadka dibadda ku nool iyo kuwo ka mid ahaan jiray taliskii Siyaad Barre oo dad badan ay ku tilmaamaan inay yi-hiin haraadi.

Wararkii ugu danbeeyay ee halkaas ka yimaada waxay she-egayaan in durba ay bilaabatay loolan hoose iyo xusul duub loo-gu jiro cida noqoneysa ama qab-aneysa jagooyinka waaweyn ee dowladda KMG ah oo la filayo in shirkaas lagu dhiso inkastoo ay taasi hordhac tahayna waxay ugu yaraan muujineysaa in shir-ka Jabuuti aanu wax weyn ka duwaneyn shirarkii ka horeeyay oo durba loo boodayo is sharax-aad iyo jago doonis, iyadoo wali-ba ay taagan yihiin xiisadihii be-elaha iyo is mariwaagii laga dha-xlay dagaaladii sokeeye ee dal-ka ka dhacay tobankii sano ee tegay.

Marka loo kuur galo dadka Ca-rta tegay waxaa farta lagu fiiqaa inay dhinaca Hawiyaha ugu ca-dcad yihiin ragga ay ka mid yi-hiin C/llaahi Axmed Caddow oo horay xukuumadii hore uga soo qabtay xilal kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka maaliyada, waxaa iyaguna aan dab yar shi-deynin rag uu ka mid yahay C/ll-aahi Cosoble Siyaad & xubno kale.

Dhinaca kale waxaa ka soo muuqda rag uu ugu horeeyo Xa-san Abshir Faarax, Jan. Cumar Xaaji Masalle iyo xubno kale, in-kastoo mudnaanta la sheegay in la siinayo Odayaasha dhaqanka iyo aqoonyahanada, siiba kuwa dibad jooga ah waxaa hadana lama huraan ah inay siyaasiyii-nta hoggaanka qabtaan.

Intii uu socday shirka odayaa-sha oo ay barbar socdeen shirar kale oo gaar gaar ah oo ay yee-sheen beelaha shirkaas ka qey-bgalaya waxaa iyana soo baxay dhibaatooyin siyaasadeed oo ke-enay in isbedel ku yimaado qaa-bkii ay markii hore shirka ku tag-een odayaasha iyo siyaasiyiinta.

Qaar ka mida siyaasiyiinta ay-aa la sheegay inay yeesheen ku-lamo ay ku doonayaan inay ku xaliyaan qilaafaadka u dhaxeeya isla markaana ku sameysanaya-an istiraatiijiyad cusub oo ay ku wajahaan shirka balse ilaa iyo hada lama dhaxlin wax aan ah-ayn bilcaksi maadaama aan la gaarin taas, qaar ka mida siyaa-siyiinta Muddulood ee shirkaas joogta ayaa la sheegay inay lug weyn ku lahaayeen ismaan dha-afkii ka dhex dhashay beelaha H/gidir iyo Mirifle oo muddo bad-an uu shirku u xayirnaa kaddib markii ay beelaha Mirifle la soo istaageen xujo ah in marka hore laga soo baxo dhulkooda, taasi-na waxay keentay in jaho cusub ay qaado siyaasaddii qabqablay-aasha is qabtay ee tegay mada-sha Jabuuti.

Inkastoo ay arrimahaas oo dh-an jiraan waxaa hadana mar ka-sta macquul ah inay qarsoon yi-hiin waxa dhabta ah ee ka soo bixi doona Jabuuti oo ay meesha taalo arrin hoose oo dhameystir-an, tuhunkaas oo muddo dheer soo jiitamayay waxaa boorka ka qaaday markii toddobaadkan la sheegay in magaca ergeda ku shireysa magaalada Carta uu ku hadlay Dr. C/qaasim Salaad Xa-san oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee Jabuuti u tegay arr-inta shirkan.

Dr. C/qaasim waxa uu ku saxii-xnaa farriin ay odayaasha Soo-maaliyeed u direen Jamhuuriya-dda Somaliland, iyadoo laga da-lbanayay inay ka tala bixiyaan qaabka ugu haboon ee wafdi ka socda odayaashaas ay ku tegi lahaayeen Somaliland, taasina waxay keentay inuu sii bato hug-unka ku saabsan waxa ay yihiin qorshayaasha Jabuuti iyo halka ay u socdaan, arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa marag ma doonto ah in shirka Jabuuti uu leeyahay aabbayaal soo dhira-an-dhiriyay oo mirihiisana aysan seegi doonin, haba laga faa’iide-ysto baahida loo qabo dowladn-imada’e. [X/BANAADIR]


MAXAAD KALA SOCOTAA LOOLANKA KA SOCDA MAGAALADA CARTA? (Xogta shirka Jabuuti)

 

Qeybta 2-aad… 

Arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa marag ma doonto ah in shirka Jabuuti uu leeyahay aa-bbayaal soo dhiraandhi-riyay oo mirihiisana ays-an seegi doonin, haba laga faa’iideysto baahi-da loo qabo dowladnim-ada’e.

Marka la fiiriyo xaaladda uu iminka ma-rayo shirka Jabuuti wa-xaa la oran karaa waa heerkii ugu horeeyay iyo tallaabadii ugu hore-ysay ee ay ka muuqan kafrto doorka siyaasad-da iyo siyaasiyiinta shir-ka ku yeelanayaan ma-adaama la xulayo xubn-ihii ka qeybgalayay shir-weynaha Qaran ee ay tahay inay iyagu dhisa-an Dowladda KMG ah doortaana baarlamaan-kii iyo hay’adihii dastuu-riga ahaa, dhinaca kale waxaa la oran karaa marxalada shirka inkas-too ay bilow tahay had-ana loolanku bilow ma aha sababo badan aaw-good, kuwaasoo ay ugu horeyso in siyaasiyiinta wax is bidaya ee rajada ka leh inay wax noqda-an ay horayba isu muuj-iyeen una sameeyeen dhaqdhaqaaq xoog leh oo dantooda ku saabs-an.

Hoggaamiye kooxee-dyadii hore ee soo han-uunay taageeradana sii-yay hindisaha Jabuuti inkastoo ay dhowr xub-nood yihiin rajo xoog lehna aysan qabin had-ana waxaa u muuq-ata inay door ku yeelan kar-aan shirka oo la door-an karo ama ay wax do-oran karaan waana taas tan hadda loolank-eedu taagan yahay ee shaqsi kasta uu u xusul duuba-yo inuu noqdo ergada shirka oo beeshiisa ma-gaceeda ku soo gala.

Siyaasiyiinta soo ahaa hoggaamiye koox-eedyadii ama qabqabla-yaashii dagaal ee Soo-maaliya joogayna shirk-aas waxaa rajadooda iyo magacyadooduba ay kala yihiin:

Cali Mahdi:  

wuxuu ahaa Ma-daxweynihii ugu horee-yay ee ururro Soomaal-iyeed ay sameeyaan wi-xii ka danbeeyay markii la riday xukuumadii Siy-aad Barre iyadoo mud-do laba jeer ah lagu soo caleema saaray isla Ja-buutida hadda lagu shir-ayo.

Dhinaca rajadiisa wa-xay u muuqataa inay heehaabeyso oo aysan sal lahayn, haddii shal-ay uu kalsooni ka heyst-ay in badan oo Sooma-alida ka mida una muu-qday nin degan oo isu keeni kara Soomaal-ida, 9-sanadood kaddib waxa uu shirka joogaa isagoo aan kalsooni ba-dan heysan xitaa jufadi-isa Muddulood oo sadd-ex qeybood u kala jabt-ay siyaasad ahaan isa-goo markii ugu danbey-say lumiyay midnimad-ooda (Shirkii Ra-mada-an ee Hawiyaha).

Tan kale ee had-dii uu lahaan lahaa rajo wax u dhintay waxa ay tahay loolanka iyo muuqash-ada Dr. Xuseen Xaaji Bood oo ah shaqsi la baratamaya inkastoo aysan labadaa shaqsi isku miisaan ahayn, wa-xaa hadana wararkii ugu danbeeyay sheega-yaan inuu sii xumaaday qilaafkii markii hore ee u dhaxeeyay oo xaala-ddu ka sii dartay markii la tegay Jabuuti.

Jan. Masalle:

Jan. Cumar Xaa-ji Masalle qalad ma aha haddii la yiraahdo waxa uu xilligan marayaa ma-rkii uu ugu sumcadda liitay iyadoo ay xitaa ka hor jeedaan qaar ka mi-da waxgaradka beeshi-isa ee iyaduna u kala jabtay labada garab siy-aasadeed si kastoo ay noqon lahaydba waxaa tiisa waxba kama jiraan ka dhigaya colaada ka dhex oogan isaga iyo maamulka C/llaahi Yuu-suf oo ay shirka ka joo-gaan Isimo tiro badan oo matalaya, sidaa dar-aadeed doorka hoggaa-miyahaas hore inuu mu-uqdo waxay ku xiran ta-hay hadba sida ay xaal-adda beeshiisu tahay, taasoo iminkaba iska cad inaysan saacidey-nin.

Xasan Abshir: 

Xasan Abshir Faarax inkastoo uu ah-aa ragga ugu dhow dh-ow Col. C/llaahi Yuusuf isla markaana door we-yn ku lahaa siyaasadda kooxaha mudadii ka da-nbeysay dagaaladii sok-eeye waxaa hadana is-ka cad in gebi ahaanba rajadiisu dhaafi doonin qeybaha hoose ee ma-amulka la dhisayo.

Waxay isku dhaceen Col. C/llaahi Yuusuf ta-asoo ka timid arrimo iy-aga u dhaxeeya oo ga-ar ah, waxa uuna shirka tegay isagoo laga yaa-bo inuu ku xumeynay-ay C/llaahi Yuusuf ee aanu dan kale ka laha-yn, waxaana dadka hal-kaas jooga ay u heystaan ergooyinka ka yimid gobo-lada W/Bari inay shirka u tageen oo kaliya carqalad ee ays-an daacad ka ah-ayn, haddii la isku soo xo-oriyana Xasan Abshir ka-ma rajo wanaagsana hog-gaamiye kooxeedyada aa-nu soo sheegnay. Inta ka dhiman furitaanka shirka oo loolanku socdo siyaasi ka-sta wuxuu Odayaasha dhaqanka beeshiisa ku qasban yahay inuu ka dh-ameyto ka mid noqosha-da ergada si ugu yaraan aan looga waayin masra-xa oo aysan meesha ku xoogeysan qolooyinka di-badda ku yimid ee shirka hareeyay. Ma yara siyaas-iyiinta kale ee aqbalay in-ay iyagoo shaqsi ah cid ay metelaana aysan jirin iska tagaan shirka Jabuuti wa-xa kasta ha ula jeedaane


MAXAAD KALA SOCOTAA LOOLANKA KA SOCDA MAGAALADA CARTA?

 

Qeynta 4-aad…

 

Dowlada Jabuuti oo uu ku cus-ub yahay dhaqanka casriga ah ee hogaamiyayaasha siyaasada ee kooxaha Soomaalida waxaa isu qaban la’ sida ay wax u doo-neyso iyo sida ay wax u socda-an!.

Sidee u fahmi kartaa dad aan heshiis ahayn oo dhexdoo-da iyagoo kala socda yimid oo haddana mid kasta xukun uu helo ku taamayo, doonayo inuu wax noqdo, u qarash gareynayo in la taageero?, waxay noqotay wax lala yaabo markii siyaasi shirka jooga oo ka mida kuwii kooxaha uu kalsooni gorgortan ku dhisan ka doontay beelo kale markii ay beeshiisu tixgelin siin weyday, waxayna ka mid tahay waxyaabaha ka socda Carte oo dowlad Soomaal-iyeed shaca-bku ka filayaan.

Waxaa intii aan lagu he-shiin shirka ee wada tashiyada hoose la bilaabay lolan la xiriira cidda madaxweyne noqonysa iyo cidda Ra’iisal wasaare laga dhigayo, markiiba waxaa soo if baxay beelo fag-fag badan oo la orday ra’yigaas iskuna dayay in-ay iyagu qaataan oo heshiis afd-uub ah inta kale marsiiyaan, wa-xayse arrintu fashil noqotay mar-kii laga war helay macquul ahaa-nta jiritaanka heshiiska noocaas ah waxaana kadibn dhacday in laga daba qaatay oo heshiisyadu bataan ilaa heer ay gaareen in lala yaabo, wax kastoo soo bax-aba ma aha kuwo u faa’iideyna-ya hogaamiye kooxeed siyaasi ah.

Waa Socotaa…


MAXAAD KALA SOCOTAA LOOLANKA KA SOCDA MAGAALADA CARTA? (Xogta shirka Jabuuti)

 

Qeybtii 7-aad

Jabuuti: [Xiddigta Banaadir]

 

Beelaha Majeer-teen waxaa shirka uga soo qeyb galay dad aad u kala duwan oo u kala fikir fog iyadoo awooda ay u janjeerto dhinaca maamul goboleedka uu Madaxweynaha u yahay Col. C/llaahi Yuusuf ka-asoo la dhihi karo waxa uu leeyahay oraahda ugu danbeysa cid kast-oo shirka tagta ama taa-geertaba.

Dabcan taasi waa rumowday waxaa-na laga fursan waayay in kasta oo madaxda dowladda Jabuuti ay sh-eegaan inay u dhamaat-ay qabqablayaasha dag-aalka oo ay yihiin wax iskuma falayaal aan aw-ood lahayn shacabkuna ka tashaday oo meel cidlo ah taagan, iyo Nin daad qaaday xumbo cu-skay waxaa hadana lag-ama maarmaan noqotay in Col. C/llaahi Yuusuf ergadiisii dib loogu soo celiyo oo ay mar kale ku laabtaan magaalada Garowe si ay u qanciya-an Madaxweynahooda ama ugu yaraan ugala tashadaan arrimaha hor yaala oo aysan awood u lahayn inay la’aantii wax go’aan ka qaataan.

Wararka hoose waxay sheegayaan in er-gada C/llaahi Yuusuf ee Isimada iyo maamulka ka koobani ay shir la yeelatay Madaxweynaha Jabuuti intii aysan ka anba bixin dalka Jabuu-ti, shirkaas oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin lama oga waxa uu Madaxweynaha Jabuuti kula ballamay ergada, war lagama hayo inuu heshiis qarsoodi ah la galay si aysan dhinacaas dhibaato uga imaan, xaqiiqo looma hayo in ay jiraan wax la isku ogy-ahay oo ah in siyaa-siyiinta hadda jirta laga fogeeyo dowladda la fila-yo in la dhiso balse guuxa jira waxa uu she-egayaa inuu jiro qorshe lagu soo xero gelinayo Col. C/lla-ahi Yuusuf oo ah inuu yimaado shirka, inkastoo ay taasi suuragal noqon karto mararka qaarkood-na wax khiyaali ah u muu-qan karta.

Marka siyaasad-da iyo isbedeladeeda la fiiriyo ma aha wax weyn oo lala yaabo inuu C/lla-ahi Yuusuf ku biiro shirka Jabuuti kana mid noqdo dowladda halkaasi lagu dhisayo waa haddii loo sheego wax uu ku qanco, haddiise laga eego dhin-aca mas’uuliyada lana qiimeeyo mowqifkiisii ho-re iyo hadalada uu shirka Jabuuti ka yiri waxaa ma-rna cuntameynin inuu wax Jabuuti taageeraya lug ku yeesho iska daa in-uu ka qeybgalee.

Si kasta oo ay ar-rintu noqotaba ka qeyb galka iyo diidmada shirka ee Col. C/llaahi Yuusuf waxay si isku mid ah u saameyneysaa beesha uu ka dhashay iyo guud ahaan maamulka Puntl-and, waa marka horee haddii uu ku adkeysto dii-dmadiisa waxaa dhalan-aya dhibaato ka dhex ooganta isaga iyo dadkii uu ku tiirsanaa oo Jabuuti lagu soo Quraan saaray diyaaradna u fadhida ma-gaalada Garowe oo aan dheg la qabto lahayn, waxaana dhaceysa ismaan dhaaf aan horay loo arag oo ay ku kala irdhoobaan maamul iyo dadkii hagi lahaa taasoo maxsuulkeedu uu gobol-ada W/Bari u keenayo dhibaato aan horay loo filaynin, haddii uu ogol-aado laba midood ayay noqon kartaa inuu ergada raaco oo u wehliyo Jab-uuti, taasoo haddii ay dhacdo miisaan dhac isa-ga u ah muujineysana in-ay rumowday riyadii mas-’uuliyiinta Jabuuti ee aha-yd inay shacabku awooda leeyihiin oo ay gaareen heer ay wax diidi karaan waxna dooni karaan si uu ku qaatana ay ku adkaa-neyso, iyo inuu taageero shirka balse aanu ka qeyb gelin oo si xaal mas-tuur ah arrintu ku soo dhammaato, taasina wax-ay u tahay mas’uuliyad darro iyo arrin aan socan karin mar haddii waxa lagu howlan yahay yihiin maamul ka xoog badan kiisa oo ah dowlad dhexe waa lagu qasban yahay inuu cod ku yee-sho ama wax ka yiraahdo.

Guud ahaan saa-meynta shirka Jabuuti ee beelaha Majeerteen ma aha mid fudud waana tan ugu xasaasisan ee shir-kaasi la yimid marka la fiiriyo guud ahaan beelaha Soomaaliyeed ee shirku saameynta ku yee-shay, waxaana arrimahaa oo dhan la ogaan doonaa 24-ka saac ee soo socda waxa ka soo baxa maga-alada Garowe oo in ba-dan rajada Jabuutina ku xiran tahay.

 

BEELAHA ISAAQ:

 

Beelahan dadka matalaya waa dad ka yi-mid dalka dibadiisa iyo qaar ka yimid gudaha dalka oo isugu jira kuwo mucaarad ku ah Jamh-uuriyadda Somaliland iyo kuwo iska caadi ah oo si dhuumaaleysi ah uga tegay Somaliland.

Haddii la yiraah-do dadkaas ayaa u ma-talaya reer Somaliland shirka Jabuuti waa sida hadda socotee runtii waa meel ka dhac aad u weyn oo mar kale lagula kaca-yo dadka reer Somaliland ee markii horeba qatyaa-nka ka taagnaa midnim-adii ay horay ula galeen K/Soomaaliya.

Jabuuti waxay ho-ray ugu fashilantay inay shirkaasi kalsooni uga hesho xukuumada iyo go-layaasha dalka Somali-land heer ay labada dhin-ac dhex mareen ismaan dhaafyo kale in la eriyo wakiilkii Somaliland u joo-gay Jabuuti waxayna arr-inta Somaliland ee shirka Jabuuti u muuqataa mid aan waxba ku kordhineyn dadka Waqooyiga Soom-aaliya inay uga sii darto maahee.

Qaabka ergada beesha Isaaq loo xulay iyo dadka la sheegay inay matalayaan oo ay ka mid yihiin kuwii xubnaha ka ahaa dowladda Salbal-laar….

Waa Socotaa…


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:05 AM. Webmaster HomePage