- Title: [SW News] [X/BANAADIR] MAXAAD KALA SOCOTAA LOOLANKA KA SOCDA
MAGAALADA CARTA?
- From: []
- Date: [31 May 2000]
MAXAAD KALA SOCOTAA LOOLANKA
KA SOCDA MAGAALADA CARTA?
Part 1
Tan iyo intii uu soo if baxay hindisaha Madaxweynaha Jabu-uti iyo wixii
ka danbeeyay markii uu dhaqan galay oo ku beegne-yd 2-dii bisha May oo magaala-da Carte
laga furay shirkii oday-aasha dhaqanka ee beelaha So-omaaliyeed waxaa hadba soo if baxayay
qaabka shirka Jabuuti cida ku lugta leh, saameynta uu leeyahay iyo ujeedooyinka ku
qarsoon.
Inkastoo aan weli xog dhamey-stiran laga heyn ujeedada rasmi-ga ah ee
dowlada Jabuuti ka le-edahay shirka iyo waxa laga og-yahay marka laga reebo oraah-da ah
"Dowladda Jabuuti waxay u howlgaleysaa inay gogosha u fidiso Soomaalida,
go’aankuna ay yeeshaan Soomaalida bee-sha caalamkuna taageerto" oo hal heys u ah
Madaxweynaha Jabuuti, waxaa hadana maalinba maalinta ka danbeysa soo muu-qanaya doorka ay
hindisaha iyo shirkaba ku leeyihiin shaqsiyaad iyo dowlado kala duwan oo si dadban iyo si
toos ahba ula saan qaadaya dhaqdhaqaaqa ka so-cda dalka Jabuuti ee la sheegay in looga gol
leeyahay dowlad Soomaaliyeed oo halkaas lagu dhiso.
Mudadii ka danbeysay markii la furay shirkaas oo iminka laga joogo
dhowr iyo labaatan maal-mood waxaa si cad u soo shaac baxay kaalinta muuqata ee ay
shirkaas ku leeyihiin shaqsiyaad ay ka mid yihiin dadka dibadda ku nool iyo kuwo ka mid
ahaan jiray taliskii Siyaad Barre oo dad badan ay ku tilmaamaan inay yi-hiin haraadi.
Wararkii ugu danbeeyay ee halkaas ka yimaada waxay she-egayaan in durba
ay bilaabatay loolan hoose iyo xusul duub loo-gu jiro cida noqoneysa ama qab-aneysa
jagooyinka waaweyn ee dowladda KMG ah oo la filayo in shirkaas lagu dhiso inkastoo ay
taasi hordhac tahayna waxay ugu yaraan muujineysaa in shir-ka Jabuuti aanu wax weyn ka
duwaneyn shirarkii ka horeeyay oo durba loo boodayo is sharax-aad iyo jago doonis, iyadoo
wali-ba ay taagan yihiin xiisadihii be-elaha iyo is mariwaagii laga dha-xlay dagaaladii
sokeeye ee dal-ka ka dhacay tobankii sano ee tegay.
Marka loo kuur galo dadka Ca-rta tegay waxaa farta lagu fiiqaa inay
dhinaca Hawiyaha ugu ca-dcad yihiin ragga ay ka mid yi-hiin C/llaahi Axmed Caddow oo
horay xukuumadii hore uga soo qabtay xilal kala duwan oo uu ka mid yahay Wasiirka
maaliyada, waxaa iyaguna aan dab yar shi-deynin rag uu ka mid yahay C/ll-aahi
Cosoble Siyaad & xubno kale.
Dhinaca kale waxaa ka soo muuqda rag uu ugu horeeyo Xa-san
Abshir Faarax, Jan. Cumar Xaaji Masalle iyo xubno kale,
in-kastoo mudnaanta la sheegay in la siinayo Odayaasha dhaqanka iyo aqoonyahanada, siiba
kuwa dibad jooga ah waxaa hadana lama huraan ah inay siyaasiyii-nta hoggaanka qabtaan.
Intii uu socday shirka odayaa-sha oo ay barbar socdeen shirar kale oo
gaar gaar ah oo ay yee-sheen beelaha shirkaas ka qey-bgalaya waxaa iyana soo baxay
dhibaatooyin siyaasadeed oo ke-enay in isbedel ku yimaado qaa-bkii ay markii hore shirka
ku tag-een odayaasha iyo siyaasiyiinta.
Qaar ka mida siyaasiyiinta ay-aa la sheegay inay yeesheen ku-lamo ay ku
doonayaan inay ku xaliyaan qilaafaadka u dhaxeeya isla markaana ku sameysanaya-an
istiraatiijiyad cusub oo ay ku wajahaan shirka balse ilaa iyo hada lama dhaxlin wax aan
ah-ayn bilcaksi maadaama aan la gaarin taas, qaar ka mida siyaa-siyiinta Muddulood ee
shirkaas joogta ayaa la sheegay inay lug weyn ku lahaayeen ismaan dha-afkii ka dhex
dhashay beelaha H/gidir iyo Mirifle oo muddo bad-an uu shirku u xayirnaa kaddib markii ay
beelaha Mirifle la soo istaageen xujo ah in marka hore laga soo baxo dhulkooda, taasi-na
waxay keentay in jaho cusub ay qaado siyaasaddii qabqablay-aasha is qabtay ee tegay
mada-sha Jabuuti.
Inkastoo ay arrimahaas oo dh-an jiraan waxaa hadana mar ka-sta macquul
ah inay qarsoon yi-hiin waxa dhabta ah ee ka soo bixi doona Jabuuti oo ay meesha taalo
arrin hoose oo dhameystir-an, tuhunkaas oo muddo dheer soo jiitamayay waxaa boorka ka
qaaday markii toddobaadkan la sheegay in magaca ergeda ku shireysa magaalada Carta uu ku
hadlay Dr. C/qaasim Salaad Xa-san oo ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee
Jabuuti u tegay arr-inta shirkan.
Dr. C/qaasim waxa uu ku saxii-xnaa farriin ay odayaasha Soo-maaliyeed u
direen Jamhuuriya-dda Somaliland, iyadoo laga da-lbanayay inay ka tala bixiyaan qaabka ugu
haboon ee wafdi ka socda odayaashaas ay ku tegi lahaayeen Somaliland, taasina waxay
keentay inuu sii bato hug-unka ku saabsan waxa ay yihiin qorshayaasha Jabuuti iyo halka ay
u socdaan, arrintu si kastaba ha ahaatee waxaa marag ma doonto ah in shirka Jabuuti uu
leeyahay aabbayaal soo dhira-an-dhiriyay oo mirihiisana aysan seegi
doonin, haba laga faa’iide-ysto baahida loo qabo dowladn-imada’e. [X/BANAADIR]
MAXAAD KALA SOCOTAA LOOLANKA
KA SOCDA MAGAALADA CARTA? (Xogta
shirka Jabuuti)
Qeybta 2-aad…
Arrintu si kastaba ha ahaatee
waxaa marag ma doonto ah in shirka Jabuuti uu leeyahay aa-bbayaal soo dhiraandhi-riyay oo
mirihiisana ays-an seegi doonin, haba laga faa’iideysto baahi-da loo qabo
dowladnim-ada’e.
Marka la fiiriyo xaaladda uu iminka ma-rayo shirka Jabuuti wa-xaa la
oran karaa waa heerkii ugu horeeyay iyo tallaabadii ugu hore-ysay ee ay ka muuqan kafrto
doorka siyaasad-da iyo siyaasiyiinta shir-ka ku yeelanayaan ma-adaama la xulayo xubn-ihii
ka qeybgalayay shir-weynaha Qaran ee ay tahay inay iyagu dhisa-an Dowladda KMG ah
doortaana baarlamaan-kii iyo hay’adihii dastuu-riga ahaa, dhinaca kale waxaa la oran
karaa marxalada shirka inkas-too ay bilow tahay had-ana loolanku bilow ma aha sababo badan
aaw-good, kuwaasoo ay ugu horeyso in siyaasiyiinta wax is bidaya ee rajada ka leh inay wax
noqda-an ay horayba isu muuj-iyeen una sameeyeen dhaqdhaqaaq xoog leh oo dantooda ku
saabs-an.
Hoggaamiye kooxee-dyadii hore ee soo han-uunay taageeradana sii-yay
hindisaha Jabuuti inkastoo ay dhowr xub-nood yihiin rajo xoog lehna aysan qabin had-ana
waxaa u muuq-ata inay door ku yeelan kar-aan shirka oo la door-an karo ama ay wax do-oran
karaan waana taas tan hadda loolank-eedu taagan yahay ee shaqsi kasta uu u xusul duuba-yo
inuu noqdo ergada shirka oo beeshiisa ma-gaceeda ku soo gala.
Siyaasiyiinta soo ahaa hoggaamiye koox-eedyadii ama qabqabla-yaashii
dagaal ee Soo-maaliya joogayna shirk-aas waxaa rajadooda iyo magacyadooduba ay kala
yihiin:
Cali Mahdi:
wuxuu ahaa Ma-daxweynihii ugu horee-yay ee ururro Soomaal-iyeed ay
sameeyaan wi-xii ka danbeeyay markii la riday xukuumadii Siy-aad Barre iyadoo mud-do laba
jeer ah lagu soo caleema saaray isla Ja-buutida hadda lagu shir-ayo.
Dhinaca rajadiisa wa-xay u muuqataa inay heehaabeyso oo aysan sal
lahayn, haddii shal-ay uu kalsooni ka heyst-ay in badan oo Sooma-alida ka mida una
muu-qday nin degan oo isu keeni kara Soomaal-ida, 9-sanadood kaddib waxa uu shirka joogaa
isagoo aan kalsooni ba-dan heysan xitaa jufadi-isa Muddulood oo sadd-ex qeybood u kala
jabt-ay siyaasad ahaan isa-goo markii ugu danbey-say lumiyay midnimad-ooda (Shirkii
Ra-mada-an ee Hawiyaha).
Tan kale ee had-dii uu lahaan lahaa rajo wax u dhintay waxa ay tahay
loolanka iyo muuqash-ada Dr. Xuseen Xaaji Bood oo ah shaqsi la baratamaya inkastoo aysan
labadaa shaqsi isku miisaan ahayn, wa-xaa hadana wararkii ugu danbeeyay sheega-yaan inuu
sii xumaaday qilaafkii markii hore ee u dhaxeeyay oo xaala-ddu ka sii dartay markii la
tegay Jabuuti.
Jan.
Masalle:
Jan. Cumar Xaa-ji Masalle qalad ma aha haddii la yiraahdo waxa uu
xilligan marayaa ma-rkii uu ugu sumcadda liitay iyadoo ay xitaa ka hor jeedaan qaar ka
mi-da waxgaradka beeshi-isa ee iyaduna u kala jabtay labada garab siy-aasadeed si kastoo
ay noqon lahaydba waxaa tiisa waxba kama jiraan ka dhigaya colaada ka dhex oogan isaga iyo
maamulka C/llaahi Yuu-suf oo ay shirka ka joo-gaan Isimo tiro badan oo matalaya, sidaa
dar-aadeed doorka hoggaa-miyahaas hore inuu mu-uqdo waxay ku xiran ta-hay hadba sida ay
xaal-adda beeshiisu tahay, taasoo iminkaba iska cad inaysan saacidey-nin.
Xasan
Abshir:
Xasan Abshir Faarax inkastoo uu ah-aa ragga ugu dhow dh-ow Col.
C/llaahi Yuusuf isla markaana door we-yn ku lahaa siyaasadda kooxaha mudadii ka da-nbeysay
dagaaladii sok-eeye waxaa hadana is-ka cad in gebi ahaanba rajadiisu dhaafi doonin qeybaha
hoose ee ma-amulka la dhisayo.
Waxay isku dhaceen Col. C/llaahi Yuusuf ta-asoo ka timid arrimo iy-aga
u dhaxeeya oo ga-ar ah, waxa uuna shirka tegay isagoo laga yaa-bo inuu ku xumeynay-ay
C/llaahi Yuusuf ee aanu dan kale ka laha-yn, waxaana dadka hal-kaas jooga ay u heystaan
ergooyinka ka yimid gobo-lada W/Bari inay shirka u tageen oo kaliya carqalad ee ays-an
daacad ka ah-ayn, haddii la isku soo xo-oriyana Xasan Abshir ka-ma rajo wanaagsana
hog-gaamiye kooxeedyada aa-nu soo sheegnay. Inta ka dhiman furitaanka shirka oo loolanku
socdo siyaasi ka-sta wuxuu Odayaasha dhaqanka beeshiisa ku qasban yahay inuu ka dh-ameyto
ka mid noqosha-da ergada si ugu yaraan aan looga waayin masra-xa oo aysan meesha ku
xoogeysan qolooyinka di-badda ku yimid ee shirka hareeyay. Ma yara siyaas-iyiinta kale ee
aqbalay in-ay iyagoo shaqsi ah cid ay metelaana aysan jirin iska tagaan shirka Jabuuti
wa-xa kasta ha ula jeedaane
MAXAAD KALA SOCOTAA
LOOLANKA KA SOCDA MAGAALADA CARTA?
Qeynta
4-aad…
Dowlada Jabuuti oo uu ku cus-ub yahay dhaqanka casriga ah ee
hogaamiyayaasha siyaasada ee kooxaha Soomaalida waxaa isu qaban la’ sida ay wax u
doo-neyso iyo sida ay wax u socda-an!.
Sidee u fahmi kartaa dad aan heshiis ahayn oo dhexdoo-da iyagoo kala
socda yimid oo haddana mid kasta xukun uu helo ku taamayo, doonayo inuu wax noqdo, u
qarash gareynayo in la taageero?, waxay noqotay wax lala yaabo markii siyaasi shirka jooga
oo ka mida kuwii kooxaha uu kalsooni gorgortan ku dhisan ka doontay beelo kale markii ay
beeshiisu tixgelin siin weyday, waxayna ka mid tahay waxyaabaha ka socda Carte oo dowlad
Soomaal-iyeed shaca-bku ka filayaan.
Waxaa intii aan lagu he-shiin shirka ee wada tashiyada hoose la bilaabay lolan la
xiriira cidda madaxweyne noqonysa iyo cidda Ra’iisal wasaare laga dhigayo, markiiba
waxaa soo if baxay beelo fag-fag badan oo la orday ra’yigaas iskuna dayay in-ay iyagu
qaataan oo heshiis afd-uub ah inta kale marsiiyaan, wa-xayse arrintu fashil noqotay
mar-kii laga war helay macquul ahaa-nta jiritaanka heshiiska noocaas ah waxaana kadibn
dhacday in laga daba qaatay oo heshiisyadu bataan ilaa heer ay gaareen in lala yaabo, wax
kastoo soo bax-aba ma aha kuwo u faa’iideyna-ya hogaamiye kooxeed siyaasi ah.
Waa Socotaa…
MAXAAD KALA SOCOTAA LOOLANKA KA
SOCDA MAGAALADA CARTA? (Xogta shirka Jabuuti)
Qeybtii 7-aad
Jabuuti: [Xiddigta Banaadir]
Beelaha Majeer-teen waxaa shirka uga soo qeyb
galay dad aad u kala duwan oo u kala fikir fog iyadoo awooda ay u janjeerto dhinaca maamul
goboleedka uu Madaxweynaha u yahay Col. C/llaahi Yuusuf ka-asoo la dhihi karo waxa uu
leeyahay oraahda ugu danbeysa cid kast-oo shirka tagta ama taa-geertaba.
Dabcan taasi waa rumowday waxaa-na laga fursan
waayay in kasta oo madaxda dowladda Jabuuti ay sh-eegaan inay u dhamaat-ay qabqablayaasha
dag-aalka oo ay yihiin wax iskuma falayaal aan aw-ood lahayn shacabkuna ka tashaday oo
meel cidlo ah taagan, iyo Nin daad qaaday xumbo cu-skay waxaa hadana lag-ama maarmaan
noqotay in Col. C/llaahi Yuusuf ergadiisii dib loogu soo celiyo oo ay mar kale ku laabtaan
magaalada Garowe si ay u qanciya-an Madaxweynahooda ama ugu yaraan ugala tashadaan
arrimaha hor yaala oo aysan awood u lahayn inay la’aantii wax go’aan ka qaataan.
Wararka hoose waxay sheegayaan in er-gada
C/llaahi Yuusuf ee Isimada iyo maamulka ka koobani ay shir la yeelatay Madaxweynaha
Jabuuti intii aysan ka anba bixin dalka Jabuu-ti, shirkaas oo ahaa mid ay albaabada u
xiran yihiin lama oga waxa uu Madaxweynaha Jabuuti kula ballamay ergada, war lagama hayo
inuu heshiis qarsoodi ah la galay si aysan dhinacaas dhibaato uga imaan, xaqiiqo looma
hayo in ay jiraan wax la isku ogy-ahay oo ah in siyaa-siyiinta hadda jirta laga fogeeyo
dowladda la fila-yo in la dhiso balse guuxa jira waxa uu she-egayaa inuu jiro qorshe lagu
soo xero gelinayo Col. C/lla-ahi Yuusuf oo ah inuu yimaado shirka, inkastoo ay taasi
suuragal noqon karto mararka qaarkood-na wax khiyaali ah u muu-qan karta.
Marka siyaasad-da iyo isbedeladeeda la fiiriyo ma
aha wax weyn oo lala yaabo inuu C/lla-ahi Yuusuf ku biiro shirka Jabuuti kana mid noqdo
dowladda halkaasi lagu dhisayo waa haddii loo sheego wax uu ku qanco, haddiise laga eego
dhin-aca mas’uuliyada lana qiimeeyo mowqifkiisii ho-re iyo hadalada uu shirka Jabuuti
ka yiri waxaa ma-rna cuntameynin inuu wax Jabuuti taageeraya lug ku yeesho iska daa in-uu
ka qeybgalee.
Si kasta oo ay ar-rintu noqotaba ka qeyb galka
iyo diidmada shirka ee Col. C/llaahi Yuusuf waxay si isku mid ah u saameyneysaa beesha uu
ka dhashay iyo guud ahaan maamulka Puntl-and, waa marka horee haddii uu ku adkeysto
dii-dmadiisa waxaa dhalan-aya dhibaato ka dhex ooganta isaga iyo dadkii uu ku tiirsanaa oo
Jabuuti lagu soo Quraan saaray diyaaradna u fadhida ma-gaalada Garowe oo aan dheg la qabto
lahayn, waxaana dhaceysa ismaan dhaaf aan horay loo arag oo ay ku kala irdhoobaan maamul
iyo dadkii hagi lahaa taasoo maxsuulkeedu uu gobol-ada W/Bari u keenayo dhibaato aan horay
loo filaynin, haddii uu ogol-aado laba midood ayay noqon kartaa inuu ergada raaco oo u
wehliyo Jab-uuti, taasoo haddii ay dhacdo miisaan dhac isa-ga u ah muujineysana in-ay
rumowday riyadii mas-’uuliyiinta Jabuuti ee aha-yd inay shacabku awooda leeyihiin oo
ay gaareen heer ay wax diidi karaan waxna dooni karaan si uu ku qaatana ay ku adkaa-neyso,
iyo inuu taageero shirka balse aanu ka qeyb gelin oo si xaal mas-tuur ah arrintu ku soo
dhammaato, taasina wax-ay u tahay mas’uuliyad darro iyo arrin aan socan karin mar
haddii waxa lagu howlan yahay yihiin maamul ka xoog badan kiisa oo ah dowlad dhexe waa
lagu qasban yahay inuu cod ku yee-sho ama wax ka yiraahdo.
Guud ahaan saa-meynta shirka Jabuuti ee beelaha
Majeerteen ma aha mid fudud waana tan ugu xasaasisan ee shir-kaasi la yimid marka la
fiiriyo guud ahaan beelaha Soomaaliyeed ee shirku saameynta ku yee-shay, waxaana arrimahaa
oo dhan la ogaan doonaa 24-ka saac ee soo socda waxa ka soo baxa maga-alada Garowe oo in
ba-dan rajada Jabuutina ku xiran tahay.
BEELAHA ISAAQ:
Beelahan dadka matalaya waa dad ka yi-mid dalka
dibadiisa iyo qaar ka yimid gudaha dalka oo isugu jira kuwo mucaarad ku ah Jamh-uuriyadda
Somaliland iyo kuwo iska caadi ah oo si dhuumaaleysi ah uga tegay Somaliland.
Haddii la yiraah-do dadkaas ayaa u ma-talaya reer
Somaliland shirka Jabuuti waa sida hadda socotee runtii waa meel ka dhac aad u weyn oo mar
kale lagula kaca-yo dadka reer Somaliland ee markii horeba qatyaa-nka ka taagnaa
midnim-adii ay horay ula galeen K/Soomaaliya.
Jabuuti waxay ho-ray ugu fashilantay inay
shirkaasi kalsooni uga hesho xukuumada iyo go-layaasha dalka Somali-land heer ay labada
dhin-ac dhex mareen ismaan dhaafyo kale in la eriyo wakiilkii Somaliland u joo-gay Jabuuti
waxayna arr-inta Somaliland ee shirka Jabuuti u muuqataa mid aan waxba ku kordhineyn dadka
Waqooyiga Soom-aaliya inay uga sii darto maahee.
Qaabka ergada beesha Isaaq loo xulay iyo dadka la
sheegay inay matalayaan oo ay ka mid yihiin kuwii xubnaha ka ahaa dowladda Salbal-laar….
Waa Socotaa…
[ News] |