19 May 2007 04:18

SOMALIA WATCH

 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News](Xiddigta Banaadir) Shirweynaha Soomaaliyeed ee Djibouti 
  • From: []
  • Date:  [31 May 2000]

Shirweynaha Soomaaliyeed ee Djibouti 

Jabuuti: [Xiddigta Banaadir]

Shirweynihii Soomaaliye-ed ee ay qabanqaabineysay Dowl-adda Jabuuti kana danbeeyay hind-isihii Madaxweyne Ismaaciil Cu-mar Geelle ee soo shaac baxay bi-shii Sebtembar ee kal hore ayaa loo qabtay maalin kama danbeys ah oo uu ka furmayo degaanka Ca-rta ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha Dibad-da ee Jabuuti ahna Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada ee shirka-asi Md. Cali Cabdi Faarax ayaa shalay Saxaafadda u sheegay in 6-da bisha June uu shirweynihii Soo-maaliyeed ka furmi doono degaan-ka Carta.

Wasiirku waxa uu cadeey-ay in ergooyinka shirkaasi ka qey-bgalaya ugu danbeyn la soo gudb-in doono maanta xilliga ugu danb-eeya ee qabashada liisaskaasina ay tahay 6:00-da galabnimo, "Waxa-an rajeyneynaa in shirweynaha Qaran uu guuleysto sida shirkii Odayaasha dhaqanka oo kale" ay-uu yiri Md. Cali Cabdi oo sheegay in Odayaasha dhaqanka Soomaali-yeed ay howl weyn qabteen, iyad-oo buu yiri muddo bil ka yar ku dhameeyay qilaafaadkii u dhaxee-yay beelaha Soomaaliyeed.

"Waxaan rajeynayaa in So-omaaliya ay shirweynaha kala laa-bato dowlad KMG ah, baarlamaan iyo nidaam ayna dalkii kula noq-oto" ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti oo sheegay in shirweynaha Jabuuti ay ka qeybg-eli doonaan dhammaan bulsha we-ynta Soomaaliyeed oo aan u kala harin, "Waxaa ka qeybgalaya siya-asiyiin hore oo aan qiimeyneyn kursi iyo jago" ayuu yiri Cali Ca-bdi oo sheegay in siyaasiyiinta ay ka mid yihiin bulsha weynta Soo-maaliyeed kana qeybgalayaan shi-rweynaha ka furmaya Jabuuti.

Dhinaca kale waxa uu Wa-siirku magaalada Carta kula shiray xubnaha Haweenka Soomaaliyeed ee halkaas jooga oo ay ka wa-dahadleen qaabka shirka iyo xuli-taanka Haweenka loo qoondeeyay inay shirkaasi ka qeybgalaan oo gaaraya 100 xubnood.


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:05 AM. Webmaster HomePage