19 May 2007 04:17

SOMALIA WATCH

 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News] (Warsidaha puntland) WARBIXIN KU SAABSAN GOBOLADA AY KA TALISO RRA
  • From: []
  • Date:  [4 June 2000]

Warsidaha puntland Tirsi 38 Axad 4 june 2000 bogga 2

WARBIXIN KU SAABSAN GOBOLADA AY KA TALISO RRA

 

Gobolada Bay iyo Bakool ee uu ka taliyo ururka RRA ayaa hada waxay ka soo kabanayaan dhibaatooyinkii faraha badnaa ee ay u geysteen ciidamadii sal balaar xoolaleydii , beera leydii, ganacsatadii iyo shacabka guud ahaanba.

  • Dadka shacabka ahaa ee u kala qaxay dibada iyo gudaha soomaaliya ayaa ku soo laabtey badankoodii goboladaas kadib markii halgan dheer ay ugu suurto gashay RRAduna inay gacanta ku dhigto 29/10/1998 xudur, 6/6/99kiina waxay ciidamada RRA oo saldhigyo ku lahaa Qurunjiis oo xaga Koonfureed ka jirta baydhaba iyo Ceelhuur oo xaga waqooyi ka xigta baydhaba, waxay ku guulaysteen inay gacanta ku dhigaan magaalada baydhabo iyo Gobolka guud ahaanba.
  • Nolosha dadka Goboladaas marba marka ka danbeysa wax weyn ayaa iska badalayey, magaalooyinka ayaana soo camirmaayey, adeegyadii bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada ayaa gobolka ka bilowday in kastoo gobolku soo maray abaar kulul, hadana waxaa hada loo diyaar garoobayaa xaga beerida dalagyada kala.
  • Baydhabo waxay leedahay laba shirkadood oo taleefan oo 24saac shaqeeya, Bangi Ganacsi oo la yiraahdo Jubba , waxaa kaloo dagan laba Shirkdood oo kuwa Diyaaradaha ah ( Daalo Iyo Wabiyow) oo isaga goosha Xamar iyo Baydhabo, maadaama jidka labada Magaalo isku xira uu xiranyahay oo yahay goob dagaal.
  • Baabuurtana baydhabo wareeg ayay ku yimaadaan oo waxay kasoo galaan dhanka Diinsoor ama dhinaca Xudur, isbitaalada iyo iskuulada qaarkood waxaa dayactiray hay'ado caalami ah waanna shaqeeyaan, in kastoo ciidamadii sal balaar xiligay haysteen baydhabo aad loo bililiqaystay dhismayaashii goobihii caanka ahaa.
  • Isbitaalka weyn ee baydhabo waxaa jiifa bukaan fara badan, iskuuladuna waa furan yihiin oo waa la dhigtaa , waxaa kaloo jira dugsiyo gaar ah sida kuwo lagu barto kombuuyutarka sida Qamar institute iyo kuwa luuqadaha caalamiga ah Gobolka waxaa degan hey'ado caalami ah oo ay ka mid yihiin UNDP, Unicef Care, ICRC wax weyna ilaa hada gobolka kama qaban in kastoo ay xiligii jiilaalka ay gacan ka geysteen xaga biyaha oo ay matooro geeyeen ceelasha miyiga oo horey kuwoodii looga bililiqeystay, waxay kaloo hada wadaan qeybinta abuurka beeraha, waxaana lagu rajo weyn yahay mustaqbalka dhow inay u gudbaan hirgalinta mashaariis waaweyn, Lataliyaha Gudoomiyaha RRA dhinacyada warfaafinta iyo dhaqaalaha ahna gudoomiyaha Bangiga Ganacsiga Juba ee baydhabo Mr shariif Xuseen oo warbixintaan wargeyska siiyay ayaa isagoo ka jawaabaya su'aal ahayd dadka gobolada Bay iyo Bakool sidee u arkaan shirka jabuuti wuxuu yiri shacabka reer bay iyo bakool shaki weyn ayay ka qabaan shirka jabuuti in wax fiican ay ka imaanayaan, mana u malaynayaan, waayo shirka ujeedooyinkiisa si fiican looma sheegin marba waxbay jabuuti ku dhawaaqeysay mar dowlad ayey tiri, Raysulwasaare iyo Madaxweyne ayaa la sameynayaa Xamar ayaa la tagayaa, Baarlamaanka ayaa lagu Dhisayaa, cidii diidana loo joogsanmaayo khasab ayey ku noqonaysaa iney dowlada soo raacdo, mar kale gogol ayaan fidinay ayey tiri, marka waxaa halkaa ka muuqatey jabuuti ineysan haysan barnaamij toosan.
  • Mar uu ka hadlaayey shariif gobolada la dariska ah wuxuu sheegay RRA inay kula dagaalamayaan sal balaar iyo Maxkamada ku sheegyada Gobolka Shabeelaha hoose dhowaanna filayaan inay ka gaaraan guullo.
  • Mr shariif oo mar kale ka jawaabaya is bahaysiga nabadeynta soomaaliyeed ( SPA) sida looga arko Gobolada ay ka taliso RRA wuxuu yiri:- waxaa loo arkaa inuu yahay mid xaq ah oo dadka xaq u dirirka ah oo aan dhibaatada wadin isku bahaysteen, waxayna ka soo horjeedaan kuwa damaca waalan ee ka soo horjeeda in nidaam la sameeyo.
  • Wuxuuna aaminsan yahay qeyb waliba meesheeda inay dowlad Goboleed ka sameyso, kadibna la isugu yimaado Dowlad dhexe oo faderaal ah.

 

Warsidaha puntland Tirsi 38 Axad 4 june 2000 bogga 3 


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:05 AM. Webmaster HomePage