19 May 2007 04:18

SOMALIA WATCH

 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News](QARAN PRESS) Ergooyinka Beelaha Soomaaliyeed uga qaybgalaya Shirka Dib U Heshiisiinta Soomaaliyeed oo qaarkood la soo gudbiyey. 
  • From: []
  • Date:  [6 June 2000]

 

Ergooyinka Beelaha Soomaaliyeed uga qaybgalaya Shirka Dib U Heshiisiinta Soomaaliyeed oo qaarkood la soo gudbiyey.  

 

CARTA, Axad:

Duqayda dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Carta ee dalka Jabuuti oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay si xoog leh u lafo gurayey xulashada ergooyinka uga qaybgalaya beel kasta shirweynaha Qaran ee la filayo inuu beri si rasmi ah u furmo ayey qaarkood gudbiyeen xubnihii u matali lahaa shirka, iyadoo qaar kalena ay weli isku muransan yihiin.

Beelaha Hawiyaha ayaa gudbiyey ergooyinkii uga qaybgeli lahaa shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, waxaana la sheegayaa in beelaha qaar ay isku khilaafeen xulidda xubnaha u matalay.

Warar aan xalay ka helnay degmada Carta ee dalka Jabuuti ayaa sheegaya in beelaha Daarood ay ku muransan yihiin magacaabidda ergooyinka, waxaana la sheegayaa in beesha Majeerteen ee Puntland oo ka mid ah beelahaas ay saluugsan tahay tirada ergooyinka ay heshay.

(QARAN PRESS)


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:06 AM. Webmaster HomePage