19 May 2007 04:18

SOMALIA WATCH

 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News](BAYDHABO PRESS) Xaalada odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sugan Jabuuti
  • From: []
  • Date:  [6 May 2000]

Xaalada odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sugan Jabuuti
by BAYDHABO PRESS

 

Xaalada odayaasha beelaha Digil iyo Mirifle ee ku sugan degmada Carta ee dalka Jabuuti

BAYDHABO June 4, (BP)-Wararka aan ka helnay magaalada Carta ee dalka Jabuuti oo ah halka uu ka socdo shirka dib u heshiisinta Somaalida ayaa sheegaya in odayaasha Digil iyo Mirifle laga goostay telefoonadii isla markaana loo diiday in ay dib ugu noqdaan magaalada Baydhabo.

Waxaa ilaa haatan ku sugan goobta shirka xubnihii ka socday beelaha Digil iyo Mirifle ee dortay in dib loogu cesho magaalada Baydhabo ka dib markii uu khilaaf dhex maray iyaga iyo dawlada Jabuuti.

Waxaa kalo uu noo sheegay wariyaha Baydhabo Press u jooga Jabuuti in khilaafku yimid ka dib markii uu wafdigu codsaday in laga hadlo dhulka Digil iyo Mirifle ee maqan dawlada Jabuutina ay codsatay in arinkaas dib loo dhigo oo aan hada laga hadlin inta dawlad laga sameynayo, isla markaana ay faafiyeen in beelaha Digil iyo Mirifle la heshiyeen beelihii kale ee khilaafku ka dhexeeyay.


(BAYDHABO PRESS)

Posted on Jun 03 2000 , 09:49 PM



[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:06 AM. Webmaster HomePage