- Title: [SW Country] (Warsidaha
PL # 39) DADAALKA PUNTLAND AY UGU JIRTO RAADINTA QARAN SOOMAALIYEED
- From:[]
- Date :[7 June 2000]
DADAALKA PUNTLAND AY UGU JIRTO RAADINTA QARAN
SOOMAALIYEED
Umadda soomaaliyeed waxay aqoonsantahay reer puntland inay ahaayeen
horseedayaashii gobonimadoonka soomaaliyeed, halgankaas loo galay ka xoraynta isticmaarka,
laguna guulaystay 1/7/1960, waxayna himalado gaarsiisnayd sidii loo heli lahaa midnimo
soomaaliyeed iyo mid afrikanba hasayeeshee. Qaranimadii ku timid dadaalkaas naf iyo maalna
lagu waayey waxaa ku dhacay marin habow sal ay u tahay, khibrad la'aan maamul dawladeed,
aqoon yari, ku dhaqanka qabyaalada ku dhisan cadaalad daro, taasoo sababtay in qarankii
soomaaliyeed burbur, dad aan waxba geesana la xasuuqo, hawlahoodana la dhaco.
Hogaan dhaqameedka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, guurtida, ururada
bulshada oo ay ka midka yihiin haweenka iyo dhalinyarada iyo dadweynaha reer Puntland guud
ahaan, waxay u arkaan inay lama huraan tahay in la raadsho wado lagu badbaadinayo baaqiga
ka haray ummadda soomaaliyeed.
Ummadda soomaaliyeed waxaa ku dhacay burbur dhaqaale, dadnimo, masuul
la'aan, waxaana adkaatay, sidii loo soo celin lahaa dawlad dhexe, reer puntland iyagoo la
haysto beerahoodii, dhulkoodii, guryogoodii iyo hanti doodiiba waxay safka hore kaga
jiraan raadinta qaran soomaali u dhasha.
Qaabka lagu gaarayo waxay u arkaan inuu noqdo qaab fedaraal ah, si loo
xaqiijiyo qayb waliba amnigeeda iyo kala dabaynteeda.
Puntland waxaa hada ka jira maamul ka so o dhaxbaxay qaybaha kala duwan
ee bulshada,
fulinaayana himilooyinka ku saabsan dhaqan celin, horumarin, dib
-u-dhis, iyo dib u heshiisiinta soomaaliyeed, si loo helo dariikha ugu fiican ee lagu soo
celin karo dawlad dhexe ee soomaaliyeed.
Maamulka Puntland wuxuu xaqiiijiyey kal soonida shacabka iyo aduun
weynaha, waxaana axdiga Puntland farayaa ilaalinta midnimada soomaaliyeed iyo in loo
hawlgalo dib-u-heshiisiin soomaaliyeed, waxay Puntland abuurtay Xafiis u gaara dibu
heshiisiinta soomaaliyeed oo loo dejiyey barnaamij hawleed oo u adeegaya isla doonka,
nabadeynta, iyo midaynta rayiga ummadda soomaaliyeed si loo helo afgarasho iyo wadajir
dhalinkara sidii looga samatibixilahaa dhibaatooyinka qalafsan ee ummadda soomaaliyeed ku
jirto. Loona dhisi lahaa dawlad dhexe oo fedaraal ah oo ka qaybgalkeeda loo dhan yahay
haystana kalsoonida ummadda soomaaliyeed.
Puntland inta ay dhisnayd waxay xiriir la samaysay bulshada
soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada kala duwan iyo dibadaba, dawladaha,jimciyada quruumaha
ka dhaxaysa, Urur goboleedyada, iyadoo muujinaysa barnaamijkeeda hawl galka ee ku wajahan
nabadaynta iyo dib u heshiisiinta soomaaliyeed taasoo ay ku heshay bogaadin iyo kalsooni.
Puntland waxay ku guulaysatay inay isukeento dad ka socda 12 Gobol,
kuwaasoo isku afgartay baadi goobida qaab dib u heshiisiin soomaaliyeed.
Dawlad Goboleedka Puntland waxay hormuud ka tahay inta daacada u ah in
la helo dawlad soomaaliyeed oo loo wada dhan yahay, layskuna raacsan yahay kuna timaado
rabitaanka shacabka.
Waxayna ka soo horjeedaa mid nimada soomaaliya iyo dawlad loo dhiso in
loo maro wado mugdiya iyo barnaamij aan qeexnayn, waxayna taageersan tahay aragtida
oronaysa soomaaliya qayb waliba iyadu ha isisoo dhisto, kadibna halasugu yimaado dawlad
dhexe oo fedaraal ah si looga digtoonaado inay dib dambe ay u dhacaan wixii soomaaliya ku
dhacay.
Puntland waxay aaminsantay inaan dawlad soomaaliya loo dhiso lagu
salayn karin qabiil lana soo gaaray waqtigii la dhisi lahaa dawlad soomaaliyeed oo ka
bilaabantay heer tuulo , degmo, gobol, qayb ilaa dawlad dhexe oo loo wada dhan yahay,
hadii aan sidaa la yeelin waa jug-jug meeshaada joog.
Warsidaha Puntland #39
[Country] |