Dowladda
Jabuuti ayaa soo rogtay amar ah inay Hote-elada isaga baxaan shaqsiyaad Soomaaliyeed oo
siyaasiyiin iyo dad can ah isugu jira
Jabuuti: [Xiddigta Banaadir]
Wararka naga soo gaaraya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in dowladda
dalkaasi ay qaadatay tallaabo adag oo ku saabsan qaba-shada shirweynaha Soomaaliyeed ee
magaalada Carta oo la filayay inuu shalay furmo balse dib u dh-acay ilaa muddo aan la
cayimin.
Dowladda Jabuuti ayaa sh-alay soo rogtay amar ah inay Hote-elada isaga
baxaan shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee degan Hoteelada-asi oo u badan siyaasiyiin iyo dad
caan ah oo jagooyin ka raajicinay-ay shirka Jabuuti.
Tallaabadaas ayay dowlad-da Jabuuti qaaday kaddib markii ay ka carootay
xilligii ay u qabatay inuu dhaco shirweynaha Qaran oo dib u dhacay iyadoo aan lagu tala
gelin isla markaana aysan beeluhu soo dhameystirin ergooyinkii laga sugayay inay ka qeyb
qaataan shir-kaas, sida wararka nagu soo gaara-yaan beel ka mida beelaha waawe-yn ee
Soomaaliyeed ayaa dalbatay in dib loo dhigo shirka tan iyo 15-ka bishan, taasoo dowladda
Jabuuti ay ka maagtay.
Go’aanada adag ee ay gaa-rtay dowladda Jabuuti oo ay ugu weyn
tahay in Hoteelada laga saaro dhammaan siyaasiyiinta iyo shaqs-iyaadka shirka u tegay waxa
ay sa-ameeyeen rag ay ka mid yihiin Xa-san Abshir Faarax, Jan. Maxamed Abshir
Muuse, C/llaahi Axmed Caddow, C/llaahi Cosoble Siyaad iyo xubno kale oo fara
badan oo go’aankaasi la gaarsiiyay.
Go’aanada kale ee dowlad-da Jabuuti gaartay waxaa ka mida in
beelaha aan weli soo gudbin xu-bnaha laga sugayo ay ugu danbeyn soo gudbiyaan maanta oo ay
bishu tahay 7-da June, wixii kaddib dha-cana ay ka bixi doonaan Jabuuti, In beelaha weli
ku muransan ergooyi-nka la siiyay ay si degdeg ah u soo afjaraan oo ay soo gudbiyaan.
Go’aanadan oo ah kuwii ugu adkaa ee dowladda Jabuuti qa-adato tan
iyo intii uu shirku ka fur-may magaalada Carta 2-dii May waxaa sabab u ah iyadoo ay
dowl-adda Jabuuti aamisan tahay inay halkaasi joogaan dad lug jiidaya qabsoomida shirka oo
doonaya in-ay carqaladeeyaan, taasina waxay ka dhalatay kaddib markii beelo waaweyn oo
laga sugayay xubnihii matali lahaa ee uga qeybgeli lahaa shirka Jabuuti ay sheegeen in ay
la tashi u baahan yihiin markii uu dh-ammaaday xilligii loo qabtay in la-gu soo gudbiyo
ergooyinka.
Beelaha qaarkood ayaa she-egay inay ergadii ay magacaabi la-haayeen
aysan joogin Jabuuti oo la tashi kaddib ay u baahan yihiin in laga doono Soomaaliya iyo
dalal kale, taasoo u cuntami weysay gu-ddiga qabanqaabada ee dowladda Jabuuti u qaabilsan
shirweynaha Soomaaliyeed ee magaalada Carta la filayo inuu ka furmo.
Go’aanadan oo kediso noq-day ayaan la ogeyn saameynta ay yeelan
doonaan iyo waxa ay ka be-deli doonaan shirka, inkastoo dow-ladda Jabuuti ay ku doodi
jirtay in-ay iyadu wax lug ah ku lahayn ar-rimaha Soomaaliya, balse ay gog-osha uun u
fidineyso Ummadda Soomaaliyeed si ay aayahooda uga tashadaan.