19 May 2007 04:18

SOMALIA WATCH

 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News](Xiddigta Banaadir) Dowladda Jabuuti ayaa soo rogtay amar ah inay Hote-elada isaga baxaan shaqsiyaad Soomaaliyeed oo siyaasiyiin iyo dad can ah isugu jira
  • From: []
  • Date:  [7 June 2000]

Dowladda Jabuuti ayaa soo rogtay amar ah inay Hote-elada isaga baxaan shaqsiyaad Soomaaliyeed oo siyaasiyiin iyo dad can ah isugu jira

Jabuuti: [Xiddigta Banaadir]

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in dowladda dalkaasi ay qaadatay tallaabo adag oo ku saabsan qaba-shada shirweynaha Soomaaliyeed ee magaalada Carta oo la filayay inuu shalay furmo balse dib u dh-acay ilaa muddo aan la cayimin.

Dowladda Jabuuti ayaa sh-alay soo rogtay amar ah inay Hote-elada isaga baxaan shaqsiyaadka Soomaaliyeed ee degan Hoteelada-asi oo u badan siyaasiyiin iyo dad caan ah oo jagooyin ka raajicinay-ay shirka Jabuuti.

Tallaabadaas ayay dowlad-da Jabuuti qaaday kaddib markii ay ka carootay xilligii ay u qabatay inuu dhaco shirweynaha Qaran oo dib u dhacay iyadoo aan lagu tala gelin isla markaana aysan beeluhu soo dhameystirin ergooyinkii laga sugayay inay ka qeyb qaataan shir-kaas, sida wararka nagu soo gaara-yaan beel ka mida beelaha waawe-yn ee Soomaaliyeed ayaa dalbatay in dib loo dhigo shirka tan iyo 15-ka bishan, taasoo dowladda Jabuuti ay ka maagtay.

Go’aanada adag ee ay gaa-rtay dowladda Jabuuti oo ay ugu weyn tahay in Hoteelada laga saaro dhammaan siyaasiyiinta iyo shaqs-iyaadka shirka u tegay waxa ay sa-ameeyeen rag ay ka mid yihiin Xa-san Abshir Faarax, Jan. Maxamed Abshir Muuse, C/llaahi Axmed Caddow, C/llaahi Cosoble Siyaad iyo xubno kale oo fara badan oo go’aankaasi la gaarsiiyay.

Go’aanada kale ee dowlad-da Jabuuti gaartay waxaa ka mida in beelaha aan weli soo gudbin xu-bnaha laga sugayo ay ugu danbeyn soo gudbiyaan maanta oo ay bishu tahay 7-da June, wixii kaddib dha-cana ay ka bixi doonaan Jabuuti, In beelaha weli ku muransan ergooyi-nka la siiyay ay si degdeg ah u soo afjaraan oo ay soo gudbiyaan.

Go’aanadan oo ah kuwii ugu adkaa ee dowladda Jabuuti qa-adato tan iyo intii uu shirku ka fur-may magaalada Carta 2-dii May waxaa sabab u ah iyadoo ay dowl-adda Jabuuti aamisan tahay inay halkaasi joogaan dad lug jiidaya qabsoomida shirka oo doonaya in-ay carqaladeeyaan, taasina waxay ka dhalatay kaddib markii beelo waaweyn oo laga sugayay xubnihii matali lahaa ee uga qeybgeli lahaa shirka Jabuuti ay sheegeen in ay la tashi u baahan yihiin markii uu dh-ammaaday xilligii loo qabtay in la-gu soo gudbiyo ergooyinka.

Beelaha qaarkood ayaa she-egay inay ergadii ay magacaabi la-haayeen aysan joogin Jabuuti oo la tashi kaddib ay u baahan yihiin in laga doono Soomaaliya iyo dalal kale, taasoo u cuntami weysay gu-ddiga qabanqaabada ee dowladda Jabuuti u qaabilsan shirweynaha Soomaaliyeed ee magaalada Carta la filayo inuu ka furmo.

Go’aanadan oo kediso noq-day ayaan la ogeyn saameynta ay yeelan doonaan iyo waxa ay ka be-deli doonaan shirka, inkastoo dow-ladda Jabuuti ay ku doodi jirtay in-ay iyadu wax lug ah ku lahayn ar-rimaha Soomaaliya, balse ay gog-osha uun u fidineyso Ummadda Soomaaliyeed si ay aayahooda uga tashadaan.


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:06 AM. Webmaster HomePage