- Title: [SW Country] (KAAHA BARI) DHAQAN GALINTA WARQADDA ASALKA ( CERTIFICATE OF ORIGIN) EE
BADEECADAHA LA DHOOFSHO OO LA JIDEEYEY
- From:[]
- Date :[11 June 2000]
DHAQAN GALINTA WARQADDA ASALKA ( CERTIFICATE OF
ORIGIN)
EE BADEECADAHA LA DHOOFSHO OO LA JIDEEYEY
Rugta ganacsiga, wershedaha iyo Beeraha ee p/land, waxaa sharf u ah in ay la socodsiiso
dhammaan ganacsatada reer p/land in la bilaabay hawlaha la xiriira diiwaan gelinta
xubinnimada Rugta iyo kuwa ku dhaqanka warqadda asalka ah ee badeecadaha la dhoofsho, (
Certificate of Origin).
Rugtu waa hay’ad madax bannaan oo leh, jiritaan iyo shakhsiyad sharciyeed, xiriir
toos ahna la leh, wasaaradda ganacsiga iyo wershedaha, waxaana loo dhisay in ay qaybweyn
ka qaadato, horumarinta dhaqan dhaqaale ee dalka, dhiirri gelinta wax soo saarka, iyo
kobcinta wax dhoofinta.
Haddaba, sidaa adarteed, waxaa la go’aamiyey in la hirgeliyo ku dhaqanka warqadda
asalka ah ee badeecadaha dibedda loo dhoofsho, isla markaana in ganacsatada loo raadsho
suuqyo cusub iyo soo jiidasho maalgelin ajnebi.
Waxaa kaloo guddiga rugta ganacsigu go’aamiyeen markii ay la tashadeen madaxda
wasaaradda ganacsiga khidmadda rugta ganacsiga ku bixinayso warqadda asalka (Certificate
of Origin ).
Fee-ga Rugta Ganacsigu ku bixinayso warqadda asalka badeecadda( Certificate of
Origin ), waa sida hoos ku qoran :-
Magaca
Tirada
Khidmadda
(sh.so)
1- Ariga
1
Neef
100/=
2-lo’da
1
Neef
400/=
3-Geela
1Neef
400/=
4-Haragga &nbs!
p; 1 xabbo
15/=
5-Subagga
1kg
10/=
6-kallunka caadiga ah
1tan
50,000/=
7-Aragoostada (Lobster)
1tan
150,
000/=
8-dhagaha
libaaxa &!
nbsp; 1tan
150,000/=
9-Hilibka libaaxa
1tan
10,000/=
10-Mushaad
1tan
100,000/=
11-Mujarwal
1tan
100,000/=
12-Fas
kabiir &nbs!
p;
1tan
100,000/=
13-Fas saqiir
1tan
50,000/=
14-shooto
1tan
25,000/=
15-Beeyo 1’grade
1tan !
50,000/=
16-Beeyo 2’grade
1tan
30,000/=
17-Malmal 1’grade
1tan
100,000/=
18-MalMal 2’grade
1tan
50,000/=
19-Xabag
1tan &nbs!
p; 50,000/=
20-Hilibka Ariga
1
tan
50,000/=
FG. Badeecadaha la dhoofiyo oo aan halkaan ku qorrayn waa in ay kastamadu u soo
sheegaan Rugta Ganacsiga si loogu sheego fee-ga warqadda asalka ee badecadaha.
Waxaa khidmadda lagu qaadayaa fadhiyada rugta Ganacsiga ee Dekedda iyo Garoonka
Diyaaradaha laga bilaabo 7/6/2000.
9 JUNE 2000 KAAHA BARI
[Country] |