- Title: [SW News] (BAYDHABO PRESS) Wareeysi aan la yeelanay Eng.
Hassan M. Abukar Wakiilka RRA Australia/Newzland
- From: []
- Date: [12 June 2000]
Wareeysi aan la yeelanay Eng. Hassan M.
Abukar Wakiilka RRA Australia/Newzland.
by BAYDHABO PRESS
Wareeysi aan la yeelanay Eng. Hassan M. Abukar. Wakiilka RRA u fadhiya
dalalka Australia iyo Newzland.
BAYDHABO June 10, (BP)-Waxaa habeenimadii Jimcaha oo ku beegnayd 9 kii bisha June sanadka
2000 noo surto gashay in aan wareeysi kula yeelano gurigiisa oo ku yaala magalad Sydney ee
dalka Australia Eng. Hassan M. Abukar oo ka mid ah siyaasiyiinta waaweyn ee beelaha Digil
iyo Mirifle isla markaana ah ergayga gaarka ah ama wakiilka RRA ee dalalka Australia iyo
Newzland.
Wareeysigiina waxaa uu u dhacay sidatan:
Su'aal BP. Md. Xassan waxaan marka hore kaaga mahad celinaynaa fursada aad na siisay,
intaa ka dib waxaan wax kaa weydinayaa waxa aad kala socoto xaalada ay ku suganyihiin
ergada Digil iyi Mirifle ee joogta Jabuuti?
Eng. Xassan M. Abukar. Xaalada ay ku suganyihiin wafdiga D/M oo u badan dad odayaal ah oo
malaaqyo ah waa mid aan fiicnayan, waxaa laga qaaday xoriyadii waxaa loo diiday in ay
dalka ka baxaan markii ay isku dayeen in ay iyagu baabur kiraystaan oo kharashka labaxaana
waa la xiray oo waxay hada ku xiranyihiin xeero ay leyihiin askarta Jabuuti, marka dawlada
Jabuuti waxay dadkeeni ka dhigtay la haystayaal (hostage).
Su'aal BP. Maxaa ku kalifay maamulka RRA in uu dib ugu yeerto wafdigii uu joogay Jabuuti
ayna qaadacaan shirka?
Eng. Xasan M. Abukar. Waxaa kalifay dawlada Jabuuti oo ka baxday balamadii ay galeen iyo
arimihii lagula heshiyay wafdigii ay uu soo direen Baydhabo. Markii uu wafdigaas Baydhabo
yimid si cad ayaa loogu sheegay in maamulku uusan ka qeybgaleyn shirka hadii aan marka
hoore laga hadalin qaaabkii looga bixi lahaa dhulka naga maqan tiina wey naga ogolaadeen
laakin markii Jabuuti la tegay way ka baxeen balantaas oo ahayd tii ugu horeysay oo lala
galay.
Su'aal BP. Wax talaabo ah ma ka qaadeen arimahaas ay dawlada Jabuuti kula kacday wfdiga
Digi iyo Mirifle? Jaawbse ma ka hesheen dhinca dawlada Jabuuti?
Eng. Xassan M. Abukar. Haa talaaboyin badan ayaa la qaaday oo waxaa u guddomiyuhu Md.
Xasan Maxamed Nur (Shaatigadud) uu waraaq u qoray Ismaaciil Cumar Geelle uu kaga codsanayo
in si deg deg ah dib loogu soo cesho wafdigii D/M ee ka tegay Baydhabo. laakinse wax
jawaab ah lagama helin dawlada Jabuuti, inta ka dib waxay nagu kalifeen in aan waraaqo u
qorno dalalka IGAD oo jabuuti ay xubin ka tahay, Qaramada Midoobay iyo ururada qaabilsan
ilaalinta Xuquuqda Bani,aadanka sida UNHCHR ta oo UN ka u qaabilsan arimahaas. Waxaa kalo
qoraalo kuwaas la mid ah qoray Jaaliyadaha D/M ee waqooyiga Amerika iyo Yurub.
Su,aal: BP. Waxaa jira qaar ka mid ah wafdigii RRA u dirtay Jabuuti in ay dideen in ay ku
noqdaan Baydhabo hadii aan ku magacaabo tusaale ahaan sida Cabdalla Deerow iyo kuwa kale.
Marka maxa kalifay ayaad u maleynaysaa in aysan qaadan amarka madaxdooda?
Eng. Xassan M. Abukar. Ummadda Digil iyo Mirifle halgan ayey ku jirta oo weli halgankii
wuu socdaa oo ma dhamaan inta uu maqnyahay qeeyb ka mid ah dhulka D/M. Marka la yaab ma
laha in ay dadka qaar ay ku adkaato sii wadista halgankaas oo ay u lexdaan ama qaadan wado
kale oo ay is yiraahdaan waxaad ku gaari kartaan danihiina gaarka ah ka hor inta aan la
gaarin tan guud ee ummadda. Waxaa iyadana meesha ku jira in Digil iyo Mirifle uu cadow
badan leeyahay uuna ka shaqeynayo sidii midnimada Digil Mirifle loo dhaawici lahaa, waxay
u maleyaan in D/M uu joogo meeshii uu taagna lixdankii kuwa nocaas ah way khaldanyihin
waxaan u sheegi lahaa in shakhsi ama koox la sameystay aysan Digil iyo Mirifle waxba u
dhimayn maxaa yeelay D/M waa sida bahalka la yiraahdo frabadanaha oo hadii ay lug go'do
aan la dareemayn in ay wax ka maqanyihii oo aanan u dhutinayn lugtaas maqan.
Su,aal BP. Mr. Cabdalla Deerow wuxuu sheegay in Eng. Muunye Saciid oo saaxiib la ah Md.
Xasan Maxamed Nur (Shaatigadud) uu ka shaqeeyay sidii loo qaadici laha shirka Jabuuti
isaga oo aan rabin ayuu yiri in lala xisaabtamo hadi ay dawlad dhalato. Maxaad nooga
sheegi kartaa arintaas?
Eng. Xassan M. Abukar. Eng. Muunye waa nin u dhashay Digil iyo Mirifle isaga iyo Mudane
Xasan Mxamed Nur waxay saaxiib ku yihiin in ay dhulkooda xoreeyaan waxay kuwada jiraan
halgan ah in ay dadkooda dulmiga ku jira ee ku nool Marka, Afgooye, Baraawe iyo meelaha
kaleba ee ka mid ah dhulka Digil iyoMirifle ay ka saaraan xoogaga gardarada ah ee jooga.
Waxaan horey kugu sheegay in marka halgan uu socdo ay kuwana ka haraan kuwa kalena ay ku
soo biraan, marka Eng. Muunye Saciid oo dibadda ku noola inta badan wuxu ka mid yahay kuwa
hada fursada u helay, kuwa Jabuuti ay kaxeysatayna waxay noqonayaan kuwa uu waqtigoodi
dhamaaday oo si kastaba ha ahaate ka baxay u shaqeeynta ummaddoda. Mida kale Eng. Muunye
Saciid waa muwaadin Somaaliyeed oo dhab ah oo horey idaacadaha uga sheegay in maraakiibta
uu hayo uu u xafiday sidii markii ay dawlad caadil ah timaado loogu wareejin laha, wax
dhib ah kuma hayso hadi ay dawlad timaado, hadii ay jiraan cid dawlad dhibsanaysa oo in
lala xisaabtamo ka baqaysa waxay qaar badan oo ka mid ah jogaan Jabuuti iyaga oo ku kacay
danbiyo waaweyn oo ay tahay in lagula xisaabtamo, waxaa hada Jabuuti jooga kuwa badan oo
xasuuqay dadkeena oo danbilayaal dagaal ah (War Criminals) oo la wada yaqaan Jabuutina way
ogtahay.
Su,aal BP. Hadii aan ku weydiyo su,aashaydii ugu danbeysay maxaad u jeedin lahayd ummadda
D/M munaasabada sanad guuradii kowaad ee ka soo wareegtay Xoreeyntii magaalo madaxda Digil
iyo Mirifle ee Baydhabo.
Eng. Xassan M. Abukar. Waxaan u hambalyaynayaa ummadda Digil iyo Mirifle meel kasta oo ay
jogaan waxaan leeyahay Waxaan u dabaaldegayno waa munaasabad taarikhii ah oo aan weli soo
marin Qomiyadda Digil & Mirifle intii eey soo jirtay gobanimada Somaliyeed; hadaba
guul kasta oo la gaaro rag baa u dhibaatooda oo horseed u ah tusaalana u noqoda
shacabkooda sida haleyada RRA waana in aan xusuusnaano oo aanan ilaabin
Intaa ka dib Mahad ILAAH ba leh waxaan u mahadcilinayaa haliyeeyadii u huray naftooda una
diiday cadawgii burburka iyo xasuuqii lama iloobaanka ahaa ugaystay dad iyo duunyaba;
iyagoo weli si hufan oo hagar la'aan ah ugu taagan in eey ka cirib tiran dhamaan dhulka
Digil & Mirifle leeyahay.
ugu danbeyntii waxaan ILAH uga rajeeynayaa walalahayga hababsan in uu ku hago wadada xaqa
ah... AAMIIN.
(BAYDHABO PRESS)
Posted on Jun 10 2000 , 11:42 PM
Respond to
this message
Goto Forum Home
[ News] |