- Title: [SW News] (BAYDHABO PRESS) Md. Maxamed Cali Aadan (Qalinle)
oo shir saxaafaded ku qabtay Baydhabo
- From: []
- Date: [12 June 20000]
Md. Maxamed Cali Aadan (Qalinle) oo
shir saxaafaded ku qabtay Baydhabo.
by BAYDHABO PRESS
Md. Maxamed Cali Aadan (Qalinle) guddomiyaha gobolka Bay oo shir
saxaafaded ku qabtay magaalada Baydhabo.
BAYDHABO June 10, (BP)-Gudoomiyaha Gobolka Bay Maxamed Cali Aadan (Qalinle) oo todobaadkan
qabtay shir saxaafadeed (Prees release) ayaa si kulul u canbaareyay dawlada Jabuuti
wuxuuna sheegay in Jabuuti ay noqotay goob musiibo ah oo khatar uga soo socoto Soomaalida.
"Waxaan umadda uga digeynaa ayuu yiri in Jabuuti colaad ka soo fool leedahay oo sidii
1991-dii dagaal sokeeye ay Soomaaliya uga abuurtay hadana ay colaad kale u abuureyso"
Gudoomiyaha gobolka Bay Md. Maxamed Cali Aden (Qalinle) waxaa kalo uu sheegay in wafdigii
iyo ergadii shirka Jabuuti ay u direen ay noqdeen lahaystayaal u xiran dowlada Jabuuti,
"Waxaana uu sheegay in ay dacwad gaarsiyeen caalamka iyaga oo ka codsanaya inay soo
dhex galaan falalka foosha xun oo ay Jabuuti wado"
Ugu danbeyntii waxaa guddomiyuhu uu sheegay in wax xal ah oo ka imaanaya Jabuuti usan
jirin oo qarka loo saaran yahay in dagaal sokeeye uu mar labaad ka curta Somaaliya.
(BAYDHABO PRESS)
Posted on Jun 10 2000 , 11:26 PM
[ News] |