19 May 2007 04:17

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country](BAYDHABO PRESS) Taageero Go’aanka Odayaasha Beelaha
    Dighil/Mirifle ee Shirka Jubuuti ee Dib u heshiisinta Somalia
  • From:[]
  • Date :[14 Jun 2000]

 

Mr. Hassan Abukar Gudoomiyaha Digil iyo Mirifle ee W. America oo waraaq u diray Madaxweynaha Jabuuti - by BAYDHABO PRESS


June 6, 2000

Jaaliyadda Dighil & Mirifle ee Waqoyiga America
2009 Lawrence Ave. West Unit # 6
Toronto, Ontario
M9N 3V2
Tel.(416) 248-4131
Fax: (416) 248-9909

Ku: Madaxwaynaha Jamhuriyada Dalka JUBUUTI
Ku: Odayaasha Beelaha Dighil/Mirifle Ku Sugun JUBUuTI
Ku: Guddiga Qabaqaabada Shirka Dib U Heshiisinta,
Somalia JUBUTI
Ku: Safiirka Dowladda Jubuuti ee Waqoyiga America
Washington
OG: Wakaaladaha Wararka Caalamiga Rugtooda
Caalamiga

Ka: Guddiga Dighil & Mirifle Waqooyiga America
CANADA


UJEEDO: Taageero Go’aanka Odayaasha Beelaha
Dighil/Mirifle ee Shirka Jubuuti ee Dib u heshiisinta Somalia


Maalintii Axada June 5, 2000, shir lagu qabtay rugta
beesha dhigil/Mirifle 2009 Weston Rd. ee Magaalada
Toronto, Canada. Shirkaas ayaa si buuxda uga soo
qaybgaleen xubnaha Guddiga dighil/Mirifle ee North
America. Shikaas oo socoday 8 (sedded )sacadood, ayaa
si qoti dheer loogu falanqeeyey, ariimaha shirka
Jubuti ee haatan ka socda, iyo aayaha mustaqbalka ee
dhighil/Mirifle.

Shirkaas waxaa laga soo jeediyeey warbixino qoraal ah,
iyo kuwa kale ee ku saabsan sida uu u socodo shirka
Jubuti, waxaa telefon conferance ay xubnihii shirku la
sameeyeen ergada Dighil/Mirifle ee ku sugan dalka Jubuuti.


Arimahaan aan soo sheeknay ka dib, waxaa soo ifbaxay
arimaha hoos ku qoran:

- In dowlada Jubuuti ay ka tilaabsatay arimihii
heshiisinta, una talaabsatay in ay dhisto dowlad
dhexe, markii hore waxey ahayd in laga hadlo ka bixidda
dhulka la heysto iyo dastuur dowladeed ee laysku
maamulo. Arimahaan oo dhan ayadoo laga hadlin ayaa
Dowladda Jubuuti ay soo saartay go’aan sheegaya in ay
heshiiyeen Beelaha Dighil/Mirifle iyo Habargedir,
haddaba taasi ma aheen dhabti. Waxaa kalo xusid mudan
in ay Dowladda Jibuuti ku soo wadday Malaaqyada balan
aheyd inay caalamka u sheegaan wixii ay tabanayaan,
oo aan jiri doonin wax lagu qasbi doono, lana soo celin
doono waqtigii ay codsadaan.

Ka dib, markaan aragnay darasnay, arimaha ka socda
Shirka Jubuuti, Guddiga Jaaliyadda Dighil & Mirifle ee
Waqoyiga Amerika wuxuu go’aan ku gaarey kuna baaqayaa
arimaha soo socda:

1- Waxaan si buuxda u taagyeeraynaa go’aanka
odayaasha Dighil iyo Mirifle oo ah, in ay ka baxaan
shirka Jubuti, laguna celiyo dalkooda, taas oo horay
ay uga codsadeen Dowladda Jubuuti ilaa iyo hadana aan
loo fulin codsigoodi laguna haayo meer meerin, isla
markaas waxaan caalamka ka cosaneynaa in arintaas si deg deg ah
wax looga qabto.

2- In aan loo dirin shirka ergo ka qayb gasha oo ka
socota Dighil & Mirifle oo ku nool dibadaha, taasoo aan u
aragnay haddaan nahay mas,uuliyiinta ku sugan Waqooyiga
Amerika mid aan maslaxad ugu jirin Ummaddeena iyo inta
ka soo horjeeda dulmiga.

Ugu dambeeystii, anagu mannihin dad dowladda
dhismaheeda diidan, ama naloo arko sidaasi, Nassiib
darro, waxaa laga eexday dadkii dulmanaa ee laga
haystay Beerahooda, iyo guryahooda, laguna sameeyey
dabar gooyn ama xasuuq.

Mar labaad waxaan leenahay in dowladda Jubuuti, si
deg deg ah u fuliso codsiga odayaasha, oo ah in lagu
celiyo dalkooda haddii kale waxaan u arkeynaa in uu
juujuub iyo qasab ay meesha ka socdaan, Dowlada
Jubuutina sharafteeda meel ay ooga dheceyso.



Mahadsanidin;


Mr. Hassan Abukar
Gudoomiyaha Dighil iyo Mirifle ee W. America


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:05 AM. Webmaster HomePage