19 May 2007 04:18

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country] (Garowe- PL) KHUDBADDA MADAXWEYNAHA EE FURITAANKA KALFADHIGA 3AAD EE GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND 
  • From:[]
  • Date :[15 Jun 2000]

http://warsidaha.puntland.8k.com/khudbadda_Madaxweynaha_PL.html

DAWLADDA PUNTLAND - PUNTLAND STATE OF

EE SOOMAALIYA - SOMALIA

XAFIISKA MADAXWEYNAHA - OFFICE OF THE PRESIDENT

__________________________________________________________________________________

Garoowe, Juun 15, 2000

KHUDBADDA MADAXWEYNAHA EE FURITAANKA KALFADHIGA 3AAD EE GOLAHA WAKIILLADA PUNTLAND 

 

SALAANTA FURIDDA SHIRKA

Bismillaahi Raxmaani Raxiim;

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Xildhibaannada Golaha Wakiillada shacabka, Xubnaha Golaha Dawladda, Isimada, Cuqaasha iyo Culumaa-u-diinka, iyo marti sharafta kale ee xafladda furitaanka kalfadhiga saddexaad ee Golaha Wakiillada ka-qaybgalkiisa lagu maamusay, dhammaantiin,

Asalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuhu.

HORDHAC

Salaantaas qiimaha weyn oo Islaamka, ee ducada iyo naxariista Eebbe xambaarsan oon aan idiin soo gudbiyey ka bacdi, waxaa farxad iyo sharaf ii ah inaan idin kala soo qaybgalo furidda Kalfadhiggaan qaayaha weyn oo saddexaad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Sidoo kale, waxaa iyana nasiib-wanaag ii ah inaan idiinka mahadceliyo fursadda aad ii siiseen & sidaad iigu qaddariseen inaan idiin furo Kalfadhigiinnaan saddexaad, taasoo ii saamaxaysa inaan marxaladdaan ku jirro oraaho tusaalaynaya ka soo jeediyo.

Mudanayaal & Marwooyin, mar hadduu Gole shacab furmo oo ay Wakiilladu Kalfadhigooda u fariistaan waxay bulshadii wakiilatay ka sugtaa inay xisaabtan dhab ah u soo bandhigaan, waxaana isla markaas laga shinsadaa inuu Kalfadhigaasi noqdo mid bulshada hadafkeeda ka tarjuma, horumarkeedana u jeexa hannaan dhaqan-dhaqaale; & siyaasad gudo & dibedba ku hagta nidaam nolol wacan kasbi kara, iyo nabadgalyo waarta mireheedana uu ubadka mustaqbalku u aayo.

Mud. & Mar, dad badan oo Soomaali & qaar kaleba leh oo aan sameheenna jeclayn ayay la ahayd inay Puntland riyoonayso oo aysan wax qabsanayn meelna gaari karin, kuwaasoo ku hawshaysnaa welina aan ka daalin inay Puntland maamulkeeda majaxaabiyaan, si aynaan wax u qabsan, isugana kalsoonaan, ila markaana aynu dib ugu noqonno burburkii ay bulshadaannu ka soo hayaantay. Guulaha & dadaalkii aan muddada yar ku gaarney waxay fashilayeen xeeladihii ay maleegayeen kuwa aan marna ku faraxsanayn inay Puntland ka badbaaddo burburka qaran la’aanta, & karaamo darida ah, kuwaas oo aan jiritaankeeda jeclayn. Waxay guulahaasi ku yimaadeen libintoodana loo nisbayn karaa kalsoonida & iskaashiga Dawladda & dadweynaha Puntland.

Mudanayaal iyo Marwooyin, mar haddii maanta loo fadhiyo Kalfadhigaan saddexaad ee Golaha Wakiillada Puntland waxaa lagama maarmaan ah inaan soo bandhigno isbeddelka u dhexeeya labada Kalfadhi, kii 2aad & kan 3aad ee xagga:-

  • MAAMULKA
  • SIYAASADDA
  • AMNIGA
  • ARRIMAHA BULSHADA
  • DHAQAALAHA & HORUMARKA

Haddaba, warbixinta xukuumadda ee muddadii u dhexaysey labada Kalfadhi waxaan rajaynayaa inay idiin soo gudbin doonaan Wasaaradaha & Hay’adaha ay sida gaarka ah u khuseeyaan ee Dawladdu, iyagoo ku muujinaya waxqabadkoodii, idankana qancin doona xilkii ummadda loogu dhiibey.

Mud. & Mar, markaan intaas ka gudbo waxaan jeclahay inaan si kooban warbixin uga soo jeediyo arrimo muhiim ah oo loo baahan yahay inaan wax ka iraahdo.

MAAMULKA

Mud. & Mar, sida aynu la wada soconno markaan Puntland maamulkeeda sawir gaaban ka baxsho, 8 sano oo qaran jab iyo burbur uu mushtamaca Soomaaliyeed ku jirey kadib, waxaa shacabkeennu u oogsaday kuna dhaqaaqay, isagoon Dawlad hore waxba ka dhaxlin, inuu dhidibbada u aaso Dawlad Gobolleed aasaas & saldhig u noqota qaran & midnimo Soomaaliyeed. Bishii Ogosto 1998 ayay ahayd markii aynu Dawladda ku dhawaaqnay hadda 1 sano & 10 bilood oo maalmo dhimman jirsatey.

Dawladda Puntland iyadoo maamulkeeda u qaadatay in saldhig looga dhigo habka sal-maruubo u dhisid (down up approach),

  • Waxay Gobollada, Degmooyinka iyo Tuulooyinka dalka badankood ka hirgalisey hawlaha Aqoolka iyo Madaahinka dawliga ah.
  • Waxay dejisey, gaarsiisayna, xeerarkii dalka & dadka lagu dhaqi lahaa, waxayna waajibaad qeexan ka bixisay hannaankii loo fulin lahaa.
  • Waxay Dawladdu, in yar maahee, waddanka ka dhaqangelisey unugyada adeegyada maamulka. 

 

  • Waxaa laysku dubbaridey dhismihii waaxyaha iyo Hay’adihii ay Dawladdu ku istaagi lahayd iyadoo wejiga hore, aragtida hoose oo burburku keenay awgeed, aan xul mudnaanta la siinnin ee xal la qaatay, si wax lugu dhaqaajiyo; taasoo aan filayo mar haddaynu 2 sano oo dhow dhow marayno in loo bislaaday xul la’aantiis inaan wax weyn la dhaqaajin karin waxqabadka Dawladduna uusan taabbagal noqon karin. Maxaa yeelay, haddaan aqoonta, kartida, waaya-aragnimada iyo abaalka waddannigu dalkiisa ku leeyahay tixgelin la siin silica & jahliga, & dib u dhaca ay ummaddu halista ugu jirto lagama gudbin karo lagamana badbaadin karo.

SIYAASADDA GUDAHA

  1. PUNTLAND

Dawladdu iyadoo ka duuleysa hadafka, dareenka & maslaxadda bulshadeeda, & dastuurka aynu ku heshiinney waxay ku tallaabsatay inay karaankeed xoog saarto sidii wax looga qaban lahaa baahida tirada badan iyo dhibaatooyinka bulshada ka haysta dhinacyada maamulka, amniga & nabadgalyada, dhaqaalaha & horumarka, adeegyada iyo arrimaha bulshada & siyaasadda.

Waxaa Alle mahaddii noo suurtagalay inaan dhisanno Dawlad cagaheeda degdeg ugu istaagtey iyadoon gacan-hoorsi shisheeye wax-qabadkeeda ku xirin una miciinsan. Dawladda Puntland oo ku timid rabidda shacabkeeda una wakiishay inay danihiisa hoggaan u noqoto waxay siyaasaddeeda guduhu ku dhisan tahay in wada shaqayn buuxda shacabka & madax-dhaqameedyada lala yeesho, si waxqabad dhabihi ku yimaado loogana wada tashado, markasta, xalka arrimaha & duruufaha siyaasaddeed, nabadgalyo & kuwa bulshaba. Inkastoo shacabku uu Dawladda dhistay maaraynta arrimihiisana u wakiishay, misana haddaan saas la yeelin oo talada Isimada iyo Waxgaradka wax laga siinin waxaa laga yaabaa in loo qaato ama loo fasiro inay Dawladdu talada waddanka iska maroorsanayso.

Shacabka Puntland oo sidiisaba taariikh ahaan dhaqan u leh isqaddarin & xasillooni ayay siyaasadda Dawladda ee guduhu ku dhisan tahay in la helo nabadgalyo waarta & xasillooni cuskan dhaqankeeda shariifka ah. Dhalliilo hajireen, iyadoo duruufo saamixi waayey loo aanayn karo, dhaliil iyo isdhaliilna loo baahan yahay. Markaanse Eebbe ka yaabno, oo aynaan been ka duulin, filka Puntland jirto & heerka ay marayso labo laysku saaweyn karo ama lays barbar dhigi karo ma ahaan karaan iigumana muuqato

  1. SOOMAALIYA

Puntland iyadoo ka duuleysa siyaasaddeeda ku wajahan Somaali-weyn inteeda kale iyo sidii laysugu keeni lahaa, qaran guud oo ay iska dhex daawatana loo gaari lahaa, waxay markay dhisantayba ku tallaabsatay inay Ururrada iyo beelaha kuwooda nabbadda & midnimada Soomaaliyeed jecel ugu baaqdo sidii shirweyne ay PL marti galiso laysugu imaan lahaa, loogana wada xaajoodo badbaadada midnimada & qaran-dhis Soomaaliyeed.

Waxaa noo muuqday shirkaasi inuu keeni karo wadatashi ku dhisan is-afgarad & is-tixgelin, waxqaybsi cadaalad ku dhisan & walaalnimo & isu-samir Soomaali isu soo jiidi kara; kuwaasoo meesha ka saaraya gardarrada, kala garqaadasho la’aanta, deegaan ku duulidda & isbeelaysiga xaqdarrada ah.

Markaan ra’yigaas shariifka ah helnay shaki noogama jirin inay nagu garab istaagayaan soona dhaweynayaan waddanniyiinta Soomaaliyeed ee nabadda jecel. Iyadoo Puntland kalsoonidaas qabta waxay bishii Ogosto 99kii, ku martigelisey Caasimadda PL ee Garoowe kooxaha Soomaaliyeed ee nabadda u heellan, kuwaas oo ka koobnaa: GOWS, RRA, SPM & SNF. Waxay sidaynu ula wada soconnoba Dawladda PL & Ururradaas aan walaallaha nahay dabadeed dhisteen Ururka SPA (Somali Peace Alliance) oo Soomaali badankeed matalaya.

Taasi, Mud. & Mar, waxay ka marqaati kacaysaa inay PL raadinayso una heellan tahay siduu ku suurta-geli lahaa qaran dhammays ah oo midnimo Soomaaliyeed ku dhisan. Heshiiska Ururkaan SPA ku dhismay iyo himilooyinkiisu waxay qeexayaan:

  • In Soomaaliya nabad lagu soo dabbaalo.
  • In degaammada gardarrada lagu qabsaday laga kaco.
  • In midnimo Soomaaliyeed la raadsho. Iyo;
  • In qaran wadajir ah oo caddaalad ku salaysan Soomaaliya loo dhiso oo federaal ah.

Himilooyinkaas Ururka SPA oo aad loogu niyadsan yahay waxay hadda marayaan heer lagu qanacsan yahay oo ka turjumaya hadafka Ururku isku raacay.

  1. DIB U HESHIISIINTA SOOMAALIYA

Markay Alle mahaddii suurto gashay in la abuuro Ururka ay Soomaali badankeed ku midowdey ee SPA, waxay haddana PL qaadday tallaabo kale oo ay ugu baaqayso dhammaan Dawladaha dariska, kuwa nabaddaynta Soomaaliya danaynaya, Ururrada Caalamiga & kuwa Gobolleedba, ayna ka mid yihin Ururka; IGAD, OAU, EU, UAL & Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa inay Soomaaliya isu keeniddeeda & dib u dhiskeeda adduun-weynuhu wax ka qabto, taageerana siiyo fikirka DGPL ku raadineyso midnimada Soomaaliyeed.

 

Mawqifka Puntland ay ka qabto dib-uheshiisiinta Soomaaliya, horayna u caddaysay, wuxuu yahay si loo gaaro midnimo qaran Soomaaliyeed marka hore in sida Puntland Maamul Gobolleedyo la soo dhisto, dabadeedna shirweyne ay Madaxda Maamuladaasi isugu yimaadaan, markaasna lugu dhiso dawlad dhexe oo faderaali ah.

Madaxda DGPL waxay socdaalo ku aaddey Dawlado ka mid ah Afrika, Khaliijka & kuwa Galbeedka si ay ugu sharaxdo:-

  • Xaaladda guud ee Soomaaliya.
  • Sidii xal loogu heli lahaa arrimaha Soomaaliya ee 10 sano mugdiga ku jirey. Iyo:
  • Mawqifka DPL ee ku wajahan qarannimada Soomaaliyeed.

 

Sida aynu la wada soconno waxaa dhacday Dawladdihii baaqeennu gaarey inay Puntland martiqaadyo ka heshay, si ay uga wada xaajoodaan laysuna tusaaleeyo xal uhelidda Soomaaliya. Dawladahaas waxaa ka mid ahaa Dawladda Jabuuti ee aynu walaallaha nahay.

Puntland oo aaminsan in Soomaaliya loo dhiso Dawlad ay u dhan tahay waxay Madaxda Jabuuti dhawr jeer u gudbisey qoraallo ku talinaya siduu ku guulaysan lahaa hindisaha dib uheshiisiinta Soomaaliyeed. Mudane Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Dawladda Jabuuti waxaan si walaaltinimo ah ugu sheegnay, fursadda uga furan & kaalinta uu ka geli karo dib uheshiisiinta Soomaaliya & inuu weliba arrintaas horseed ka noqdo, anigoo ku soo xiray dawlado badan & ururro caalamiyaba.

Mudanayaal & Marwooyin, Dawladda Puntland & Mudane Ismaaciil Cumar Geelle waxay ka wadatashadeen isku mawqifna ka qaateen hannaanka dib uheshiisiinta Soomaaliya uu ku suurto gali karo kadibna waxay Puntland , shacabkeeda gudaha & Jaalliyadeheeda dibedduba si buuxda ugu taageereen baaqii uu Golaha Jimciyadda quruumaha ka dhexaysa ka jeediyey bishii Sebtember, 1999.

Haddaba, bal aan iswaydiinee maxaa kallifey in ay Puntland kalsoonidii kala noqoto Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ay markii hore hindisahaas u geysey kuna dhiiri-gelisey inuu hogaansho?.

Mudanyaal & Marwooyin waxaa kalifey in aan Mudane Ismaaciil Cumar Geelle taageeradayadii kala noqonno tallaabooyinkii uu qaaday markii shirkii soo dhawaaday dartood, oo inoo sawiraya xeeladihii u qarsoonaa oo aad uga fog aragtidii & habkii aan isku waafaqnay in looga wadatashado hannaankuu shirweynuhu ku suurto gali karo, waxaana saldhig u ahaa, markaan soo urursho, in uu tixgelin siiyo aragtida & tallooyinka Golayaasha Dawladda, Isimada, Ururrada bulshada & Waxgaradka Puntland. Tallaabooyinka uu qaaday waxay ahaayeen haddaan guud maro:

  1. Isagoo si cad oo bareer ah u xaqiray una inkiray jiritaanka D. Puntland iyadoo markii hore shirarka iyo wadatashigu noogu socdeen hab isqaddarin dawli ah, isagoo damcay inuu PL kala mid dhigo gobollada aan maamul u dhisnayn.
  2. Isagoo laallay meeshana ka saaray, talooyinkii wax ku oolka ahaa ee aan usoo jeedinay oo dib uheshiisiintu ku imaan kartey.
  3. Isagoo Ismaaciil Cumar Geele, fiisooyin & tikidho aan dawladda ummaddeedu wakiillatay ee PL soo marin qarsoodi ugu soo diray shaqsiyaad uu mucaaradnimo ku ogyahay, mushtamaca PL-na ka soo qaaday mid aan waxba u dhisnayn latashina mudnayn.
  4. Qorshaha Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu ku dhisan yahay in uu dumiyo maamulka Puntland, dadka iyo dawladdiisana iska horkeeno, qaabka uu shirka u abaabuley iyo sida uu damacsan yahay inuu u dhaqan geliyaana waxay keeni kartaa dagaal sokeeye & qalalaase hor leh oo hambadii Soomaaliya ka hartay ku hoobato.

Haddeerna waxaa cad dib uheshiisiinta Jabuuti ka socota inaysan waafaqsanayn siyaasadda Puntland.

Dabadeed, si looga wada-xaajoodo marin habowga ku soo kordhay dib-u-heshiisiintii Soomaaliya u hanweynayd, kana dhursugeysey & gaar ahaan siduu Ismaaciil C. Geelle u qiimeeyey PL, waxay Dawladdu isugu yeertay Isimadii beelaha Puntland oo dhan, waxayna PL Isimadu u soo jeedisey inay ka talo bixiyaan sidii laga yeeli lahaa arrimaha ka soo kordhay dhinaca Jabuuti & sidii mawqif midaysan looga qaadan lahaa shirka Jabuuti ka socda.

Fadhigii Isimadu arrintaas ka yeesheen waxaa ka dhashay in ergo heer qaran ah Jabuuti looga yeero, waxna laga weydiiyo mugdiga naga galay sida shirka loo amba-qaaday loona maamulayo. Jabuuti oo isla markiiba wafti soo dirtay, waxay aqbaleen qodobbadii Isimadu hor dhigeen ee mawqifka Puntland.

Waxaana lagu heshiiyey in Jabuuti wadatashi kale loo tago (shirka wada xaajoodka dib-u-heshiisiinta) wixii layskaga afgartana inay ergada Puntland dib ula soo noqoto si wadajir ummadda Puntland & Dawladdoodu mawqif midaysan uga qaataan.

Tan kale, mar hadday dad bulsho-weynta Puntland ka midihi jeclaysteen in Jabuuti la’aado Dawladdu way aqbashay, haddiise Isimaddii badankood soo noqdeen taladoodiina soo dhiibteen go’aanka dastuuriga ihi wuxuu u yaal Golaha Wakiillada Puntland.

 

SIYAASADA DIBEDDA

waxay ku dhisan tahay:

  • Dariswanaag & nabad kuwada noolaansho.
  • Puntland waxay xushmaynaysaa qawaaniinta caalamiga ah & heshiisyada & xeerarkii ay dawladihii Soomaaliyeed si sharciga waafaqsan u galeen una ansixiyeen.
  • Siyaasadda dibedda ee PL waxay ku dhisan tahay is-tixgalin & isxaqdhawr jiritaanka dawladdaha dariska & kuwa caalamka ah.
  • Puntland, sida Axdigeeda ku cad, waxay xushmaynaysaa una hogaansan tahay xeerrarka u degsan Jaamacada Carabta, Ururka Midowga Afrika, Urur Gobolleedka Horumarinta Geeska Afrika & Ururka Mu’tamarka Islaamka.
  • Puntland, waxay xushmaynaysaa Axdiga Qaramada Midoobay, waxayna aaminsan tahay in la xaqdhawro xuquuqda aadamiga, heshiisyada xuquuqyada-medaniga, kuwa dhaqan, siyaasaddeed & kuwa dhaqaaleba.

 

ISKAASHIGA CAALAMIGA AH

  • Puntland waxay wufuud isdabajoog ah dhawr jeer u dirtay ilaa heer madaxweyne dibedaha intii ka dambeysey kalfadhigii labaad, si caalamka looga dhaadhiciyo siyaasadda PL, iskaashi iyo wax-wadaqabsi dhaqan-dhaqaalana loola yeesho.

 

  • Dawladdahaasi oo u riyaaqey dhismaha iyo siyaasadda PL, mar haddii aynaan goosasho Soomaliya inteeda kale ka sheegan, waxay marti qaadyo u soo fidiyeen Madaxda Dawladda, si looga sii wada hadlo arrimaha Soomaaliya iyagoo u arkay una qiimeeyey inay PL hannaanka dib u dhiska qaran Soomaaliyeed hormood u tahay.

Mudanayaal & Marwooyin, Puntland waxaa booqasho ku yimid wufuud ka kala socota caalamka, oo ay ka mid yihiin, xubno dawli ah, xubno Golayaal shacab & Madax sarsare oo ka tirsan Ururrada Caalamiga ah.

Waxaa jira balanqaadyo & taageero waxqabad oo ay Dawladaha aannu saaxiibbada nahay u fidiyeen Puntland, kuwaas oo ka dhashay wadahadalladdii ay Dawladda la yeesheen & siday xog-ogaal ugu noqdeen Maamulka PL iyo bulshadiisa oo diyaar u ah inay waxqabsadaan; haatanna waxaa bilowday taageerooyinkii ay Dawladaha qaarkood Puntland ugu deeqeen.

 

HAY’ADAHA SAMAFALKA

Hay’adaha Caalamiga ah & kuwa Dawliga ah ee PL ka hawlgala waxaan in yar maahee ku dhaliil sanahay waxqabadkooda & mashaariicda ay ku magacaabeen inay waddanka ka fulinayaan, oo aan marna sidoodii u dhaqangelin, iyagoo aan sheegin miisaaniyadda ay u hayaan in wax looga qabto dhibaatooyinka dalka; taasoo Dawladdu horay uga codsatay inay la socodsiiyaan dhaqaalaha mashaariicda ay waddanka ka fulinayaan.

 

Waxaa xusid mudan Hay’adaha ay ka mid yihiin, Enter Islamic Charitable Organization, Diakonia & Africa 70 qaybteeda waxbarashada, waxqabadka & dadaalka ay ugu hagar bexeen bulshada Puntland.

 

JAALLIYAHADA DIBEDDA

Burburkii Soomaaliya ku dhacay wuxuu kallifey inay dad badani dibedaha gabbaad, nabadgalyo iyo nolol ka doontaan; waxaana sida la hubo dadkaas ugu badan kuwa u dhashay gobollada Puntland. Inkastoo ay qaxooti yihiin, waxay kaalin weyn ka soo qaateen badbaadada dadkooda dhibaataysan markuu dagaalkii sokeeye socdey, waxayna dhaqaale faro badan ku soo taageereen bulshada ay ka dhasheen.

Xawaaladaha waddanka waxaa ku soo dhaca oo Jaalliyaduhu dadkooda u soo diraan, ama iyaga wax loogu qabtaa, malaayiin Doollar oo dib u dhiska waddanka ka qayb qaata. Waxay dalka keeneen kana hirgaliyeen warshado yar-yar & mashaariic kale oo ganacsi, oo nolosha dadweynaha kor u soo qaaday si weyna wax u taray.

Jaalliyadaha Puntland oo aan marna dadkooda gudaha hagran waxay door shariif ah ka qaateen dhismihii Dawladda, iyagoo meel ay joogaamba taageeray, waxayna dadka dibeduhu ku sharafsan yihiin mooralkooduna ku dhisan yahay in dalkoodu Dawlad leeyahay. Dhibta keliya oo Jaalliyadaheenna haysata waa iyagoon lahayn dhisme Gole iyo Guddiyo Jaalliyadeed oo heer Puntland ah, in yar maahee, meelo badanse dhismihii Guddiyadaas abaabulkoodii ka socdo.

Haddii ay samaystaan Guddiyada heer PL waxay qiimo weyn ka yeelanayaan dalalka ay degan yihiin, xuquuqdooda ayaa difaacmaysa, midnimadooduna waxtar bay inoo noqonaysaa. Xubno Golayaasha Dawladda ka tirsan ayaa shirar badan Jaalliyadaha dibedda kula yeeshay waxaana markasta la gaarsiiyaa go’aannada Dawladda iyagoo lala socodsiiyo marxaladda dalka ku sugan yahay Amni, Siyaasad, Horumar & dhibaatooyinka loo baahan yahay in wax laga qabto gacanna ay ka geystaan.

 

W. ARRIMAHA GUDAHA

Bilihii sannadkii ina dhaafay ugu dambeeyey iyo horraantii sannadka 2000, waxaa gobollada PL kormeer xaqiiqo raadis ah ugu baxay wufuud ay kala hogaaminayeen:

  • Madaxweynaha Dawladda Puntland, Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed
  • Madaxwene K/Xigeenka D. Puntland, Md. Maxamed Cabdi Xaashi
  • Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Md. Yuusuf X. Siciid
  • Iyo Wasiirro, Wasiirro Ku Xegeenno & Agaasimayaal Guud ee Dawladda ka jiraan.
  • Dawladdu iyadoo tixgelineysa fidinta maamulka waxay aqoonsatay saddex degmo oo cusub, kalana ah Degmada Ufayn, Deg. Baargaal & Deg. Boocame, kuwaas oo tirada degmooyinka Puntland ka dhigaya 24 degmo.
  • Wasaaraddu iyadoo hirgalinaysa shuruucdii & dikumintigii canshuuraha dawladda hoose waxay xoogga saartay siday u abuuri lahayd saldhig dhaqaale oo lagu hormariyo degmooyinka dalka oo dhan.
  • Waxaa mashaariic badan laga fuliyey magaalooyinka Garoowe & Gaalkacyo oo isugu jira suuqyo ganacsi cusub, bannaynta iyo nadiifinta waddooyinka, burburinta dhismayaal sharci daro meelo aan munaasib ahayn looga dhistay, nadiifinta gegida diyaaradaha Garoowe oo 360 kaariko oo qashin ah laga raray, iyo ganacsatadii yaryarayd oo suuqyada cusub looga Asteeyey meelo ay meheradahooda ka furtaan.

 

AMNIGA

Guud ahaan nabadgelyeda waddanku waa ay xasilloon tahay, xilka dawladda saaranna waxaa ugu weyn sugidda amniga gudaha & dibedda Puntland oo ay ka hawlgalaan Ciidammada Daraawiishta, Booliska & Asluubtu. Mudanayaal & Marwooyin, waxaan jeclahay in aan idiin sheego inay Puntland maanta leedahay cudud ciidan oo hannan kara amniga gudaha & xudduudaha Puntland.

Ciidanka Booliska Puntland wuxuu hawlo waaweyn ka qabtay dhacdooyin badan oo ay ka mid yihiin la dagaallanka Tahriibta oo ay dad badani ku naf waayeen, & joojinta dhoofinta dhuxusha, xoolaha dheddig & duurjoogta oo dhammaantood dhaqaalaha & nolosheennu ku dhisan yihiin. Waxay Boolisku sidoo kale waxweyn ka qabteen nabbadgelyada & xasilloonida waddanka. Booliska waxaa hawlahaas ad-adag si joogto ah gacan uga siiya dhammaan bulshada waddanniyiinta ah oo ay Nabaddoonnada iyo Waxgaradka kale ee dadweynuhu ka mid yihiin.

 

 

W. CADDAALADDA

Wada-dhaqanka ummadeed waxaa saldhig u ah caddaaladda, haddii caddalad la waayana waxaa lala mid noqonayaa nafleyda duurjoogta ah oo xeerka kaymaha ku dhaqanta. Caddaladdu waa Hay’adda ugu muhiimsan oo taabanaysa qof kasta & qoys walba, saamayn xasaasiyana ku leh nolosha bini’aadamka. Mar hadday sidaas tahay waxaa loo baahan yahay inay noqoto muraayad layska dhex daawado, garsoorkeedana lagu qanco.

Waxaa waajib ah inay caddaaladdu maamulkeenna gundhig & aasaas u noqoto, waxaana mas’uulkasta laga rabaa inuu caddaalad-fale noqdo, si ay Wasaaradda & Maxkamadaha garsoorka fullinteedu ugu fududaato uguna hirgasho. Waa inaynu ka fogaanno waxkasta oo Diinteenna Islaamka wax u dhimaya, qaddarinta & mudnaanta koowaadna ku dhaqankeeda la siiyo.

Waxaa gobollada & degmooyinka loo magacaabay waacidiin dadka Islaamka ah mar walba ku baraarujiya Diinta.

 

W. MAALIYADDA

Sida aynu la wada soconno dhaqaalaheennu wuxuu ku dhisan yahay xoolaha nool, kalluumaysiga & Faleenka, waxaana dakhliga ugu weyn naga soo galaa xoolaha nool. Waxaa sannadihii hore ganacsigeenna hoos u ridey abaarihii isdabajoogga ahaa ee dalku soo maray, oo ay ku hagaaseen xoolaha oo ah lafdhabarta dhaqaalaheenna, suuqa Sacuudiga oo ugu weyn sayladaha aynu xoolaha u dhoofinno oo xannibaad saaray xoolaheenna & burcadda caalamiga ah oo caadaysatay inay khayraadka badeheenna si sharcidarro ah u boobto.

Mudnayaal & Marwooyin, waxaan Illaahay uga mahadnaqaynaa inuu maanta naga feydey dhibaatooyinkaas culculus ee aan soo xusay oo waddanku roobsaday, xoolaheennii barwaaqoobeen, xayiraadii ganacsi oo haysatayna laga qaaday & xeebaheenna oo maanta inoo difaacan khayraadkeenniina ka faa’iidaysanno. Halkaas waxaa cad inuu dhaqaalaheennu kobcay dakhliga Wasaaradda Maaliyedduna xoogsadey.

Waxaa lagu guuleystey, dalka intiisa badan in ay ka hirgasho canshuur ururintu dakhli badanna ka soo xerooday. Waxay Dawladdu samaysay nidaam hanti-dhawr oo ilaaliya hantida guud ee ummadda & inaan dano gaar ah loogu takrifalan. Wixii faahfaahin miisaaniyadda la xiriira waxaa idin hor keenaya Wasaaradda Maaliyadda.

W. XANAANNADA XOOLAHA, BEERAHA & DEEGAANKA

XOOLAHA

Hubaal waxaa ah xooluhu inay yihiin lafdhabarta dhaqaalaha waddanka, waana ganacsiga kowaad ee gudaha iyo dibeddaba dalkeenna ugu xoog weyn. Waxaynu u dhoofinaa waddamada dibedda gaar ahaan kuwa khaliijka, inagoo ka helna lacag culus oo aynu wax kaga soo badalanno suuqyada adduunka.

Waxaa la dhammaystiray Shaybaarka xoolaha ee degmada Boosaaso si caafimaadka xoolaha dhoofaya loogu baaro. Sidoo kale, waxaa dib loo furay mashruuca dhoofinta helibka Gaalkacyo (Galkacyo Meat Export) oo loo diro dalalka khaliijka.

Tirada xoolaha dekedda Boosaaso ka dhuufay Nov, 99 ilaa May, 2000 waxay dhan yihiin sidan: Ari-474, 520 neef, Geel-6584 neef, Lo’-13,769 neef.

BEERAHA

Waxaa kormeer daraasadeed lagu sameeyey dhul beereedka gobolada & degmooyinka PL badankood, iyadoo mashaariic ay beeraha Timirtu ka mid tahay qorshoheedii socdo.

DEEGAANKA

Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo, Laascaanood & Baran waxaa laga furay xafiisyada Waaxda Deegaanka, taasoo wax ka tari doonta ilaalinta nabaadguurka iyo la dagaalanka xaalufinta dhirta.

 

W. KALLUUMAYSIGA, DEKEDAHA & BADDA

Wasaaraddu waxay qabatay hawlo muhiim ah oo isugu jira dhismayaal & dayactir ay ku samaysay dekedda, xafiisyada iyo iskuul lagu barto dhaqaalaha iyo maamulka ku lug leh arrimaha dekedaha. Dakhliga Wasaaraddu soo xeraysay wuxuu gaarayaa 642,418 USD, 10kii bilood ee ugu dambeyey, taas oo wax ku ool u ah dhaqaalaha waddanka, kororka wax-soosaarku wuxuu jaangoyntii hore ka saramaray 172,418 USD.

Wasaaraddu waxay awood u leedahay inay heshiisyo la gasho shirkadaha kalluumaysiga, maraakiibta xamuulka & kuwa ganacsiga, iyadoo bixinaysa ruqsadaha badda PL lagaga kalluumaysan karo.

 

AMNIGA XEEBAHA PUNTLAND

Muddo dheer, intuu qaran-jabku Soomaaliya ku dhacay, waxay maraakiibta iyo doonyaha shisheeye caadaysteen inay si sharci darro iyo burcadnimo ah u boobaan khayraadka badaha & xeebaha Soomaaliyeed, iyagoo ka faa’iideysanaya qaran la’aanta iyo awood darrida dhinaca badaha.

Si ay taas Dawladda PL uga hortagto waxay qaadday tallaabo muhiim ah oo khayraadka xeebaheenna lagu badbaadinayo, loogana saarayo burcaddaas shisheeye oo isugu soo qaylo dhaansadey inay badeheenna xaalufiyaan.

Mudanayaal & Marwooyin waxay Dawladdu heshiis uu madaxweynuhu awood ku siinayo ilaalinta xeebeheenna la gashay shirkadda PIDC (Puntland International Development Company), 29kii Sept. 1999, kaasoo uu Axdiga DPL qodobkiisa 29.4 qorayo. Heshiiskaasi wuxuu caddaynayaa sidii wax looga qaban lahaa amniga xeebaha PL, iyo inay nooga ilaaliso shirkadaasi maraakiibta iyo doonyaha shisheeye oo tuugaysiga u bareeray.

Shirkadda PIDC, maadama aysan maraakiib lahayn, waxay adeegsatey Shirkadda la yiraahdo Hart Group, oo muddo 8 bilood ah abaabul ugu jirtey siday ku abuuri lahayd gaadiid badeed; annaguna waxaannu dhisnay oo tabarro gaar ah xirfadda badda ka siinay ciidan ka tirsan kan DGPL. Waxaan ognahay inuu ciidankeennaasi ku guulaystey waajibaadkii loo xilsaarey.

Maamulka hawlaha shirkadda ee xagga shaqada iyo shaqaalaha waxaa mas’uul ka ah inay gacanta ku qabato Wasaaradda Kalluumaysiga DPL, oo u xilsaaran inay heshiis kala gasho shaqada ay shirkadda PIDC qabanayso iyo dhaqaalaha ku baxaya; iyadoo marka hore la ogaanayo kharashkii mashruuca ku baxay iyo kan hawshu ku socondoonto. Waxaa laga iyana heshiiyey sidii loo qaybsan lahaa khayraadkii badda laga helo. Wixii heshiisyo iyo ruqsadaha kallumaysiga ku saabsan waxaa heshiis la gelaya Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga DPL.

Ciidanka PL markuu maraakiibtii bucadda ahayd badda ka saarey waxay kallumaysatadeenna yaryari heshay Aragoosto iyo dhego Libaax oo aad u tiro badan.

 

W. ARRIMAHA BULSHADA

Arrimaha bulshada oo ah adeegga dhabta ah oo ay bulshadu Dawladda xaqa ugu leedahay inay u qabato, ahna Waxbarshada, Caafimaadka & Isboortiga waxaa Wasaaraddu ku dadaashay waxqabadkooda. Taasoo horumarka & jiritaanka bini’aadamku ku dhisan yahay. Waxay arrimaha bulshadu mudan yihiin waxqabadkooda dhabta ah in tixgalin gaar ah la siiyo sida ku cad barnaamijka Dawladda.

 

a) CAAFIMAADKA

Waxaa xusid mudan oo wax la taaban karo ah, in shanta isbitaal ee waaweyn ee ka jira Puntland ay saddex ka mid ah dib u habayntoodii la dhammeeyey kowaas oo kala ah: Isbitaalka Boosaaso, Qardho & Laascaanood. Isbitaalka Garoowe iyo kan Gaalkacyo waxaa iyagana gacanta lagu hayaa dhammaystirkood. Sidoo kale, Agaasinka caafimaadku wuxuu ku guuleystey kicinta isbitaallada Buuhoodle & Eyl, kuwaas oo maanta si fiican u shaqaynaya, isla markaana waxaa qorshaha ku jira Juun ilaa Disember 2000-ka in la kiciyo isbitaalka Dangoroyo, Iskushuban & kan Caluula.

Mudanayaal & Marwooyin, waxaa ka dhacay magaalada Garoowe shir la magac baxay "Health Coordination Meeting and Review Stratigic Plan of Puntland State of Somalia" oo loogaga wada hadlayey sidii Hay’adaha iyo Dawladdu u wada shaqayn lahaayeen iyo sidii deeq bixiyayaashu ugu qaybsan lahaayeen deeqda aan u baahan-nahay iyagoo ay goob-joog ka yihiin madaxda go’aanka u leh deeq-bixinta.

Waxaa farxad ah in aan idiin sheego gobollada & degmooyinka Puntland inaysan ka jirin habayaraatee cudurrada khatarta ah iyo kuwa faafa ee faraha kulul ku haya deegaamada kale ee Soomaaliya, ayagana waxaan Illaah uga baryayaa in uu ka dulqaado masiibadaas haysata.

 

b) WAXBARASHADA

Wasaaraddu iyadoo aan intii muddo ah lahayn Wasiir hawlgalay, Wasiirkii dhawaan loo magacaabayna uu weli maqan yahay, waxaa u suurto gashay, intii u dhexaysey labada Kalfadhi, inay ka qaybgasho shirkii shahaado siinta ardayda Puntland oo lagu qabtay Mombaasa, dalka Kenya. Tan kale, si loo mideeyo waxbarashada PL waxay Wasaaraddu ku guuleysatey inay dhammaystirto manhajkii dugsiga Hoose oo aqbalidda Golaha Wakiilada ansixin ka sugaya, iyadoo gacanta lagu hayo kuwii dugsiyada Dhexe & Sare. Waxaa gobolka Nugaal laga hirgeliyey ololaha akhris & qoris la’aanta.

Waxaa dugsiga Maamulka & Maaraynta Garoowe ka qalin jabiyey araday isugu jira kuwo sanad waxbarasho uga socotay iyo kuwa 6 bilood waxbarshada qaybteeda hore ku dhamaystay oo 60 gaaraysa.

Si loo kordhiyo tayada waxbarashada waxaa Agaasinku abuuray tababarrana lagu qaatay xarunta tababarrada Maamulayaasha iyo Macallimiinta dugsiyada.

 

c) ISBOORTIGA

Iyadoo hore loo soo dhisay Guddiga Ciyaaraha Olimbigga PL ayaa Magaalamadaxda PL ee Garoowe waxaa lagu qabtay tartankii17aad ee ciyaaraha Gobollada Soomaaliya, oo ahaa kii ugu horreeyey ee la qabto intii burburku ka dhacay Soomaalia. Ciyaarahaas oo ay ka soo qaybgaleen sagaal gobol oo kala ah, shanta gobol iyo aagga Buuhoodle ee Puntland, Galguduud, Hiiraan & Shabeelada dhexe, waxay markhaati u yihiin nabadgelyada PL ka jirta, waxayna keentay isusoo hilow & is-dhexgal dhalinyaradii qoryaha isu haysatay.

Dhaqaalihii ciyaarahaasi ku qabsoomeen waxaa kagan weyn ka geestay DPL. Waxaanna mar labaad soo dhaweyneynaa in wejiga labaad ee ciyaaraha Gobollada Soomaaliya Puntland lagu qabto.

 

W. WARFAAFINTA

Waxay dib u habayn ku samaysay warsidaha Puntland oo ah codka D.G.P.L. waxayna taasi keentay in caddad badan laga daabaco aadna loo xiiseeyo. Warsiduhu wuxuu hadda gaaraa loona kala diraa goballada & degmooyinka dalka & Jaalliyadaheenna dibedda.

Idaacadda Radiyo Gaalkacyo oo ay bulshadu leedahay, waxaa amnigeeda illaaliya kaalmo dhaqaalana u fidiya Dawladda PL. Dhawaan, waxaa idaacadda lagu kordhiyey

anteeno casri ah iyo mawjad maqal hoose (FM) oo suuro-gelisey in dalka gudihiisa laga maqlo.

Waxaa hawl wadeennada iyo farsamo-yaqaannada Idaacadda iyo Joornaaliistayaasha Puntland bishii hore loo furay siminaar kor loogu qaadayo aqoontooda, laguna qabtay Magaalada Garoowe.

Wasaaraddu waxay gobolka Mudug ka dhistay Guddi Anshax oo ka kooban shan xubood, loona xilsaaray faafreebka filimada dhaqan xumida ah .

 

 

SHAQADA & SHAQAALAHA

Agaasinka shaqada & shaqaaluhu wuxuu dhammaystiray shuruucdii lugu dhiqi lahaa shaqaalaha DPL, shuruucdaas oo ah kuwii lagaga dhaqmi jirey Soomaaliya uuna fasaxayo Axdiga DPL qodobkiisa 32.1. Shuruucdaas oo dib loo habeeyey, lana waafajiyey sharciga shaqada iyo shaqaalaha waxaa loo gudbiyey Garyaqaanka Guud, waxayna kala yihiin:-

  1. Somali Civil Service Law No. 5 ee soo baxay 2/2/1980
  2. Somali Labour Code Law No. 65 ee soo baxay 1969/72.

 

Dhinaca shaqaalaha, tirakoobkoodu wuxuu hadda marayaa 610, waxaase weli socota hawshii loo xilsaaray Guddiga hubinta shaqaalaha, hawlaha kormeerkooda, iyo saacadaha shaqada. Sanduuqa shaqaalaha oo Golaha Wakiilladu awal ansexiyey waxaa Agaasinka Guud ku dadaalay siduu ku hirgalin lahaa.

 

GARYAQAANKA GUUD

Xafiiska Garyaqaanka Guud oo u dhisan arrimaha ku saabsan qaawaanninta Dawladda Puntland wuxuu xukuummadda laamaheeda iyo is-qabadkooda kala taliyaa sharciga arrimaha iyo awoodaha maamuleed, iyo kuwa canshuuraha oo xafiisku inta badan xalliyo. Xafiiska Garyaqaanka Guud wuxuu soo saaraa faafinta rasmiga ah ee Xeerrarka Madaxweynaha, kuwa sharciga & shuruucda Golaha Wakiilladu ansixiyaan; ilaa haddana wuxuu soo saaray:

  • 10 Xeer Madaxweyne.
  • 3 Xeer sharci. Iyo;
  • 20 sharci oo hadda daabacaad ku jira.

Shuruucdaas 12-ka mid ihi waxay soo bexeen 1999kii, 8-ka kalena sanadka 2000. Faafiskasta (Bulletin) waxaa laga daabacaa 200 oo nuqul si looga helo xafiisyada Dawladda oo dhan. Muhiimadda hawlaha xafiiskuna waa:

  • Talo bixin.
  • Difaaca Dawladda. Iyo;
  • Faafinta rasmiga ah ee shuruucda Dawladda.  

BAAQ

  1. PUNTLAND
  1. Shacabka Puntland inay kor u qaadaan waxqabadkooda guud & kooda gaar.
  2. Inay difaacaan dalkooda, iyo siyaasaddooda gudaha iyo debeddaba kuna kalsoonaadaan Dawladdooda.
  3. Inay fahmaan kana digtoonaadaan xeeladaha lagu kala qaybinayo, si loo kala dhantaalo midnimadooda, nabbadgelyadooda & xasilloonidoodana lagu khalkhalinayo.
  1. SOOMAALIYA
  1. Inay ka waantoobaan xabbadda ay isu haystaan.
  2. Inay qaddariyaan walaalnimadooda & Soomaalinimadooda.
  3. In laga baxo deegaammada xoogga lagu haysto.
  4. In sida D.P.L. maamullo gobollada laga soo dhisto, si ay u fududaato shirweyne laysugu yimaado oo dib-uheshiisiin buuxda kasbi kara.
  5. Inay beelaha qaarkood ka waantoobaan raadinta siyaaso iyo dhaqaale ee qabyaaladeysan.

 

BOGAADIN

Waxaan Golaha Wakiillada ku bogaadinayaa, siday markasta fadhiyadooda ugu lafaguraan danaha ummaddooda, waxaanna Kalfadhigaan 3aad u rajeynayaa inay ka soo baxaan go’aanno wax ku ool ah oo reer PL horumar iyo barwaaqo u horseedaya.

Mudanayaal & Marwooyin Kalfadhiga 3aad ee Golaha Wakiilladu waa inoo furan yahay. 

 

 

 

Guul Eebbe iyo hawlgal wacan

Mahadsanidin

Cabdullaahi Yuusuf Axmed

Madaxweynaha Dawladda


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:06 AM. Webmaster HomePage