- Title: [SW News](Mandeeq Newspaper) CUMAR CARTE SUURIYA KU TEGAY RA IISAL-WASAARE SOOMAALIYA AH
- From: []
- Date: [16 Jun 2000]
CUMAR CARTE SUURIYA KU TEGAY RA IISAL-WASAARE SOOMAALIYA AH
Warkii Jun 15, 2000
By Mandeeq Newspaper
Hargeysa (Maan)- Cumar Carte Qaalib iyo Wafdi uu
horkacayo ayaa gaadhay caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya badhtamihii toddobaadkan.
Raadiyowga Suuriya oo aanu warkan ka soo xigannay ayaa
wuxuu ugu yeedhay Mr. Qaalib taytalka ah Ra iisal-wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi la socday
inay u tageen magaalada Dimishiq si ay uga qayb-galaan aaska Madaxweynihii Suuriya Xaafid
Al-Assad oo aaskiisu dhacay maalintii Salaasadii.
Cumar Carte oo u dhashay dalkan Somaliland waxaa loogu
magacaabay ra iisal-wasaaraha Soomaaliya shirkii Jabuuti ka dhacay 1991kii, kaasi oo
Madaxweyne loogu doortay Cali Mahdi, hase yeeshee wax yar ka hor dagaaladii Xamar ka
qarxay ayuu u dhoofay Mr. Qaalib dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya oo uu ilaa haatan
deggan yahay.
Cumar Carte waxa uu dalka Somaliland ku soo laabtay
horaantii 93kii isaga oo ka qayb-galay shirkii beelaha Somaliland ee lagu qabtay Boorame
93kii, halkasi oo uu ka mid ahaa raggii isku soo sharaxay madaxtinimada Somaliland, kadib
markii uu shir jaraa id oo uu waqtigaasi kula hadlayay warfidiyeenka ku sheegay inuu
taageersan yahay mowqifka shacbiga Somaliland ee ku wajahan gooni isu taagga Jamhuuriyadda
Somaliland.
Cumar Carte oo shirkaasi kadib ku laabtay Sucuudiga waxa
uu mar kale yimid dalka, markii uu shirweynihii 3aad Hargeysa uga socday beelaha
Somaliland, inkasta oo aan markan Cumar doorasho isku soo taagin haddana wuxuu sheegay in
uu taageersan yahay shirweynaha iyo waxa ka soo baxaba.
Waxa ay iswaydiintu tahay, Cumar weli ma sheegtaa Ra
iisal-wasaaraha Soomaaliya ee aan xukuumadeedii taabo qaadin, taasi oo uu Cali Mahdi oo
ahaa kii isaga magacaabay uu isba ka quustay oo uu waa hore iskaga hadhay sheegashadii
Madaxweynenimada lagu saaray shirkii 91kii Jabuuti ka dhacay, kaasi oo la aaminsan yahay
inuu dhaliyey dabka tan iyo maalintaa Soomaaliya ka holcaya.
Waxase nasiib-darro ah in shirka maanta ka socda Carta
lagu wado, sansaankii shirkaa hore ee lagu hungoobay.
Warkii Jun 15, 2000
By Mandeeq Newspaper
[ News] |