19 May 2007 04:17

SOMALIA WATCH

 
SW Newswpe25.jpg (8884 bytes)
  • Title: [SW News](Mandeeq Newspaper) CUMAR CARTE SUURIYA KU TEGAY RA IISAL-WASAARE SOOMAALIYA AH
  • From: []
  • Date:  [16 Jun 2000]

CUMAR CARTE SUURIYA KU TEGAY RA IISAL-WASAARE SOOMAALIYA AH

Warkii Jun 15, 2000
By Mandeeq Newspaper

Hargeysa (Maan)- Cumar Carte Qaalib iyo Wafdi uu horkacayo ayaa gaadhay caasimadda Dimishiq ee dalka Suuriya badhtamihii toddobaadkan.

Raadiyowga Suuriya oo aanu warkan ka soo xigannay ayaa wuxuu ugu yeedhay Mr. Qaalib taytalka ah Ra iisal-wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi la socday inay u tageen magaalada Dimishiq si ay uga qayb-galaan aaska Madaxweynihii Suuriya Xaafid Al-Assad oo aaskiisu dhacay maalintii Salaasadii.

Cumar Carte oo u dhashay dalkan Somaliland waxaa loogu magacaabay ra iisal-wasaaraha Soomaaliya shirkii Jabuuti ka dhacay 1991kii, kaasi oo Madaxweyne loogu doortay Cali Mahdi, hase yeeshee wax yar ka hor dagaaladii Xamar ka qarxay ayuu u dhoofay Mr. Qaalib dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya oo uu ilaa haatan deggan yahay.

Cumar Carte waxa uu dalka Somaliland ku soo laabtay horaantii 93kii isaga oo ka qayb-galay shirkii beelaha Somaliland ee lagu qabtay Boorame 93kii, halkasi oo uu ka mid ahaa raggii isku soo sharaxay madaxtinimada Somaliland, kadib markii uu shir jaraa id oo uu waqtigaasi kula hadlayay warfidiyeenka ku sheegay inuu taageersan yahay mowqifka shacbiga Somaliland ee ku wajahan gooni isu taagga Jamhuuriyadda Somaliland.

Cumar Carte oo shirkaasi kadib ku laabtay Sucuudiga waxa uu mar kale yimid dalka, markii uu shirweynihii 3aad Hargeysa uga socday beelaha Somaliland, inkasta oo aan markan Cumar doorasho isku soo taagin haddana wuxuu sheegay in uu taageersan yahay shirweynaha iyo waxa ka soo baxaba.

Waxa ay iswaydiintu tahay, Cumar weli ma sheegtaa Ra iisal-wasaaraha Soomaaliya ee aan xukuumadeedii taabo qaadin, taasi oo uu Cali Mahdi oo ahaa kii isaga magacaabay uu isba ka quustay oo uu waa hore iskaga hadhay sheegashadii Madaxweynenimada lagu saaray shirkii 91kii Jabuuti ka dhacay, kaasi oo la aaminsan yahay inuu dhaliyey dabka tan iyo maalintaa Soomaaliya ka holcaya.

Waxase nasiib-darro ah in shirka maanta ka socda Carta lagu wado, sansaankii shirkaa hore ee lagu hungoobay.

Warkii Jun 15, 2000
By Mandeeq Newspaper


[ News]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:05 AM. Webmaster HomePage