19 May 2007 04:17

SOMALIA WATCH

Opinions expressed in this column are those of the contributors and not necessarily those of SW.
Column
  • Title: [SW Column](salwe1@hotmail.com) Jawaabtii Soomaaliyeed oo ahayd ...Boosaaso waa Tuulo Reer Leeyahay yaa Dhalisay Puntland
  • From:[]
  • Date :[30 June 2000]

 

"... sii taabsiiya in kadib shirkii dheeraa ee Sodare in ay reer Puntland dadaal dheer oo uu waqti, maal, iyo muruqba uga lumay u galeen in ay Soomaali u goglaan Boosaaso, hayeeshee nasiib xumo ay jawaabtii nala siiyay noqotay in ay meeshu tahay Tuulo reer leeyayhay, taasoo natiijadeedii ay noqotay dhalashadii Puntland...".salwe1@hotmail.com


Jawaabtii Soomaaliyeed oo ahayd ...Boosaaso waa Tuulo Reer Leeyahay yaa Dhalisay Puntland

salwe1@hotmail.com

 

Walaalyaal markale waad salaamantihiin. Bal marka hore qisadan yar. Nin suuqleey ah oo iska tabar yar ayaa maalin isaga oo dayrinaya waxa uu yiri, "Doraad suuqu ma fiicneeyn, shalay wuu xumaa, maantuuse ugu liitay." Waxa la su'aalay sida eey wax u dhaceen saddexdaa maalmood. Wuxu yiri "Doraad waxa la iga gatay hal shay oo qura, maantana waxba la igama gadan" halkaa markii uu marayay ayaa hadana la su'aalay oo sideebay ku dhici kartaa in maanta ay shalay ka xuntahay hadaan shalayba waxba lagaa gadan. Wuxuu yiri ninkii "Maanta waxa ii yimid qofkii daraad alaabta iga gatay oo alaabtii dib u celinaya rabana in uu lacagtiisii qaato." Sheekada ula jeedadeeda dib baan ugu soo noqn doonaa. Waxad moodaa in inkastoo anaga iyo reer Jabuuti aanu soomaliga ku wada hadalno haddana aanu si iskula keeni la'nahay ula jeedooyinka. Arintu ma NIN MEELI U CADAHAY MEELI KA MADOOWBAA? MA FAD AMA HA FADIN WAA LAGU FADSIINAA BAA? MA SUUF IYO XANJO ISKU DHAJINBAA? MA NABADII SOO IFBAXAYSAY LAALBAA? MA TOBANKII TOBANKALE UGU DARBAA? Waxan aaminsanahay in mawqifyada uu maamulka Puntland qaato uu yahay kan ay qabaan inta badan ummaddeeda. Sidoo kale waxaanu uwada jeednaa - waa hadaynu indho caafimaad qaba waxku eegnee - in go'aamada maamulku gaaro markasta salka ku hayaan dastuurka PL go'aamadaasoo markasta ku yimaada wada tashi, meeshana ayan ku jirin haba yaraatee wax cadaadis iyo caburin ah. Markii hore waxaan aaminsanaa in inkasta oo fikradaha lagu kala duwanaankaro haddana in uu Md Geelle si uun isleeyahay ummadda u nabadee. Nasiib xumo waxaan helayaa dareen ah in maalinba maalinta ka danbeeysa ay soo ifbaxayaan waxyaabo lidi ku ah maslaxada ummadda Soomaaliyeed ee dagaalka sokeeye dilooday. Waxaan moodaayay in ay xaaladu tahay SEEBAA XEERO LAGU XAGTAA ILKONA KU NABAD GALAAN, Waxa muuqata -iska daa in dawlad la helee - in hadda la iskaga daba yimid xasiloonidii yareeyd ee ka jirtay qaybo kamida goballada dalka. Waxa aad iyo aad wax looga naxo ah isku dayga aad iyo aadka raqiiska u ah ee mudane Xasan Abshir iyo Md Deeroow loogu doortay, in ay noqdaan shir guddonada shirka, Waxan is weeydiiyaa tolow raggaaa ma loodooran lahaa haddii ay dadkoodu si buuxda iskugu raacsanaan la haayeen geedi socodka shirka, maya ayaan u maleeynayaa. Haddaba arintu MA LAFO GEEL IYAGA AYAA LA ISKU JABIYAABAA? Md Geelle halkii aanu ka sugeeynay in uu xasilooni dalka ka dhaliyo, ma wuxuu doorbiday in uu isticmaalo daldalooladeena iyo halka aanu u jilicsanahay (weak point), si uu qalalaaso nooga dhex abuuro? Md Geelle, ama adiga hakaa timaado fikrada(waloow aan taa ka shakisanahay) ama dadka daaha gadaashiisa fadhiya haka timaadee, ogoow in aanu haddaanu nahay reer Puntland filinkaas horey usoo galnay sannadadii sideetamaadkii iyo waqtigii Siyaad Bare. Ogoowna in aan loo fadhin in labo qabiil oo reer Puntland ah eey qori caaradii kuwada hadlaan, ilaahay ka sakoowna mahadaa waxa iska leh Isimada iyo aqoonyahanada reer PL ee uu dhiigu isku hayo, abtirsigoodana uu san aheeyn mid uu dadi sameeyay ama Hotel Guur Guurte lagu qoray. Ogoow in Puntland ay soo martay marxalado kuwan ka daran oo ay samo samo uga soo gudubtay ilaahbaa mahad lehe. Reer Puntland waxaan u soo jeedin lahaa, Muhiim maaha in aad noqotaan kuwa hela sadka Libaaxa shirkasta oo Soomaaliyeed, isla markaana muhiim maaha in aydaan waxba ka helin, waxa muhiim ah in aanu leenahay mabaadii' aanu u mareeyno nabadeeynta soomaaliya iyo meel ay talo ka go'do oo aanu si toosa ugu wakiilanay si bari ka maalin loogala xisaabtamo jihadaas. Waxase taasoo dhan ka muhiimsan in ay ahaato midnimadiina iyo dadaalkii aad u soo gasheen xaaladda aad hadda ku sugan tihiin barta aadmarkasta ka dhaqaaqdaan. Markale ayaad horfadhidaan imtixaan aan hubo in aad si fudud uga gudbi doontaan. Fadlan u sheega Geelle iyo dunidaba in reer Puntland ay xaaldaan oo kale kasii qaadaan waayo aragnimo iyo ad adeeyg, ay ku gaaraan isu soo dhawaad iyo horumar hor leh. Xasuusiya Md Geelle iyo dunidaba in maamul gobaleedka Puntland uu ku yimid duruufo tan oo kale shabaha, sii taabsiiya in kadib shirkii dheeraa ee Sodare in ay reer Puntland dadaal dheer oo uu waqti, maal, iyo muruqba uga lumay u galeen in ay Soomaali u goglaan Boosaaso, hayeeshee nasiib xumo ay jawaabtii nala siiyay noqotay in ay meeshu tahay Tuulo reer leeyayhay, taasoo natiijadeedii ay noqotay dhalashadii Puntland. Fadlan mar kale u sheega in ay waayuhy wax na soo bareen, taariikhdana aanu sida ay tahay uga faa'iidaysano. Xaqa ilaah baa la jiree, fadlan haka quusanina in aad halkaa ka sii wadaan dadaalkii aad ugu jirteen baadi goobka nabadeeynta Soomaaliyeed idinka oo raacaya habka waaqiciga ah ee ku dhisan asaas wax ka soo unkida. Ugu danbeeyntii qisadii aan ku furay haddaan u soo noqdo maanta waxaa la rabaa in dib nalooka ceshado xasiloonadii iyo horumakii aanu gaarnay doraad, ha yeeshee su'aashu waxay tahay ma cid baa markii hore na siisay oo haatan xaq u leh in ay naga ceshadaan. Jawaabtu waa maya inaga ayaa keensanay, haddeey luntana anaga ayaa iska luminay, taasna waxa ilaahay hortii iyo taariikhdaba mas'uul uga noqon doona Maamulka, Isimada iyo Aqoonyahanka ummadda reer Pl.

Wixii aad ka qabto iigu soo qor Pagkaan ama ii soo email garee (salwe1@hotmail.com) Ilaahay hana waafajiyo jidka samaha anaga iyo Soomaali oo idilba.


[Column]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:05 AM. Webmaster HomePage