- Title: [SW News](QARAN) Maraakiibta sida sharci darida ah uga kaluumeysata Xeebaha
Soomaaliya
- From:[]
- Date :[]01 Jan 2000
Maraakiibta sida sharci darida ah uga kaluumeysata Xeebaha Soomaaliya
Maraakiibta sida sharci darida ah uga kaluumeysata Xeebaha Soomaaliya oo soo
badanaya WARSHEEKH, Sabti: Maraakiibta sida sharci darida ah uga kalluumeysata xeebaha
koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa haatan ku soo badanaysa xeebaha u dhexeeya Cadale,
Warsheekh iyo Muqdisho. Rag kalluumeysato Soomaaliyeed ah ayaa QARAN u sheegay inay
xeebahaasi ku arkaan habeenkasta maraakiib kalluumeysi oo tiradoodu u dhaxayso 8 ilaa 10
markab oo jiidaya shabaago culus oo ay ku guranayaan qayraadka dabiiciga ah ee xeebahaasi
ku jira. Ciise Maxamuud Cabdulle (Goobe) oo ka mid ah kalluumeystada Soomaaliyeed ee
xeebahaas ayaa QARAN u sheegay in maraakiibtaasi oo xiliga ay kaluumeysanayaan ilkeyska
baqtiiya ay rasaas ku soo ridaan doonyaha kaluumeystada Soomaaliyeed marka ay arkaan.
(QARAN PRESS)
[Back to the top] [ News] |