Wafdi
Puntland oo maanta u ambabaxaya Jabuuti.
BOOSAASO, Axad:
Wafdi ka kooban 5 xubnood oo uu hogaaminayo Cali
Ismaaciil Cabdi Giir oo ka socda Puntland ayaa lagu wadaa inay maanta booqasho ugu
kicitimaan magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyada Jabuuti.
Socdaalka wafdigaas ayaa jawaab u ah marti qaad ay ka
heleen madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu waramay inuu kala
tashanayo madaxdaas Puntland qaabka qabsoomida shirka dib u heshiisiinta ee Soomaaliya.
Wafdigaas oo uu ka mid yahay Xasan Abshir Faarax
Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland ayaa lagu wadaa inay dib ugu soo laabtaan Puntland 4
cisho ka dib.
(QARAN PRESS)