19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (QARAN)Wafdi lagu waday inay Muqdisho yimaadaan shalay oo u weecday Nayroobi.
  • From:[]
  • Date :[] 10 Feb 2000

Wafdi lagu waday inay Muqdisho yimaadaan shalay oo u weecday Nayroobi.

MUQDISHO, Arbaco:

Wafdi ka socday dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, uuna hogaaminayey madaxa xafiiska Midowga Yurub ee magaalada Brussels ee dalka Belgium Mr. Illing oo lagu waday inay shalay soo gaaraan magaalada Muqdisho ayaa bedelay qadkoodii socdaalka, waxayna u weecdeen dhinaca magaalada Nayroobi, halkaasoo isla shalay ay ka degeen.

Lama sheegin sababtay u bedeleen ku tala galkoodii socdaalka, hase yeeshee qaar ka mid ah dadkii ay la kulmi lahaayeen oo u waramay QARAN ayaa sheegay in cilad xagga diyaarad ay ku imaan lahaayeen Soomaaliya ku timid ay kaliftay inay u weecdaan dhinaca Nayroobi.

Warar kale ayaa sheegaya in qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha kooxaha siyaasaddu ay la xiriireen wafdigu intii ay joogeen magaalada Jabuuti, kana dalbadeen in iyagana wafdigu la kulmo markii uu Muqdisho soo gaaro, ayna tahay taas midda sababtay in wafdigu ka leexdo Muqdisho iyagoo ka caga taaleeyey la kulanka hogaamiye kooxeedyada.

Wafdigaas oo uu ka mid yahay Duarte De Carvalho oo ah wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa saluuga Muqdisho ay ka qabaan dartiis la leeyahay waxay ugu weecdeen Nayroobi, mana aysan sheegin muddo kale oo ay Muqdisho imanayaan.

(QARAN PRESS)


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:02 AM. Webmaster HomePage