19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (QARAN) Hawiye in loo taliyo ma rabo inuu tashadana ma ogola, wuxuu rabo lama yaqaan"
  • From:[]
  • Date :[Fri, 18 Feb 2000]

Cali Mahdi oo shalay dalka dib ugu soo laabtay.

"Hawiye in loo taliyo ma rabo inuu tashadana ma ogola, wuxuu rabo lama yaqaan"

 MUQDISHO, Jimce:

Cali Mahdi Maxamed oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha kooxaha siyaasadda ee Muqdisho, muddo sanad ku dhowna ka maqnaa dalka ayaa shalay barqanimadii ku soo laabtay magaalada Muqdisho, isagoo ka soo degay garoonka diyaaradaha Cisaleey oo dhowr iyo labaatan Kilometer dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho.

Hadal uu u jeediyey dadweyne ku soo dhaweeyey gurigiisa oo ku yaalla W/Muqdisho ayuu Cali Mahdi ugu baaqay in lays cafiyo.

Mar uu ka hadlayey shirarka dib u heshiisiinta ee ay leeyihiin beelaha Mudulood ayuu sheegay inay lagama maarmaan tahay in hoos laga soo bilaabo midnimada beelaha Mudulood, tan Hawiye iyo tan Soomaaliyeedba, "waxaan ahay ninkii ugu horeeyey ee magaca beesha Mudulood ku taageera hindisihii madaxweynaha Jabuuti" ayuu yiri Cali Mahdi oo sheegay in aan loo hakan doonin shaqsigii diida ama saluuga shirka dib u heshiisiinta ah ee lagu qabanayo dalka Jabuuti kaas oo uu ku tilmaamay mid lagu dhisayo dowlad Qaran oo shareecada islaamka ku shaqeynaysa.

Cali Mahdi waxa uu ku nuux nuuxsaday lagama maarmaanimada midnima guud oo ay yeeshaan beelaha Hawiye "Hawiye in loo taliyo marabo inuu tashada ma ogala, waxa ay rabaana lama yaqaan" ayuu yiri Cali Mahdi oo saadaaliyey in mustaqbalka beelahaasi mugdi sii geli doonaan haddii aanay xal gaarin.

Cali Mahdi ayaa ugu duceeyey shaqsigii yiraahda madaxweyne ayaan rabaa ama beeshiisa la raba in Alle imaanka geliyo, wuxuuna intaasi ku daray in aanuu hadalkaasi soconayn, balse ciddii inay wax noqoto doonaysa ay tahay inay miiska wada hadalka tagto Soomaalidana ka raadsato, waxaana wafdigiisa ka mid ah Prof. C/llaahi Axmed Afrax.

Dhinaca kale wafdi ka socday hay’adda Isku Xirka iyo xuquuqda Aadanaha (INXA) oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha hay’adaasi Dr. Xasan Shire Sheekh ayna ka mid ahaayeen: Cabdi Wehliye, Sahro Maxamed Nuur, C/raxmaan Baadiyow ayaa shalay Muqdisho dib ugu soo laabtay, ka dib markii booqasho ku tageen dalka Jabuuti todobaad hore oo ay soo indha indheeyeen qaabka bulshada rayidku uga qayb geli karto shirka dib u heshiisiinta ee Jabuuti lagu qabanayo.


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:02 AM. Webmaster HomePage