19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country] ( Abdinur farah) War Kanow fiqi ma Tahay?
  • From:[]
  • Date :[10 Mar 2000]

Xikmadda ku jirta sheekadaan maxay tahay???

War Kanow fiqi ma Tahay?

Waxaa soo diyaariyey Abdinur farah

Waxaa haasaawe iyo shukaansi dhexmaray, Abeeso iyo Dabagaalle. Muddo  marii
ay isla gorfeeyeen sidii ay aqal u wada yagleeli lahaayeen, ayaa Abeesadii
tiri; "War bal orodoo qaalli isukeen meheriya inoo raadi." Dabagaalle hadal
kama soocelin. Wuxuu bilaabay in uu hadba cidduu arko inta is ag dhakooliyo,
ku yiraahdo: "Kanow fiqi ma tahay?" Wuxuu hadba meel jilbo joogsado, goor uu
Seylac sii weydaaranayo, ayuu wuxuu ku soo ku soo beegmay jees meel cidla ah
oo gole colaadeed ah deggen, xoolana xayn ari ah iyo awr duq ah ka ka
haysta. Nin oday ah ayaa qaabilay oo meel geed duggiis ah gogol u dhigay.
Dabagaalihii wuxuu uga sheekeeyey odayga, arrinta uu u soo safray, iyo in
laga soo bilaabo Raas-kambooni ilaa Raas-caseyr uu cid dhexdhexaad ah oo uu
walaayadda u dhiibo ka waayey. Fiqi-ilkaqor si niyadsami ah ayuu ku
qaabilay, arrintii oo isla markiiba martiqaad buu sameeyey, si labada cidood
ee Abeeso iyo dabagaallaba goobjoog u ahaadaan. Waxaa la guda galay howshii
meherka iyadoo loo kala afti qaadayo.

Fiqi-ilkaqor: Ma aqbashay in aan adiga iyo Abeeso isu kiin mehersho?
Dabagaalle:  Haa, haddii ay axdiga ilaalinayso.
Fiqi-ilkaqor: Abeeso, raalli ma ka tahay arrintaas?
Abeeso:  Waxba kama qabo, haddii uu isla weynida iska deynayo.
Fiqi-ilkaqor: Waa immisa meherkaagu?
Abeeso: Waa afkeyga muggiis.
Fiqi-ilkaqor: Maxaad ka leedahay qiimaha meherka, Dabagaallow?
Dabagaalle: Maa caleesh, waxba kuma jabna. Show wuxuu is yiri, labo xabboo
quulle ah ayaa ku filan. Dabagaallihii oo hadalka sii wata ayaa yiri: "
Fiqi, bal faataxada noogu  mar, in reerku noo barakoobo.
Fiqi-ilkaqor: waadh diinta UN-ta baan isugu kiin meherinayaa maaha?
Dabagaalle: Oo meeday teennii?
Fiqi-ilkaqor: Idinkuba is weydiiya.
Abeeso: Ar iskaa daa wuxuu doono ha akhriyee.

Qabbiltu iyo galab-carraaba ayaa lagu soo kala dhaqaaqay. Guri alool iyo
ilxidh lau awday, meelkastana laga gufeeyey, feynuuskuna ka bakhtiisan yahay
oon deriskiisu dabka kala qaadan, dhaankuna seddex subaxle yahay, ayaa
arooskii loo gangaamay. Abeeso jarriidkay ka qosleeysaa. Waxay isleedahay
cid kaa nasiib badani ma jirto, mar haddii Rabbi calaf kuugu daray nin gob
ah oo reer magac leh ka dhashay, ragannimadiisuna bannaankaas iska taal.
Dabagaalle talaa ku caddaatay, meel uu ka noqdana ma joogo. Doobnimo iyo
dibadaa wareeg horuu uga soo daalay, Abeesana wax la dugsado maaha. Abeeso
waa is goleeysay. Cillaan bay isku boobtay. Garraarkay iska gooysay oo
dabadeed is golxaysay. Waxaa bilaabatay dood iyo in la is wareeysto.

Abeeso: Gacaliye, gaaf wareegga iska daa oo geyraha iy gabadanada dhaxanta
ka soo gal.
Dabagaalle: Horta qaalliga iyo adiga ma waxbaa isu kiin galay?
Abeeso: Maxaad ku keentay hadalkaas?
Dabagaalle: Foolashiisa falliiqan iyo ilkahaaga sariiran baan isku soo sinji
soocay.
Abeeso: arrimahaani waa wax guyaal kaa weyne, aynu danteenna ka hadalno.
Dabagaallihii isagoo iska wareersan oo labalaboodinaya, ayuu goor subaxnimo 
ah, abeesoo hurdo ka kacday oo afkii labo taako ka kala dhigeysa arkay.
Wadnihii baa istaagi gaaray. Go'aan degdeg ah ayuu wuxuu ku gaaray in uusan
waligiis Abeeso agteeda tegin.

Abeeso: Maxaa geedka dushiisa ku saaray? Maad halkaan isku soo kala bixisid?
Dabagaalle: Abeeso, hadda wixii ka dambeeya dushaas uun baan iska qabaynaa.
Abeeso: Oo maxaa ku beddelay? Sow inaan aqal wada galno iskuma aynaan
ogeyn?.
Dabagaalle: Abeeso, ciiddii Ilaahay baa ku deeqi weyday, anna habarteed bay
ka tahay in aanan naftayda kugu aaminayn, ee haddaba sidaas ku calool
fayooboow, inaan dushaas reer dhaqan ka ahaanno oo qofkeenna qofka kale u
soo dhawaan.
Abeeso: Oomaxaad iiga dideysaa? Ma kufkaa baanan ahayn?
Dabagaalle: afkaaga iyo abuuristaada ayaan kaa diday ee sidaas raalli ku
ahow.

Waxaa lagu soo afjaray taladii, in reerka la wada dhaqdo, si aan cadow kale
uga faa'iideeysan god daloolladooda, aanse marnaba dab lawada kulaalin,
golana lagu wada caweyn, inta Abeeso iyo dirkeeda waxka dhaqan yihiin.

Galbataye Allow kuu gargaar!

C/nuur


[Back to the top][Country]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:01 AM. Webmaster HomePage