19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country] HE Ismail Omar Geelle - FURITAANKA AQOON-WADAAGGA FARSAMO EE NABAD-RAADINTA SOOMAALIYA - GOLAHA UMMADA-TUESDAY MARCH 21
  • From:[]
  • Date :[25 Mar 2000]

"...Habka aan u hawlagalayno waxaa saldhig u ah saddexdan qodob :1. Dadweynaha reer Jabuuti oo walaalohood u dhigay gogol ay isugu yimaadaan ugana wada tashadaan sidii ay dalkooda u badbaadin lahaayeen ;2. Go'aanka cidda leh oo ah bulshaweynta Soomaaliyeed oo aan u kala hadhin, sida lagu gaarayaana tahay wada-tashi ballaadhan oo ay ka qayb qaataan dhammaan qaybaha bulshda; 3. Midaynta waxqabadka dunida ee ku wajahan Soomaaliya oo lagu beddelo is-barbar yaacii dhibaatada kordhiyey..." HE Ismail Omar Geelle


> >JIBUUUTI EE FURITAANKA AQOON-WADAAGGA FARSAMO EE NABAD-RAADINTA SOOMAALIYA
> >
> >GOLAHA UMMADA
> >TUESDAY MARCH 21
> >
> >
> >Farxad ayay ii tahay in aan idin kala soo qayb galo aqoon-wadaaggaan oo
> >aan qabo in uu yahay mid qiime taariikheed leh. Waa kii ugu horreyey
> >kulan rasmi, miisaan sidaan u culus leh, ay ka qayb galaan wax-garad
> >Soomaaliyeed oo ka kala yimid meel kastoo Soomaali jogto.
> >
> >Way jireen kulanno badan oo arrintan ku saabsan, kuwaas oo ka mid ahaa
> >hawlihii faraha badnaa, isdaba-joogga ahaa ee sida nasasha-la'aanta ah
> >loo soo qabtay muddadii ka dambeysey shaac-ka-qaadkii Hindisaha Jabuuti
> >ee aan ka soo jeediyey Golaha loo dhanyahay ee Q.M. bishii September.
> >Haseyeeshee shirarkaasi kan way ka wada duwanaayeen: Sidii aad
> >maqleyseen, waxay ahaayeen shirar ay ku kulmayeen wakillada beesha
> >caalamka iyo dowladaha gobolkeena, waxaana looga gol lahaa in mowqif
> >midaysan iyo iskashi laga yeesho xal-u-raadinta dhibaatada murugsan ee
> >Soomaaliya.
> >
> >Waxaa iyana jirey shirar taageero iyo tala-bixin ah oo ay si is daba-joog
> >ah u yeelanayeen qaybo badan oo ka mid ah bulshaweynta Soomaaliyeed,
> >kolba intii meel wada joogta ama isku xidhan. Dareenkaa xilkasnimo ee
> >bulshaweynta Soomaaliyeed aad ugu soo dhaweysey baaqii aan soo jeedinay
> >waa bisayl la gaadhey oo aad noo dhiirri galiyey.
> >
> >Tan labaad, kulankani waa tallaabo weyn oo hore loo qaaday, dhanka
> >fursad-siinta wada-tashi aad u ballaadhan oo ay dadka Soomaaliyeed
> >yeeshaan, annaguna la yeelano, taasoo tiir-dhexaad u ah waddada loo
> >marayo xal-raadinta aanu ku hawllannahay.
> >
> >Sidii aan hore u caddaynay, Tallabadan aan qaadnay ma ah mana noqon karto
> >mid cidi dan gaar ah ka leedahay. Waa gurmad ku dhisan naf-laqaybsi
> >walaaltinimo. Waxa nagu dhaliyey waa damiirkayaga aadminimo iyo
> >dareenkanaga sokeeyenimo oo ka damqday darxumada dadkan aanu walaalaha
> >nahay, oo iyaguba noo soo gurmaday waqtigii ay naga tabarta roonaayeen ee
> >aan u baahanay hiilkooda. Waxaa kaloon dareensannahay burburka iyo
> >dhibaatada Soomaaliya in ay halis joogta ah ku tahay jiritaankayaga,
> >Jabuuti ahaan.
> >
> >Habka aan u hawlagalayno waxaa saldhig u ah saddexdan qodob :
> >1. Dadweynaha reer Jabuuti oo walaalohood u dhigay gogol ay isugu
> >yimaadaan ugana wada tashadaan sidii ay dalkooda u badbaadin lahaayeen ;
> >2. Go'aanka cidda leh oo ah bulshaweynta Soomaaliyeed oo aan u kala
> >hadhin, sida lagu gaarayaana tahay wada-tashi ballaadhan oo ay ka qayb
> >qaataan dhammaan qaybaha bulshda ;
> >3. Midaynta waxqabadka dunida ee ku wajahan Soomaaliya oo lagu beddelo
> >is-barbar yaacii dhibaatada kordhiyey.
> >
> >Dhawrkii bilood ee ina dhaafay saddexdaa arrimoodba waxaa laga qabtay
> >hawlo aad u waaweyn, waxaana laga gaadhey natiijooyin si weyn noo dhiirri
> >galiyey.
> >
> >Markii aanu u baaqnay, dowlad ahaan, dadweynaha reer Djibouti iyo
> >ururradiisa bulsho, waxay iyagoon u kala hadhin si xilkasnimo leh ugu
> >sara keceen sidii ay walaalohooda Soomaaliyeed ugu gurman lahaayeen,
> >jeebabkooda ugu baadhi lahaayeen, aqalladoodana ugu dhigi lahaayeen gogol
> >ay ku wada tashadaan. Aad ayaan uga mahad celinayaa uguna bogaadinayaa
> >dadweynaha reer Jabuuti iyo ururradooda ololayaasha ay beryahaanba ku
> >foognaayeen abaabulka iyo dhaqaale-ururinta xilkasnimada leh.
> >
> >Ururinta talooyinka iyo aragtida dadka Somaaliyeed waxay ka mid ahayd
> >hawlihii ugu waaweynaa ee dawladda Jabuuti ku dadaaleysey bilahaan oo
> >idil. Boqollaal Somaali ah oo dalka iyo dibaddaba ku baahsan ayaa
> >talooyinkooda iyo aragtidooda nogu soo gudbiyey qoraallo iyo telefono,
> >qaarna iyagoo socda ayay noogu yimadaan wadatashi. Dadkiinaan
> >aqoonyahanada iyo waaya-argga ahna waxaanu idiinku yeernay in aad
> >talooyinkaas lafa gurtaan kuwiinana ku biirisaan, si loo iftiimiyo tubta
> >geeddi-socodka nabadda iyo shirweynaha qaran. Latashigu intaan kuma ekaan
> >doono; waxaan la tashan doonaa hoggaamiyeyaasha beelaha iyo
> >culamaau'diinka waaweyn; hawlaha u-gogol-xaadhka shirweynaha waxaa ka mid
> >ah in aanu dirno wafdi dhulka soo wada mara, dadka Soomaaliyeed u
> >xog-warrama, talooyinkoodana soo ururiya.
> >
> >Dhanka dibadda, malaha waad maqleyseen tallaaboyinkii is daba-joogga ahaa
> >ee aanu ka qaadnay: shirarkii caalamka ee aan beesha adduun-weynaha uga
> >dhaadhicineyney qaddiyaddaan iyo aragtida aan ka leenahay. Waad la
> >socoteen booqashooyinkii aan dhawaan ku soo maray Waddammada IGAD iyo
> >dunida Carabta qaar ka mid ah qaar kalena aan tegi doono. Waxaan ku
> >dadaaleyney in ay dunidu cod midaysan ka yeelato arrinta Soomaaliya,
> >taana waa lagu guulaysay. In kastoo aan kolley la waayi karin cid dan
> >gaar ahaaneed eeganaysa, haddana adduun-weynuhu, gobol ahaan iyo caalam
> >aahaanba, wuxuu go'aamiyey in codka dunida lagu mideeyo taageerada
> >hindisihii aan soo jeediney, in ay Jabuuti, iyadoo ka waiil ah IGAD iyo
> >beesha caalamkaba, ay hoggaamiso geeddi-socodka nabad-raadinta
> >Soomaaliya. Waxaa la wada garwaaqsaday Jabuuti in ay tahay cidda
> >Soomaliya dad ugu dhow, ugu aqoonta badan ugana fog in ay ka yeelato dan
> >gaar u ah. Taana waanu uga mahad celinaynaa dhammaan intii muujisay
> >taagradaas.
> >
> >Ceelna uma qodna cidina uma maqna.
> >Waa taa halka arrintu maanta marayso; halka uu kaga soo beegmay
> >kulankiinan aan ku tilmaamay mid qiime gaar ahaaneed leh. Intiinani
> >waxaad tihiin dadkii aqoon iyo waaya-aragnimo looga soo xulay Soomaali oo
> >dhan, dibad iyo gudaba, way badan yihiin qaar idinla mid ah, idinkase
> >waxaa la idin saaray xil gar ahaaneed.
> >
> >Waxa aan idiinku yeernay ma aha in aan dunida ma qashiino uun: "Soomaali
> >baan la tashanay!"; ma aha in aad Jabuuti soo daawataan;
> >ma aha dhoolla-tus aqoonyahan (intellectual excercise) ; ma aha kulankani
> >«Somali studies conference» kale ; ma aanaan ku tala galin in aan isu
> >aqrino qoraallo theoretic ah oo lagu baratamayo aftahanimo akadeemic ah;
> >taas way jiraan waqtiyo iyo meelo looga bahanyahay, laakiin annagu maanta
> >uma kansha hayno - meyd ayaa na dul yaal.
> >
> >Waxaan idiinku yeernay in aad keentaan talo camali ah oo maanta lagu
> >camal falo, aad ka keentaan sidii Soomaali looga soo saari lahaa godka ay
> >ku dhacday. Waxaa la idinka sugayaa talo ka tarjumaysa dareenka
> >bulshaweynta Soomaaliyeed meel ay joogtaba ; ka amba qaadaysa xaqaai'qa
> >maanta ka jira Soomaaliya ; ka shidaal qaadanaysa aragti cilmiyeed ; ku
> >salaysan dhaqanka ummadda Soomaliyeed iyo qiyamkooda Islaamiga ah.
> >
> >Kulankiinani waa weelkii ugu horreeyey ee lagu soo wada shubayey nuxurkii
> >ilaa imminka laga soo tuujiyey tala-ururintii muddada soo socotey.
> >Qorallo badan ayaa la idinku soo wareejin doonaa. Dersa, geedka hoostiisa
> >dhulka xardha, sidii Soomaalidii hore. Laba toddobaad ayaad haysataan.
> >Waa waqti nugu badan. Waad garan kartaan culayska eeleedahay waqtiga
> >sidaa u dheer, dadka sidaa u tirada badan oo dunida shanteeda cidhif laga
> >kala keenay, in ay culys weyn ku tahay awoodda dhaqaale ee dal Jabuuti oo
> >kale ah. Haddana waanu u badheedhnay, waayo ujeeddada aan higsanayno ayaa
> >nagala weyn. Midhaha aan idinka filaynaana waa qaar aanu u han weynahay.
> >
> >Tan kale waxaan ka afeefanayaa shirkan inaan loo qaadan mid go'aano lagu
> >gaadhayo, amaba dowlad lagu dhisayo, sida ay faafinayaan dad sama-diid ah
> >oo doonaya inay jahawareer abuuraan. Kulankni waa la-tashi uun lala
> >tashanayo aqoonyhanada iyo ruug-caddaaga Soomaaliyeed, mana noqon doono
> >la-tashigii ugu dambeeyey.
> >
> >Waxaa lala tashan doonaa hoggaamiye-dhaameedyada, culumaau'diinka,
> >maamullada jira, ganacsatada, bulshaweynta degaanada kala duwan (oo aanu
> >u diri doono wafdi ku soo wareega), iyo dhammaan ummadda Somaaliyeed.
> >
> >Wixii ah go'aano rasmi ah iyo dhisme dowladeed waa arrin u taal
> >dadweynaha Soomaaliyeed iyo wakiiladiisa uu si rasmi ah oo dimoqraadi ah
> >ugu soo dirsado shirweynaha qaran ee la isugu iman doono. Kulankiinan
> >waxaa loogu tala galay in uu shirweynahaas u gogol-xaadho xaadho
> >waddadana u sii iftiimiyo.
> >
> >Waxaa jira dad fasiraad gurracan ka bixiya erayga 'bulshada rayidka ah'
> >ama loo yaqaan 'civil society', ee aanu ku celcelinay in ay yihiin
> >wakiilada xaqa ah ee dadweynaha Soomaaliyeed, lehna hoggaaminta
> >geeddi-socodka nabadda. Qaar baa u qaatay in loola jeedo NGOs uun.
> >'Bulshada rayidka ah' marka aan leenahay waxaan ula jeednaa bulshaweynta
> >Soomaaliyeed ee ka madaxa bannaan qabqable dagaal iyo koox yar oo
> >hubaysan. Waa bulshaweynta aan hubka sidan, ka soo horjeedda dagaalka
> >sokeeye una una harraadan soo celinta sharaftii iyo qaranimadii ummadda
> >Soomaaliyeed. Bulshada rayidka ah waxaa ka mid ah ardayda, macallimiinta,
> >culuma'udiinka, hoggaamiye-dhaqameedyada, hooyooyinka, beeraleyda,
> >ganacsatada, xoola-dhaqatada, Suxufiyiinta iyo qorayaasha, fanaaniinta
> >iyo hal-abuurka,  darawallada ama xoogsatada oo dhan, aqoonyahanada;
> >micnaha waa dhammaan qaybaha bulsha-weyna xuma-diidka ah.
> >
> >Maanta waa xilli loo guntadey dib-u-heshiisiin qaran. Qof kastoo nabadda
> >iyo dibudhiska diyaar u ah waa la soo dhaweyn. Qofna lama reebayo mid
> >isagu is reeba mooyee. Dagaal-oogayaasha ama hoggaamiye-kooxeedyada, kii
> >diyaar u ah in uu dhibaatadii hore ka waantoobo ee geeddiga nabadda la
> >jaan qaado waa la soo dhaweyn, shirweynahana wuu ka qayb gali doonaa
> >isagoo dadkiisa ka mid ah. Xataa kii madaxnimo u sii oomman waa arrin u
> >taal dadweynaha Soomaaliyed, hadduu dadweynuhu doorto cidi u diidi mayso
> >madaxnimada.
> >
> >Haseyeeshee kii  ku sii adkaysta fidmada iyo burburinta lagama yeeli
> >doono lagamana cafin doono dambiyadiisii hore iyo dhagartii uu ka galay
> >bini-aadminimada.
> >
> >Bulshaweynta Soomaaliyeed way muujiyeen teegeeradooda mowqifkaan isaga
> >ah. Way iiga marag-fureen in aanan ku qaldanayn dhawaaqaygii, waana uga
> >mahad celinayaa bisaykooda. Way muujiyeen dadku in aaney diyaar u ahayn
> >in ay toban sano oo kale u sii af duubnaadaan in yar oo ka
> >beec-mushatraysa colaadda iyo sharcila'aanta.
> >
> >Waan hubaa dadweynaha nabadda u oommani in uu ka faai'daysan doono
> >fursaddan aan ku marti-qaadnay in ay isugu wada yimaadaan shirweyne ay
> >uga xaajoodaan, iyagoo isku duuban, sidii ay uga bixi lahaayeen
> >darxumada, una soo ceshan lahaayeen sharaftii weyneyd ee Soomaalidu
> >weligeed lahaan jirtey.
> >
> >Waan ku kalsoonnahay in uu guulaysan doono go'aanka bulshaweynta
> >sama-doonka ah. Waan ku kalsoonahay in ay Soomaaliya ka soo bixi doonto
> >godka lagu ridey.
> >
> >Idinkana waxaan idiin rajaynayaa in aad ku guulaysataan farsamaynta
> >talooyin fududeeya hawsha taariikhiga ah ee shirweynaha qaran, farsamo
> >surma-seegtada ka ilaalisa jidka loo marayo guuleysiga go'aanka dadka
> >Soomaaliyeed.
> >
> >Ku soo dhawaada Jabuuti. Waa dalkiinii labaad waxa aad joogtaan; ma aha
> >dal shisheeye ama meel aad ka qaloonaysaan. Intiina qurbaha ku raagtey,
> >waxaan hubaa marka aad magaalada dhex socotaan in aad dareemaysaan in aad
> >ku soo laabateen dalkiinii hooyo. Ha is martiyaynina. Guulaysta!
> >


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:02 AM. Webmaster HomePage