Ka
qeybgalayaashii Aqoon is weydaarsiga la tashiga farsamo ee nabadda Soomaaliya oo soo
saaray baaq ku wajahan Somaliland.
JABUUTI, Isniin:
Ka qayb galayaashii shirkii wada tashiga farsamo
ee geedi socodka nabadda Soomaaliya ee ka socday dalka Jabuuti ayaa shalay laga soo saaray
baaq si gaar ah ugu wajahan wax loogu yeeray ‘Qowmiyadda Somaliland’.
Aqoonyahanadu waxay qoraalkooda ku yiraahdeen
"waxaan rumaysanahay":
In kastoo shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay soo
gaartay dhibaato loogu gaystay magaca maamulka Soomaaliyeed, haddana waxaan qiraynaa in
baaxadda jowr-fal dadka ku nool waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) ka badan yahay burburkii
ka dhacay gobollada kale ee dalka.
Shacabka Soomaaliyeed ee deggan waqooyiga
Soomaaliya waxay mudan yihiin bogaadin, waxayna ku amaanan yihiin nabadeynta dhaqameed ee
soo jireenka ah, taasi oo keentay xasiloonida nolosha walaaltinimada beelaha wada deggan.
In shacabka Soomaaliyeed ee midoobay 1960-kii ay
si qalbi sami ah oo walaaltinimo ku jirto heshiis uga gaaraan aayahooda siyaasadeed,
annagoo ka amba qaadayna qodobaadaasna waxaan soo jeedinaynaa:
Haddaan nahay ka qaybgalayaasha aqoon
iswaydaarsiga la tashiga farsamo ee geedi socodka nabadda Soomaaliya ee Jabuuti, annagoo
cabirayna dareenkeena Soomaalinimo, aqoonyahanimo iyo walaaltinimo kana damqanayna
falalkii foosha xumaa ee maamulkii Soomaaliya u gaystay ayaan garwaaqsanay in shacbiga
Somaliland mudan yahay raalli gelin. In la xaliyo waxna laga qabto wixii dhibaato ah oo
gaar ahaan u soo gaaray shacbiga ku nool waqooyiga Soomaaliya.
In gaboodfalayaashii dambigaa weyn ka galay dadka
Somaliland la soo taago maxkamad si loo helo caddaalad loona joojiyo mustaqbalka dulmi
kaas oo kale ah.
Aayaha qaabka siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed
waxaa lafdhabar u ah dhowritaanka xuquuqda shakhsiga Soomaaliyeed iyo ilaalinta danaha
shacbiga.
Ka qaybgalayaasha aqoon iswaydaarsigu waxay u soo
jeedinayaan walaalahooda Somaliland in ay ka soo qayb galaan Goleyaasha looga tashanayo
aayaha ummadda Soomaaliyeed.
(QARAN PRESS)