19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News](QARAN)  Ka qeybgalayaashii Aqoon is weydaarsiga la tashiga farsamo ee nabadda Soomaaliya oo soo saaray baaq ku wajahan Somaliland.
  • From:[]
  • Date :[28 Mar-2000]

Ka qeybgalayaashii Aqoon is weydaarsiga la tashiga farsamo ee nabadda Soomaaliya oo soo saaray baaq ku wajahan Somaliland.

JABUUTI, Isniin:

Ka qayb galayaashii shirkii wada tashiga farsamo ee geedi socodka nabadda Soomaaliya ee ka socday dalka Jabuuti ayaa shalay laga soo saaray baaq si gaar ah ugu wajahan wax loogu yeeray ‘Qowmiyadda Somaliland’.

Aqoonyahanadu waxay qoraalkooda ku yiraahdeen "waxaan rumaysanahay":

In kastoo shacabka Soomaaliyeed oo dhan ay soo gaartay dhibaato loogu gaystay magaca maamulka Soomaaliyeed, haddana waxaan qiraynaa in baaxadda jowr-fal dadka ku nool waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) ka badan yahay burburkii ka dhacay gobollada kale ee dalka.

Shacabka Soomaaliyeed ee deggan waqooyiga Soomaaliya waxay mudan yihiin bogaadin, waxayna ku amaanan yihiin nabadeynta dhaqameed ee soo jireenka ah, taasi oo keentay xasiloonida nolosha walaaltinimada beelaha wada deggan.

In shacabka Soomaaliyeed ee midoobay 1960-kii ay si qalbi sami ah oo walaaltinimo ku jirto heshiis uga gaaraan aayahooda siyaasadeed, annagoo ka amba qaadayna qodobaadaasna waxaan soo jeedinaynaa:

Haddaan nahay ka qaybgalayaasha aqoon iswaydaarsiga la tashiga farsamo ee geedi socodka nabadda Soomaaliya ee Jabuuti, annagoo cabirayna dareenkeena Soomaalinimo, aqoonyahanimo iyo walaaltinimo kana damqanayna falalkii foosha xumaa ee maamulkii Soomaaliya u gaystay ayaan garwaaqsanay in shacbiga Somaliland mudan yahay raalli gelin. In la xaliyo waxna laga qabto wixii dhibaato ah oo gaar ahaan u soo gaaray shacbiga ku nool waqooyiga Soomaaliya.

In gaboodfalayaashii dambigaa weyn ka galay dadka Somaliland la soo taago maxkamad si loo helo caddaalad loona joojiyo mustaqbalka dulmi kaas oo kale ah.

Aayaha qaabka siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed waxaa lafdhabar u ah dhowritaanka xuquuqda shakhsiga Soomaaliyeed iyo ilaalinta danaha shacbiga.

Ka qaybgalayaasha aqoon iswaydaarsigu waxay u soo jeedinayaan walaalahooda Somaliland in ay ka soo qayb galaan Goleyaasha looga tashanayo aayaha ummadda Soomaaliyeed.

(QARAN PRESS)


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:02 AM. Webmaster HomePage