JABUUTI, Talaado
Ka qaybgalayaasha Soomaaliyeed ee aqoon iswaydaarsiga la
tashiga farsamo ee geedi socodka nabadda Soomaaliyeed ee Jabuuti ayaa baaq ka soo saaray
xal u helidda mushkiladda Muqdisho.
Waxay baaqooda ku yiraahdeen ka qaybgalayaasha aqoon
iswaydaarsigu "in xal loo helo arrinta Muqdisho waa inuu noqdaa mid Qaran oo la mid
ah dhismaha dowladnimada, qaabka loo xalinayo dhibaatada Muqdisho waxaa iska leh
farsameeda shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed".
Waxay ku yiraahdeen baaqooda qaybtiisa labaad
"waxaan u soo jeedinaynaa dadweynaha Muqdisho inay u howl galaan xalinta
dhibaatooyinka nabad gelyo xumo ee ka jira magaalada, si ay u gudato xilkeedii magaala
madaxnimo, una fududaato howsha dowlad ku meel gaar ah"
(QARAN PRESS)