19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] ( JABUUTI/QARAN) Xal u helidda mushkiladda Muqdisho oo Jabuuti looga baaqay.
  • From:[]
  • Date :[28 Mar-2000]

 

Xal u helidda mushkiladda Muqdisho oo Jabuuti looga baaqay.

JABUUTI, Talaado

Ka qaybgalayaasha Soomaaliyeed ee aqoon iswaydaarsiga la tashiga farsamo ee geedi socodka nabadda Soomaaliyeed ee Jabuuti ayaa baaq ka soo saaray xal u helidda mushkiladda Muqdisho.

Waxay baaqooda ku yiraahdeen ka qaybgalayaasha aqoon iswaydaarsigu "in xal loo helo arrinta Muqdisho waa inuu noqdaa mid Qaran oo la mid ah dhismaha dowladnimada, qaabka loo xalinayo dhibaatada Muqdisho waxaa iska leh farsameeda shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed".

Waxay ku yiraahdeen baaqooda qaybtiisa labaad "waxaan u soo jeedinaynaa dadweynaha Muqdisho inay u howl galaan xalinta dhibaatooyinka nabad gelyo xumo ee ka jira magaalada, si ay u gudato xilkeedii magaala madaxnimo, una fududaato howsha dowlad ku meel gaar ah"

(QARAN PRESS)


[ News]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:01 AM. Webmaster HomePage