19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country] (KAAHA BARI ) WADAHADALLADII KU DHEXMARAY, XURUNTA GOBOLKA BARI, MADAXWEYNAHA D/G/P/LAND IYO GUURTIDA GOBOLKA BARI BADANKOOD
  • From:[]
  • Date :[6 April 2000]

31 MARCH 2000 KAAHA BARI SANNADKA 9AAD CADADKA 468 PAGE 3

WADAHADALLADII KU DHEXMARAY, XURUNTA GOBOLKA BARI, MADAXWEYNAHA D/G/P/LAND IYO GUURTIDA GOBOLKA BARI BADANKOOD

Shir lagu qabtay, hoolka shirarka ee xarunta gobolka bari 27/3/2000, oo dhex maray madaxw-eynaha D/G/P/land iyo wasiiradiisa qaybtood iyo guurti lagu marti qaaday oo isugu jiray Isimo, nabadoonno, iyo ganacsato ka tirsan degaanka gobolka Bari, waxaana lagaga hadlay halkaa, dhowr qodob oo kale ah:-

1-bannaan baxii ka dhacay Boosaaso, 24/3/2000.

2-shirka Djibouti iyo sababaha loo diiddan yahay.

3-xaaladda Kismaayo.

Shirka waxaa furay guddoomiyaha G/Bari, Dr. Maxamud Caynab oo hadalka u qaybinayey, ka qayb galayaashii shirka, iyada oo warbixinta dawladda ay dhiibeen wasiirka wasaradda warfaafinta, boosaaha, isgaarsiinta, iyo dhaqanka Md. Cawad Axmed Casharo iyo taliyaha Ciidanka Booliska P/land Gen. C/lahi Siciid Samantar iyaga oo ka warramay nabad-gelyada iyo mawqifka P/land ee bannaan-baxyada iyo waxa ay keeni karaan, dabadeedna waxaa hadalkii loo gudbiyey, Warsame Muuse oo loo yaqaan Shaaquuf, wuxuuna ka hadlay dhawr qodob oo aan ka soo qaadan karro, bannaan baxyada in aan wax dan ahi ugu jirin boosaaso iyo meelo kale toonna, wuxuuna tilmaamay in ay nabad gelyo xumo hooyo iyo aabbe u tahay, isaga oo ka sheekeeyey, Boosasa-dii shalay iyo tan maanta waxa u dhexeeya oo uu yiri bannaan baxu wuxuu ku yahay bur-burin.

Hiirad maxamed cali wuxuu isaguna ka hadlay, qodobka ah, yaa isku xira Maamulka iyo shacabka?, wuxuuna ku tilmaamay, in ay yihiin nabadoonnada, oo loo baahan yahay in la tixgeliyo.

Nabadoon Qaxiye Ciise, wuxuu isaguna ka hadlay arrinta nabad gelyada, isaga oo ku til-maamay kuwa qaban-qaabiyey bannaan baxa, in ay si kale oo ka fiican ku muujin kareen ra’-yigooda.

Maryan Siciid Maxmud ayaa hadalkii loo gudbiyey, iyada oo si nololi ku jirto ugu dhaliishay maamulka, in xisaabtanka ka socda Soomaaliya lala socod siiyo bulshada saamigo-odana ay ka hadlaan.

Maxamed Cabdi Cawad, wuxuu ka soo jeediyey shirkii, talo ah, in laga qayb galo shirka dib-u-heshiisiinta soomaaliya oo dhammi isugu imanayso, isla mar ahaantaana aan wada ilaashano danaheenna iyo nabad gelyadeenna.

Maryan maxamed Xasan oo loo yaqaan Guduudo oo ku hadlaysay ururka haweenka G/Bari, waxay sheegtay hadallo lagu wada qoslay oo ahaa, haddii uu dan inoo yahay, aan tagno haddiise la inaku dagayo, ha inna geynina.

Waxaa kale oo halkaa ka hadlay dadbadan oo ay kamid ahaayeen, nabadoon Cabdi Faarax, shiikh maxamed Yuusuf, Bashiir Cabdi Garas iyo Yaasiin Cartan dhammaantoodna waxay taageereen fikradda dhawridda nabadda, iyada oo la qiray in la oggol yahay bannaan baxa hase ahaatee loo maro, nidaamka si nabad gelyadu aanay u fara baxin.

Markaa kaddib ayaa madaxweynaha P/land Col. C/lahi Yusuf hadalkii gaba-gebada lagu wareejiyey, isaga oo hadallo kaftan ah sida uu sheegay ku bilaabay, markaa kaddibna u gudbay dooddii meesha oolayd isga oo yiri:-

Shirka Jabuuti D/G/P/land tiir dhexaad ayeey u ahayd, talo ayaanu ka dhiibanaynnay, laakiin dawladda Jabuuti waa bar-bar martay, oo iyadaa barnaamij jeebkeeda ah samaysatay, oo wixii talo lasiiyey way tuurtay, jabuutina way ka soo horjeedda ismaamullada ka jira Soomaaliya, oo waxay doonaysaa in ay dalka ku celiso xillayadii dawladihii hore oo dalku ahaa magaalo keliya”.

Mar uu ka hadlayey dadka ka qayb galaya shirka jabuuti hadda ka socda waxa uu yiri:

dadka hadda innaka tegey, ma innagaa dirray? Ma aynaan dirin. Haddaan samayno, wax aayaha Jibuuti khuseeya oo saamayn doona, oo magaalada Boosaaso ugu yeero dad reer Jabuuti ah, inta la baal maro dawladda uu madaxda ka yahay walaalkaya Ismacil Cumar Geelle, oo gacan dhaaf ku samayno, ma xaqbaynu u leenahay? Marka ma xaq buu u leeyahay 5 gobol ee P/land, oo dawlad goboleedkiisa, madaxd-eeda, madax dhaqmee-dka iyo wax garadka rag iyo dumar isaga oo aan la tashan, in ciddii uu doono dibadda ama gudaha uga yeerto, taasi wax la yeelo ma tahay?”.

Shirka jabuuti madaxweynuhu wuxuu ku tilmaamay in uu lamid yahay kii qaahira isga oo yiri: haddii aynu yeelayno shirka Jibuuti, maxaynu ku diidnay Shirkii Qaahira,? Kaama war qabtaane Qaahira iyo kan Jabuuti, waxay ku kala duwan yihiin ma jirto”.

Sidoo kale waxa uu sheegay in D/G/P/land u dhisan tahay 5 gobol oo isku xiran tahay isaga oo yiri: qof shakhsiya iyo gobol keligiis ah go’aan ma gaari karo,

Isaga oo hadalka ku soo gunaanaday in la adkeeyo midnimada shacabka P/land iyo nabad gelyadooda.  


[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:02 AM. Webmaster HomePage