- Title: [SW News](QARAN)
Tafaftirayaal
lix wargeys oo ka soo baxa Puntland oo qaadacay ka qeyb galka
tababar BBC u qoondaysay Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
- From:[]
- Date :[11 April 2000]
Tafaftirayaal
lix wargeys oo ka soo baxa Puntland oo qaadacay ka qeyb galka
tababar BBC u qoondaysay Suxufiyiinta Soomaaliyeed.
MUQDISHO, Talaado:
Tifaftirayaal lix wargeys oo ka soo baxa gobollada waqooyi bari ee dalka
Soomaaliya ee ay maamusho xukuumad goboleedka Puntland oo dhawaan yimid
Muqdisho si ay uga qayb galaan tababar saxaafadeed oo ay iska kaashadeen
idaacadda BBC-da iyo Midowga Yurub ayaa si rasmi ah u diiday inay ka qayb
galaan tababarkaas, kaddib markii wax laga qaban waayey mushkiladdo dhowr ah
oo la soo gudboonaaday suxufiyiintaasi.
Waxyaabaha ay ka cabteen oo qasbay inay ka noqdaan tababarkaas ayey ka mid
yihiin cadaalad darro iyo isku dheeli tir la’aan ka muuqata qaybaha
mashruuca ee Soomaaliya iyo suxufiyiinta ka qayb galayaba, isku dheelitir
la’aan tayada iyo aqoonta ka qayb galayaasha, iyadoon la tixgelin talooyin
ay soo jeediyeen suxufiyiinta Puntland ee horey uga qayb galay tababar BBC
Hargeysa ugu qabatay suxufiyiin Soomaaliyeed iyo habka qorshaha dhaqaale ee
tababarkan oo aan
waafaqsanayn wacyiga iyo danaha ka qaybgalayaasha tababarka.
Waxay ku sheegeen tifaftirayaasha oo kala ah: Axmed Maxamed Cali, C/risaakh
Geelle Cumar, Maxamed Deeq C/qadir, Bille Maxamuud Qabowsade, C/sharuur
Yuusuf Cali iyo Saciid Aadan Cilmi warsaxaafadeed ay si wada jir ah u soo
saareen in qarashka loogu talo galay
tifaftirayaashaas maalintii uu ahaa mid aad u yasan oo xittaa aan dhamayn in
saddex daqiiqo ay kula xiriiraan xafiisyadoodii iyo guryahoodii iyo iyadoon
waxba laga qaban cabashooyin ay horey u
soo gudbiyeen.
Waxay ku taliyeen in laysku miisaamo tababarada BBC ay ka bixinayso gudaha
Soomaaliya iyo ka qayb galka suxufiyiinta deegaanada.
(QARAN PRESS)
______________________________________________________
Get Your Private, Free Email at http://www.hotmail.com
[ News] |