19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
Column
  • Title: [SW Country]( PL Web) Maamulka Puntland ..Maxay tahay howshiisu? Shirka Djibouti ma haboontahay in PL ka qaybgasho, PL iyo Kismayo...
  • From:[]
  • Date :[12 April 2000]

"....Haddii ninka geesiga ahi uu yahay kan nabada dhaliyaa sida qaamuuska luqaduhu qoro, ee uusan ahayn kan hadba reer xabad la korjoogsada, hadii nabad in la doonaa ay macnaheedu tahay in nabada laga raadsho kan kula dagaalsan, xasuuso in mudane A/laahi yuusuf uu Xamar ugu tagay Gen. Caydiikii geeriyooday, isago oo ka raadinaya nabad oo kaliya, taasna waxay iila muuqataa tanaasul kale. Xasuuso in aad ummadaa Soomaaliyeed gogol ugu fidisay Boosaaso 1998kii adoo raadinaya qaranimo kadibna laguugu jawaabay in Boosaaso tahay tuulo reer dago oo ayan soomaali lahayn..." AJ 12 April 2000

"....Sida aan ku aragnay qorshahana wuxuu qorayaa in wufuuda shirka jabuuti lagu soo xulayo hab degmo, taasoo macneheedu yahay in 92da degmo ee dalku ka koobnaa ay ka imanayaan degmadiiba 5 qof,(92x5). Banaadir oo ah 15 degmo, Jubooyinka oo ah illaa 7 degmo iyo shabeelada hoose oo ah 7 kale, isku darkuna uu gaarayo illaa 30 meeyo degmo(30x5). Ilaahay hortii wufuuda caynkaa ahi in ay go'aamiso aayaha soomaaliya ma idin la saxantahay?...." AJ 12 April 2000


Maamulka Puntland ..Maxay tahay howshiisu? Shirka Djibouti ma haboontahay in PL ka qaybgasho, PL iyo Kismayo maxaa ka dhexeeya?

 
Name: Abdul Jama
Website: Maamulka Puntland ....Maxay tahay howshiisu
Referred by: Just Surfed On In
From: Puntland/Somalia
Time: 2000-04-11 21:02:50
Comments: Dhamaan waan salaamayaa dhalinyarada doodaha dhaxalgalaka ah bogaan ku soo bandhiga. Walaalkay maxamed H. Abshir, aad ayaan u fahmay doodaadii hufnayd, laakiin waxaan su'aal la qabaa walaalkay kale A/rizak Muse taasoo ah, maadaama uusan mudane Abshir si toosa uga hadlin sababta keentay is casilaadiisa, xagee ayaad adigu ka heshay xogta ah in uu isku casaliy arimo ku xiran qaadacaada shirka Djibouti? In kasta oo aan qoraalka muuse ka dhadhansaday in aad tahay ina Hasan Abshir, oo laga yaabo in aad macluumaad hoose ka heli karto odayga, hadana anigu waxaan kuu lahadlayaa sifadaada muwaadin Puntish ah, waxanan ku xasuusinayaa in mudane Maxamed cabdi Xaashi iyo Mudane Abshir oo wada socda ay tageen Garoowe si ay ummada uga dhaadhacsiiyaan sababaha keenay in maamulka uu taageeradii kala noqdo shirka dib u heshiisiinta. Hadiiba se laga soo qaado in ay arintaasi sal u tahay is casilaada mudane Abshir, waxaan taa ka leeyahay: Runtii qaadacaada shirkasi waa qadiyad aad u shuqlisay ra'yal caamka reer puntland istaahishana in laga hadlo. Waa runtaa oo shirkasta oo latagaa way adagtahay in aan kala soo noqono natiijo na farxad galisa, taa macnaheeduna waxa weeye- ayaan u gartay-in aad leedahay aan u tanaasulno qaranimadeenii darteed, waa xaq, hayeshee tanaasulka aan sameeynay hadaanu nahay reer puntland cid sameeysay oo nala garatay ma haysaa? Hadaan taariikhda dib ugu noqono, bal xasuuso, sanadkii 1991kii oo ahayd waqtigii ugu daraa ee ay dadka ku abtirsada dagaanada Puntland ee ku noolaa caasimadii Soomaaliya oo qabiilka ay yihiin dartii dhiigooda loo xalaalaystay, dumarkoodana aad ogayd sidii loola dhaqmay, hantidoodiina la qaniimaystay sidii ay yihiin kufaar. Waqtigaa isaga ah xasuuso in odayaasha iyo siyaasiyiinta ugu magaca dheer Puntlan sida mudane Abdirizak Xaaji Xuseen, Mudane Maxamed Abshir Muuse, Mudane Maxamuud Yuusuf Muuro iyo rag kale oo tira badani ay dhex taagnaayeen kawaankii dhiigaaga ka qoyanaa, iyaga oo wax walba ka hormarinayay qaranimada. Anigu arintaa tanaasul baan u fahmay. Inkastoo diinteenu noo baneeynayso in wixii si xun no gala oo naga gardaran aan iska celino oo sidii ay noo galeen si le'eg aan u galno, hayeeshee ay diintu nooraacisay sabirka ayaa ka wanaagsan, xusuuso in aynaan waligeen ku tashan in aan qaadno talaabooyin aargoosiya in aan is difaacno mooyee, taa anigu uma arag baqdin iyo awood daro waxanse u fahmay tanaasul. Xusuuso in reer puntland ay sugayeen in qaranimadii dib loo soo cesho, 8 sano iyo dheeraad iyaga oo awooday in ay mar horeba is maamul samaystaan, ilaa ay ka daaleen, xasuuso in ayan marnaba ka maqnaan madal lagu gorfeeynayo dib u heshiisiinta Soomaaliyeed 10kii sano ee burburka. Haddii ninka geesiga ahi uu yahay kan nabada dhaliyaa sida qaamuuska luqaduhu qoro, ee uusan ahayn kan hadba reer xabad la korjoogsada, hadii nabad in la doonaa ay macnaheedu tahay in nabada laga raadsho kan kula dagaalsan, xasuuso in mudane A/laahi yuusuf uu Xamar ugu tagay Gen. Caydiikii geeriyooday, isago oo ka raadinaya nabad oo kaliya, taasna waxay iila muuqataa tanaasul kale. Xasuuso in aad ummadaa Soomaaliyeed gogol ugu fidisay Boosaaso 1998kii adoo raadinaya qaranimo kadibna laguugu jawaabay in Boosaaso tahay tuulo reer dago oo ayan soomaali lahayn, inkastoo sidaa lagugu sameeyayna aad u horseeday soomaalida hab practical ah oo ay isku nabadaynkaraan, taasoo ah habka loo yaqaan (ka biloow hoos oo kor u dhis) taasoo hadii ay macno samaynaso macneheedu yahay in ay soomaali kaa barto habka aad nabada ku gaartay, si ay ugu farxaan walaalahood talaabada wanaagsan ee ay qaadeen, ugu daydaan, dabadeedna u dhistaan maamulo la mida kaas aanu dhisanay. Ogoow in laguugu jawaabay in il cadawnimo lagugu eego had iyo goorna laga hadlo dhibkaaga intii laga hadli lahaa wanaaga aad horseeday. Taasna waa tanaasul kale. Hadaba M. Abshirooow, haddii aan Soomaalinomo darteed intaa oo wanaag iyo tanaasul ah aan u sameeyay, maxaa kale oo aan intaa ku daraa. Walaal Soomaalinamada waa la wadaagaa waana in la wada dhoowraa, kaligaa waa mustaxiil in aad dhowrto, taasna waayaha ayaa ka markhaatiya. Walaal M. Abshir waxaan jeclahay in aan ku waydiiyo, maxaynu u dhisanay maamulgobaleedka Puntland? Uma aynan dhisan ayaan qabaa sida dadka qaarkood ay moodaan in ay noo dhisaan dugsiyo, isbitaalo, ceelal, iwm.. taasi waa mid sida dasturka ku cad in ay bushadu iyada la timaado oo lahaanshaha gaarka ah ayuu nidaamdu taageerayaa. Sidoo kale dastuurka waxaa ku cad in maamulku uu ummadda Puntland mas'uul uga yahay arimaha khuseeya amaanka gudaha difaaca guud ee xuduudyada Puntland, baadigoobka iyo laxiriirka dhinacyada kale ee soomaaliya, iyo xiriirka arimaha dibada. Ku dar intaa in dastuurka laga ansaxiyay aqalka wakiilada ee Puntalnd oo ah kan masala shacbiwaynaha. Mar haddii arin sidaa yahay, waxan qabaa maamulka xaq dastuuri ah ayuu u leeyahay in uu isagu inoo matalo wax alla iyo wixii khuseeya dib u heshiisiinta Soomaaliya, isaga oo tixgalinaya rabitaanka shacabka. Mar haddii aynu niri wixii khuseeya horumarinta adeegyada bulshada shacabka ayaa iska leh, dhanka kalena aan niraahno dowladu waxba yaynan noo masalin shirka jabuuti ee raga uu Mudane Ismaaciil Cumar soo doortay hana matalaan, haddee aanu dawladana kala dirno, illaa waxay noogu fadhido ma jiraane. Arinta Kismaayo iyo dhulalka ayan joogin dadkii lahaa waa qadiyad kale. S. Amir, waxaan Kismaayo kaa iri, Shirkii Garoowe ee wada tashiga 1998kii, iyo kii ka danbeeyay ee lagu dhisay dawlad gobaleedka isla sannadkaas, labaduba waxay si cad u qeexeen in labada degaan ay isku xiranyihiin, dhibkii loo gaystaa midkoodna ay tahay macnuhu in kakalena loo gaystay. Runtii maamulka waxad moodaa in uu arintaa ka dhigay qalin warqad lagu qoray kaliya, waxaan jeclaan lahaa in arintaa sidii loo dhigay loo meel mariyo, intii aynu ka doodi lahayn yaa jabuuti aaday iyo yaanan aadayna aan maamulka iyo isimada kala hadalno arinta Kismaayo. Jubaland(jubada hose iyo dhexe), Shabeelaha Hoose, iyo Banaadirba waa degaano ayan joogin dadkii u dhashay. Sida aan ku aragnay qorshahana wuxuu qorayaa in wufuuda shirka jabuuti lagu soo xulayo hab degmo, taasoo macneheedu yahay in 92da degmo ee dalku ka koobnaa ay ka imanayaan degmadiiba 5 qof,(92x5). Banaadir oo ah 15 degmo, Jubooyinka oo ah illaa 7 degmo iyo shabeelada hoose oo ah 7 kale, isku darkuna uu gaarayo illaa 30 meeyo degmo(30x5). Ilaahay hortii wufuuda caynkaa ahi in ay go'aamiso aayaha soomaaliya ma idin la saxantahay? Go'aamada shirka waxaa lagu fulinayaa codbixin, 30 degmo oo lagu daray inta ay dadka aanu isqaniinsanahay xaqa u leeyihiin, makula tahay in wufuuda ka imanaysa aad codbixin wax uga qaadayso, hadaad saa qabto walaal hadaba codka iyaga usii dhiibo oo hanoo soo taliyaan. Arinta caasimadu iyadu way iska xalismaysaa haddii dadka shirka imanayaa yihiin wufuud si cadaalada ku timid, waayo halkii ay u codbixiyaan ayaa noqonaysa caasimada soomaaliya, oo kolayba ay tahay in nidaam gaar ah lagu dhaqi doono, waase haddii ajandaha laga hadlayo lagu soo daro, haddiise talo go'an laguu keeno sida in ay Muqdisho tahay caasimada muqadaska ah ee fadaraalka waxay ila tahay taa waa arin kale. Hadalka waxaan ku koobayaa sida uu u yiri A/rizak Muuse, dadka ayay tahay in ay aayahoda gartaan, ilaahayna wixii maslaxadu ku jirto ha solansiiyo aamiin. Aningu waan asiibi karaa waanan khaldami karaa, wixii khalada rabi ayaan ka cafiswaydiistay iyo ummadda ay arintu khuseeyso. Qofkii raba in uu arintaa ka doodana jawaabtiisa haku soo bandhigo pagkaan ama ha iisoo email gareeyo( ka eeg kor emailkayga)

Record 89
Name: Mohammed H. Abshir
Website: Abdrizak & Amir
Referred by: Just Surfed On In
From: United States
Time: 2000-04-11 17:44:50
Comments: Salama Aleykum. Brothers Abdirizak and Amir thanks for the good comments you made about this issue. Most of your concerns are valid and I agree with you guys 100%. But, the question is how do we get there?. We all now how long it took to put the Puntland government together (More than one year). Therefore, If we talk about a Somali government as a whole, it will take longer period of time to get something that makes all of us happy. The original plan which not many people saw was not fair but the new one seems to be reasonable start. It is posted here in this homepage. I did not say lets forget Kismayo and no one in Puntland supports that idea. We need to break this issue into two parts: 1. Should we attend the meeting? 2. Should we accept the outcome of the meeting?. The first one, based on the current plan, we have nothing to loose if we attend the meeting. Second one, lets participate the meeting and see the outcome. If it is not reasonable to us, we will reject it. No one can force us to go along with unfair results. Lets not prejudge something that has not happened yet. Whether the meeting is successful or not, Puntland system is here to stay for a long time to come. Therefore, It is not wise to limit ourselves or be selfish people while others are dying for starvation around us. There are many ways we can achieve our goals. We may have to give up a few in order to get the most out of the peace process. I hope all of us see the larger goal of achieving better Somali country. If the South is not peaceful, sooner or later Puntland and Somaliland will not be peaceful regions. It is going to spill over. We do not want to repeat history.

[Country]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:01 AM. Webmaster HomePage