- Title: [SW Country]( Garoowe- PL)SHURUUDAHA DAWLADDA
PUNTLAND AY KAGA QAYB-GALI KARTO SHIRKA JABUUTI
- From:[]
- Date :[18 April 2000]
Garoowe, Abriille 18, 2000
Go’aan Golaha
Wasiiradda ee Dawladda Puntland ee ku wajahan Waftiga Jamhuuriyadda Jabuuti ee haatan wada
hadalo la leh Isimmada iyo Madaxda Dawladda.
SHURUUDAHA
DAWLADDA PUNTLAND AY KAGA QAYB-GALI KARTO SHIRKA JABUUTI WAA KUWA SOO SOCDA
- Dawladda Puntland waxaa u dhisan maamul dastuuri ah oo ay dadweynuhu soo doorteen; Waxay
shir la gali kartaa oo keli ah Dawlad-goboleedyo ay dadweynuhu soo doorteen. Sidaas
darteed, inta aan la qaban Shir Qaran, waa in Gobollada Konfureed dhistaan Maamul
Goboleedyo ku dhisan hab diimoqoraadi ah.
- Dawladda Puntland Shirka Jabuuti kama qayb-galeyso hadii aan Dawladda Jabuuti aqoonsan
jiritaanka Maamul Gobolleedka Puntland.
- Axdiga Ku-Meel-Gaarka ah ee Dawlad Dhexe ee Soomaaliya diyaarintiisa, ka doodiddiisa iyo
ogalanshihiisaba waxaa iska leh ka qayb-galayaasha Shirweynaha Soomaaliyeed.
- Caasimadda Dawladda Dhexe ee Soomaaliya waxaa go’aankeeda leh dadweynaha
Soomaaliyeed.
- Dhismaha Dawlad Soomaaliyeed saamayan kuma yeelan karaan Dawlado ama hay’ado
shisheeye.
- Shir Dib u Heshiisiin surta gal ma’aha inta xoog lagu kala haysto degaanno.
- Qaabka ka qaybgalka Shirweynaha Qaran waxaa lagu salaynayaa 18 Gobol ama 5 Zone.
- Soo xulidda ka qayb galayaasha Shirweynaha waxaa loo soo marayaa Madaxda Dawladda
Puntland iyo Madax-dhaqameedyadeeda. Qof aan qaabkaas ku imaan oo aan maandhayd ka haysan
madaxda kor ku xusan Shirweynaha Qaran kama qaygali karo.
- Shirka Jabuuti waa in uu helaa mudo ku filan ka baaraandagiisa.
- Ugu dambayn, Sirka Jabuuti waxaan ka qaybgali karnaa marka la fuliyo dhamaan qodobada
kor ku qoran.
[Country] |