19 May 2007 04:13

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News](Beled Hawo) Shirkii Guud ee SNF oo la soo gabagabeeyay
  • From:[]
  • Date :[22 April  2000]

 

Shirkii Guud ee SNF oo la soo gabagabeeyay


Beled Hawo April 18 2000, War saxaafadeed uu soo saaray Ururka SNF ayaa wuxuu caddeeyay in la soo afjaray shirkii u socday ururka muddadii u dhexaysay 26kii Maarso iyo 17 April ee sanadkan, kaas oo uu guddoomiye ka ahaa Mudane Axmad Sheekh Buraale.

Warku wuxuu intaa ku deray in shirka ay fureen odayaasha beelaha ee ka kala socday Galguduud, Gedo iyo Kismaayo, dad aad u farabadan oo qiiraysanna ay ka soo qaybgaleen.
Waxaa halkaa warbixin ka jeedshay guddoomiyaha iyo guddiga fulinta ee qabanqaabinayay shirkaas waxayna carrabka ku dhufteen sida ay bulshada soomaaliyeed maanta heegan ugu tahay sidii loo dhamayn lahaa dagaalka sokeeye ee dalkooda burburshay.

Kadib markii la dhegaystay warbixinnadii guddiyga fulinta, guddiga madaxda beelaha iyo dhallinyarada, ayay si laabfuran figradaha isu dhaafsadeen kooxihii halkaa ku shirayay, waxayna soo jeedsheen barnaamish lagu fulinayo habkii loo soo afjari lahaa dagaalka sokeeye ee hadda dalka ka socda.

Guddoomiyaha shirka Mr. Buraale ayaa asagu ku tilmaamay go'aamadii shirkaas ka soo baxay ee ay soo jeedsheen guddiyadu in ay yihiin kuwo fulintoodu suurtagal tahay isla markaana waaqici ah dawgooduna yahay in ay xal u noqdaan dagaalka dabada dheeraaday ee dalka ka socda.

Wafdiyada shirkaa ka soo qaybgalay waxay dhammaan kooxaha hubaysan ugu yeereen in ay hubka iska dhigaan oo u soo jeestaan sidii loo dhisi lahaa mujtamac nabadaysan oo lagu dhawrayo dhammaan xuquuqda beelaha. [Si aad u akhrisato war saxaafadeedkii oo dhan iyo ajandihii nabadda ee SNF soo saartay soo saartay halkan riix]


[ News]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:01 AM. Webmaster HomePage