- Title: [SW Country](QARAN PRESS) Baare Gaar ah oo Qaramada Midoobay ka tirsan oo ku baaqay in
Maxkamad la soo taago Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliya.
- From:[]
- Date :[22 April 2000]
Baare Gaar ah oo Qaramada
Midoobay ka tirsan oo ku baaqay in Maxkamad la soo taago Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliya.
GENEVA, Jimce:
Baare gaar ah oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in maxkamad
lagu soo taago dambiyadii dagaalka iyo kuwii aadanaha ee ay galeen hogaamiye kooxeedyada
Soomaaliya.
Mss Muna Rashmawi oo warbixinadii xaqiiqo raadiska
ahaa ee ay ka diyaarisay Soomaaliya oo ay horey u booqatay u gudbisay guddiga xuquuqda
aadanaha Qaramada Midoobay u qaabilsan ayaa sheegtay in inta badan isdilka ka dhacaya
dalka yihiin dambiyo dagaal ee aysan ahayn kuwa siyaasad la xiriira.
Iyadoo magaalada Geneva shalay uga waramay idaacadda VOA barnaamijka
Day Break Africa ayey sheegtay inay soo ogaatay falal badan oo noqon kara
dambiyo dagaal iyo kuwo aadaminimo ay ka dhacaan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, sida
dil ka dhan ah nolosha dadka, weeraro lagu qaado dadweynaha iyo hantida, ku darista
maleeshiyooyinka carruur da’doodu ka hoosayso 16 sano jir, ku xadgudubka dadka laga
tirada badan yahay, amarka sharci daridda ah, barakicinta rayidka iyo u diidista ay
maxkamad u leeyihiin, kuwaasoo hoos imaanaya sharciyada mushtamaca caalamka.
Mss Rashmawi ayaa mas’uuliyiinta dalalka dibadda ka codsatay inay
qaadaan talaabooyin sharciga lagu horkeenayo kuwa lagu tuhunsan yahay inay dambiyadaasi ka
galeen Soomaaliya.
Mar ay ka hadlaysay nabadgelyada ka jirta gobollada dalka Soomaaliya
ayey sheegtay in gobollada waqooyi galbeed, iyo waqooyi bari ay maamulada ka jira horumar
ka sameeyeen nabadgelyada, halka gobollada Soomaaliya ay ka jiraan isdil.
Waxay sheegtay inaysan nabadi ka jiri Soomaaliya cadaalad la’aan,
iyadoo intaasi sii raacisay inay soo baxeen awoodo cusub, gaar ahaan bartamaha Soomaaliya
kuwaasi oo ah maxkamado taageero ka haysta maleeshiyooyinkooda iyo dhaqaale ay ka helaan
ganacsatada si ay tuugada uga sifeeyaan waddooyinka.
Waxay beesha caalamka ugu baaqday inay xil iska saarto difaaca dadka
rayidka ah ee jooga meelaha ay colaaduhu ka jiraan, waxayna intaasi raacisay sii wadista
hubeynta kooxaha kala gedisan ee Soomaaliyeed ee dagaalamaya ay ha kinayso kaalmada bini’aadaminada
siina dheeraynaynayso dagaalada iyo wixii soo raaca, sidaasi darteedna ay tahay inay
dhowraan dowladaha caalamku cuna qabatayntii hubka ee Qaramada Midoobay ku soo rogtay
Soomaaliya.
(QARAN PRESS)
[Country] |