- Title: [SW News](QARAN
PRESS) Suldaanka Beesha Gobolka Sanaag oo ka mid noqday Hogaamiyeyaasha Dhaqan ee Jabuuti
aaday.
- From:[]
- Date :[25 April 2000]
Suldaanka Beesha Gobolka Sanaag oo ka mid noqday
Hogaamiyeyaasha Dhaqan ee Jabuuti aaday
BOOSAASO, Talaado:
Suldaan Saciid Suldaan C/salaan, suldaanka beesha Warsengeli ee gobolka Sanaag ayaa ka mid
noqday hoggaamiye dhaqameedyada Soomaaliyeed ee ka qayb galaya shirka dib u heshiisiinta
Soomaaliyeed ee la filayo inuu Jabuuti ka furmo 2-da bisha foodda inagu soo haysa.
Suldaan Saciid oo dorraad ka dhoofay magaalada Boosaaso oo uu dhawaan soo gaaray ayaa ahaa
nin ay aad isugu dhow yihiin Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Madaxweynaha Jamhuuriyada la
baxday Somaliland.
Beesha Warsengeli ee uu madaxda u yahay Suldaanku ayaa degta gobolka Sanaag oo ay ku
loolamaan gacan ku hayntiisa labada maamul ee Somaliland iyo Puntland.
Weriyaha QARAN ee Boosaaso ka soo warama ayaa sheegay in kasoo weecashada Suldaan Saciid
ee dhin! aca Somaliland ay ahayd mid aad looga soo dhaweeyey Puntlan! d oo muran xagga
dhulka ah kala dhexeeyo Somaliland.
(QARAN PRESS)
[ News] |