19 May 2007 04:13

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News](QARAN PRESS) Suldaanka Beesha Gobolka Sanaag oo ka mid noqday Hogaamiyeyaasha Dhaqan ee Jabuuti aaday.
  • From:[]
  • Date :[25 April 2000]

 

Suldaanka Beesha Gobolka Sanaag oo ka mid noqday Hogaamiyeyaasha Dhaqan ee Jabuuti aaday


BOOSAASO, Talaado:
Suldaan Saciid Suldaan C/salaan, suldaanka beesha Warsengeli ee gobolka Sanaag ayaa ka mid noqday hoggaamiye dhaqameedyada Soomaaliyeed ee ka qayb galaya shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee la filayo inuu Jabuuti ka furmo 2-da bisha foodda inagu soo haysa.
Suldaan Saciid oo dorraad ka dhoofay magaalada Boosaaso oo uu dhawaan soo gaaray ayaa ahaa nin ay aad isugu dhow yihiin Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Madaxweynaha Jamhuuriyada la baxday Somaliland.
Beesha Warsengeli ee uu madaxda u yahay Suldaanku ayaa degta gobolka Sanaag oo ay ku loolamaan gacan ku hayntiisa labada maamul ee Somaliland iyo Puntland.
Weriyaha QARAN ee Boosaaso ka soo warama ayaa sheegay in kasoo weecashada Suldaan Saciid ee dhin! aca Somaliland ay ahayd mid aad looga soo dhaweeyey Puntlan! d oo muran xagga dhulka ah kala dhexeeyo Somaliland.


(QARAN PRESS)


[ News]

Copyright 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:01 AM. Webmaster HomePage