- Title: [SW News] (KAAHA BARI BOOSAASO)
MARKAB LAGA LEEYAHAY DALKA SPAIN OO CIIDAMADA BADDA EE P/L SOO QABTEEN
- From:[]
- Date :[27 April 2000]
MARKAB LAGA LEEYAHAY DALKA SPAIN OO
CIIDAMADA BADDA EE P/L SOO QABTEEN
21 APRIL 2000 KAAHA
BARI SANNADKA 9aad CADADKA 471
War saxaafadeed ka soo baxay xarunta ciidamada badda ee p/land ee Boosaaso, 19/4/2000,
ayey ku sheegeen in ay gacanta ku dhigeen 16/4/2000, markab Spain ay leedahay oo si
sharci darro ah, uga kalluumaysanayey biyaha p/land.
Markabkaas oo la yiraahdo, Al-Bacora Quatro, oo ay saaran yihiin, 24 badmaax, wuxuu sidaa
400 tonnes, oo kalluun ah, oo isugu jira laba nooc oo kala ah Skipjack, iyo Tuna.
Markabku wuxuu watay ruqsad aan sharci ahayn oo ay u kala saxiixeen, shirkado
aan awood sharci lahayn in ay ka baxshaan biyaha p/land, fasax oggolaansho kalluumaysi oo
kala sheegtay magacyada AF?MET, SAMICO, iyada oo uu u saxiixay, ruqsaddaas
Xuseen Cali Axmed, taas oo dhaqan geleysa muddada u dhexeysa 15-6-98 ilaa 15-6-99,
iyo ruqsad kale oo uu saxiixay C/qaadir Xirsi Ismaaciil, oo sheegta in uu yahay Qunsulka
Guud ee soomaaliya u fadhiya Imaaraadka Carabta, taas oo dhaqan galkeedu yahay
muddo sannad ah, 16/2/200 ilaa 15/2/2001.
Waxayna ku soo gunaanadeen, shir saxaafadeedkooda haddii aanay la soo xiriirin muddo 72
saac gudahood ah in markabkana gacan loo gelin doono mas’uuliyiinta madaniga ah.
NB. SAMICO xarunteedu waxay ku taal Sharjah oo ah imaaraadka Carabta.
AFMET xarunteedu waxay ku taal magaalada London ee dalka Ingiriiska.
[ News] |