- Title: [SW Country] (KAAHA BARI -BOSAASO) MUQDISHO WAXA AY NOQONAYSAA MEEL CAALAMKU KA
DAAWADO SIDA BINI’AADAMKU WAX U BUR-BURIYO.
- From:[]
- Date :[27 April 2000]
MUQDISHO WAXA AY
NOQONAYSAA MEEL CAALAMKU KA DAAWADO
SIDA
BINI’AADAMKU WAX U BUR-BURIYO.
21 APRIL 2000 KAAHA
BARI SANNADKA 9aad CADADKA 471
Aragtida yaabka leh ee aan kala kulmay Muqdisho, waxa ay noqotay mid raad ku
yeelatay dareenkaygii, waxaana is-beddelay fikraddii aan hore uga haystay ee ahayd in
bur-burka ka dhacay halkaas ay wuxuun ka hareen ku saabsan astaantii dawlad nimadii
soomaliya ee in ku dhow nus qarniga la dhisayey.
Suuqa xamarweyne ee dahabka lagu gadi jiray waxa uu isu beddelay garoon kubadda ay ku
ciyaaran ciyaalku, halka aad ka baqaysid in aad isaga hortimaadaan waraabayaal jidkii
Shabeelle iyo taalladii Xaawo Taako oo dhirta ka baxday ay ka dhigtay kaymo jiq ah oo
cidla ah.
Goobihii taariikhiga ahaa iyo dhismayaashii xudunta u ahaa ilbaxnimadii iyo
dawladnimadii somali-ya, waxaa bur-buriyey oo la tegey madaafiicdii iyo hoobi-yayaashii ay
is la dhacayeen qabiilooyinkii ku diririyey halkaa, iyada oo wixii muqaal ahaan ka haray
aadan garanayn in laguu sheego mooyee.
Meesha loogu yeero khadka cagaaran oo u kala qaybisa xamar qabaa’ilka waaweyn
ayaad ku arkeysaa yaabka ugu badan marka aad istaagto, Bangiyadii, Hoteeladii iyo daarihii
dhaadheeraa ee muqdisho beri ugu faani jirtay caasimadaha kale, waxaa ka haray tiirar
haawanaya oo hooy iyo dhufays ba u ah burcadda hubaysan ee wax disha
waxna dhacda, iyada oo maanta xamar cashar laga barto u noqonaysa caalamka Sid aaddanuhu
wax u bur-buriyo.
Xarumihii caafimaadka marka laga reebo cisbitaal Martiini oo ay ku jiraan dad naafo ah
mooye intii kale waa la bur buriyey oo ma jiraan wax ka dhaqani.
Nadaafad xumada jirta darteed waxa ay sababtay, in cudurka daacuunku uu ku negaado
halkaa, oo maalin kasta ay 5 qof ugu dhimato, iyada oo qashinka waddooyinka qaarkeed
buuxiyey uu noqday buuro laaleeg bacaad yada xamar jajab, kaas oo wax guraya aanay
jirin.
Inkasta oo uu ka jiro ganacsi ballaaran oo xawli ku socda, Sida ka muuqata suuqa
ganacsi ee Bakaaraha oo la oran karo waa kan ugu wayn Soomaliya, haddana dadka intooda
badani waa sabool cayr ah, oo la legdamaya nolol maal meedkooda, waxaadna meelaha qaarkoo
ku arkaya dad nafaqa darro hayso, taasina waxay in tusinaysaa Sida muqdisho nolosha
ugu kala tagtay.
Kooxaha ugu dhaq-dhaqaaqa rooni hadda waa maxkamadaha Isla-amiga ah oo shacabka
tixgelinta iyo kalsoonida kaga helay hawlaha nabadgelyo ee ay qabtaan iyo ganacsato
macaashta malaayin shillin oo abuurtay maleeshiyoo-yin hubaysan oo danahooda u ilaasha,
kaddib markii ay meesha ka baxday awooddii hoggaamiya-yaasha siyaasadeed ee muqdisho oo
runtii maanta la oran karo, waa ilko beeleen.
Waxaana fur-furaanta jawiga qayb weyn ka qaata Idaacadaha iyo Telefishanada dadka
gaarka ahi leeyihiin oo mudooyinkan dambe xamar ku soo badanaya, kuwaas oo dadka u gudbiya
doodo furan oo aan lagu kala gabban, lagagana hadlayo arrimo dhinacyo badan leh, taasina
waxay nafis siisay in badan oo bulshada ka mid ahayd oo duruufihii jiray ay u saamixi
waayeen in ay afkaartooda muujiyaan.
Adeegyada waxbarash-ada in kasta oo ayan jirin waxbarasho baahsan oo dadku wadahelo,
haddana waxaa jira dugsiyo gaar ah oo ururro samafal oo waddani ah iyo shakhsiyaad
ay maamulaan.
Dhinacayada korontada iyo biyaha kama dambayn dawladdii soomaliya in kasta oo ay jiraan
dad gaar ah oo haysta matooro waaweyn oo ka ganacsada dabkooda kuwaas oo
xaafadaha iyo meelaha ganacsi guluubyo kaga lacag qaata, haddana guud ahaan magaaladu waa
goob mugdi ah.
Waxaa inta badan la hadal hayaa shirka jabuuti, oo bulshadu taageer santahay,
halka ay qab-qablayaasha intooda badani ka biya diidsan yihiin, iyada oo la doonayey in la
qabto inta aan la gaarin shirka Jabuuti, shirweyne Hawiye si meesha looga saaro, khilaafka
iyo kala qayb sanaanta fog ee ku kala dhex jirta beelaha, laakiin arrintaasi ma suura
gelin oo farqiqa u dhexeeya iyo is-aamin ala’aanta iyo kala shakiga jira ayaa
curyaaminaya.
[Country] |