19 May 2007 04:14

SOMALIA WATCH

 
SW News
  • Title: [SW News] (QARAN) Wafdi ka socda Bankiga Aduunka oo booqday Dhulka Xukuumad Goboleedka Puntland
  • From:[]
  • Date :[28 April 2000]

 

Wafdi ka socda Bankiga Aduunka oo booqday Dhulka Xukuumad Goboleedka Puntland.

BOOSAASO, Jimce:

Wafdi ka kooban saddex xubnood oo ka socday Bankiga Aduunka ayaa khamiistii ka ambabaxay Magaalada Boosaaso, ka dib muddo todobaad ku dhow oo ay joogeen Gobolada Puntland.

Wafdigan oo ay la socdeen xubno ka tirsan ururrada Lanqayrta Cas ee Adduunka, ICRC iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed ayaa ujeedada booqashooda ku macneeyey u kuurgal ay ku samaynayeen ilaha dhaqaale iyo arrimaha bulshada ee gobollada xukuumad goboleedka Puntland.

Wafdiga bankiga adduunka oo kulamo la yeeshay madaxda dowlad goboleedka iyo guddoomiyeyaasha gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug ayaa ballanqaaday inay fulin doonaan mashaariic ku saabsan biyaha oo ay u soo marsiin doonaan hay’adda ICRC, gaar ahaan dhulka daaqsinta ah ee xoolaha iyo dadka reer guuraaga ah.

Waxay soo kormeereen dekedaha, garoomada diyaaradaha, isbitaalada iyo ceelasha biyaha ee gobollada.

(QARAN PRSSS)


[ News]

Copyright © 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:02 AM. Webmaster HomePage