19 May 2007 04:22

SOMALIA WATCH

 
Country
  • Title: [SW Country] WP73
  • Posted by/on:[AAJ][27 Dec 2000]

Warsidaha Puntland

Tirsi 73

Garoowe – Khamiis 21 December 2000



T U S M A D A

  •   MADAXWEYNAHA PUNTLAND:- DADKA REER PUNTLAND WAA U XOR HADALKOODA, QORAALKOODA IYO SHRARKOODA BOGGA 2AAD

  • MADAXWEYNAHA DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND OO XIRAY KALFADHIGII 4AAD EE GOLAHA WAKIIADA BOGGA 3AAD

  •  GOLAHA WAKIILADA PUNTLAND OO SOO SAARAY BAAQ BOGGA 3AAD 

  •  HOWL FULINTA GUDDIYADA GOBOLLADA BOGGA 3AAD

  •  GUDDIGA SARE EE GOBOLKA WAXAANU LEENAHAY WADASHAQAYN WACAN (G/GOBOLKA NUGAAL BOGGA 5AAD

  • FAQIIHA OO KA HADLAY SALAADA CIIDA IYO SAKADA FIDRIGA BOGGA 5AAD

  • BAYAAN DHALLIYARADA GOBOLKA MUDUG BOGGA 6AAD

  • XUKUN QABIIL IYO XUKUN DAWLADEED MA WADA SOCON KARAAN BOGGA 7AAD

  • XUKUUMADO CARBEED OO KURAASTEED GARIIRAYSO BOGGA 7AAD

  •  KOOBKA RAMADAANKA KOOBKA NABADA BOGGA 8AAD 

  •  IIDHEH, OGAYSIIS IYO WARGELIN BOGGA 8AAD


MADAXWEYNAHA PUNTLAND OO U WARAMAY RAADIYOW GAALKACAYO, IDAACAD IYO T.V MAREYKAN AH...

 

Wareysi ay la yeesheen Idaacada iyo tiifiiga Dalka Mareykanka (Radio International T.V) iyo Idaacad ku taal dalka Mareykanka oo af-soomaali ku hadasha iyo Raadiyow Gaalkacayo, waxaana wax laga weydiiyey Arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin su’aalahaan soo socda:- 

Su’aal:- Mudadii aad dalka ka maq-nayd maxaa iska badalay?  

Madaxweynaha:- Bismilaahi Rax-maani rixiim walaal anigu muddo yar baan maqnaa oo dhowr iyo labaatan cesho ah waxaa gaaray London, baaritaan caafimaad baan u tagay caafimaadkayguna waa uu wan-aagsan yahay mudadaasuna Puntland wax shido ahi oo ka dhacday majirto, waana xasiloon tahay, maamulkeedu waa ay wada shaqaynayaan. 

Su’aal:- Waxaa jira dhowaan shir Garoowe lagu qabtay oo ay dadkii taageersanaayeen dawladda ku meel gaarka ahi oo Carta lagu soo dhisay maxaa ka jira? 

Madaxweynaha:- ka warqabkay shir Puntland liddi ku ah laguma qaban halkan, dadkuna haddee xorweeye, waad ogtahay dadka carabkiisa iyo qoraalkiisa xorweeye oo wadankani mid dimoqraadiyadi ka jirto weeye, qofkii aan wax duminayn ama sharciga ku xad gudbayn ama aan dhibaato samaynayn haddee xor-weeye, haddii shir la qabtayna wuxuu u baahan yahay in waxa laga had-layaa ay xun yihiin ama wanaagsan yihiin,  kolay haddii shir la qabtayna anigu ma joogin wax dhibaata ah ama shido ah ma jirin, haddana wax dhib-aato ahi ma jiraan. 

Su’aal:- Waxaa nagu maqaalo ah inaad kulamo toos ah iyo kuwo dadbanba aad la yeelatay mas’-uuliyiin ka socota dawladda ku meel gaarka ah ee Carta dhawaan lagu soo dhisay, arintaasi ma jirtaa marka hore? 

Madaxweynaha:- Assal wax ka jiraa ma jiraan; lama kulmin, Isma arag, Dawlad ahaan uma aqoonsani, iyagu Dawlad Goboleed inaan ahay nooma aqoonsana wax xiriir ah oo naga dhaxeeya lama arko. 

Su’aal:- Maxaa hortaagan oo aad wax hormara u samayn la’ dihiin ama aad isagu imaan la’ dihiin maadaama idinku aad doonaysaan Soomaali-nimo iyaguna ay doonayaan, maxaa arintaa hortaagan? 

Madaxweynaha:- Anagu waxaan ka mid nahay Soomaalida aan ka qaybgelin shirkii Carta, aan ogayn aan Ergooyin u dirsan, Ergo haddii la dirayo waa in ay haysataa kalsooni dadweyne, waa in mandate la siiyaa, ma aanan dirsan wixii hadde meesh-aas ka soo baxay waxaan shaqo ku leenahay ma aha, anagu dawlad uma naqaanee koox cusub baanu u naq-aanaa kol haddii ay iyagu leeyihiin Dawladdii qarankaanu nahay ana-guna aanan u aqoonsanayn, iyaguna ayan na aqoonsanayn, haddee si loo wada hadlaa wax sahlan ma aha, anagu Soomaalidaas aanan ka qaybgelin meeshaas aanan raaliga ka ahayn wixii ka soo baxay baanu ka mid nahay, intaas haddii laysugu keeno oo laga wada hadlayo iyadoo laysu keenayo oo laga wada hadlayo wixii Soomaali danaheeda ah iyadoo aan loo aqoonsanayn in kooxda Carta ay dowlada qaranka yihiin, Puntlandna waxay rabtaa inay hormood ka noqoto Soomaali-nimada iyo soo celinta qaranimadii  Soomaaliyeed, haday yiraahdaan qarankii iyo dawladdii anagaa ah ee anagu soo daba fayla taa anagu yeeli mayno. 

Su’aal:- Dhawaan waxaa tagay Tiribuli kooxo kala duwan oo kuwii ugu dambeeyey ay ka mid ahaayeen Shaati-Gaduud iyo Xuseen Caydiid iyo Cusmaan Caato iyo C/qaasim oo isagu horay u tagay malagayaabaa adigu in aad tagto halkaa? 

Madaxweynaha:- Aniga haday Soomaaliya meesha isugu tagayso oo dan soomaaliyeed laga hadlaayo, dabcan aniga kaliya tegimaayee Wafti ka tirsan Puntland baa tagaya, dad xilkas ah baatagaya, dad xisaab-tami karaya baa tagaya, Soomaali-nimo inaan anagu dadka ugu horayno ma  ahee ma diidanin, Soomaalida Carta diidan iyo qoladii Carta dham-maan in laysugu yeero oo aan cidna laga tegin waayo, waxaa iska ilaali-naynaa in shirka loo kala maqnaado, hadhow shiddaa ka imaanaysa, oo hadde ciddii laga tegay oo haddee hubkiina haysata oo nadaam darana ka jirto wadanka hadhow yeeli may-aan waxayan iyagu wax ka ogeen, marka waxaan jecel nahay inaan cidna laga tegin, oo dadkii oo idil loo yeeraa waxaa taa ahayn oo shuruud ah oo aan ku xiraynaa ma jiraan, hayeeshee haddii la isu yimaado oo wadahadal la galo dee wada hadalku wuxuu ku imaanayaa, yaa dawlad ah, yaan ahayn yaa mas’uul ah, maxaa soomaali dhaqan u ah, Soomaali dhaqan keeda wixii ku saabsan hor-mood in aanu ka noqono maahee dib uga dhici mayno, waanu yeelaynaa, si aan ku tagno shardiga kaliya oo jiraa wuxuu yahay wixii Soomaali ah oo siyaasada ku jiraa ama Dawlad Gobo-leed ah ama jabhad iwm oo haddee la yaqaan oo jira oo hadana hubaysan oo awood leh kuli in laysugu yeero oo meel la isugu keeno haddii sidaa la yeelo oo xal Soomaaliyeed la gaari karana anagu ma diidanin, wixii Soomaali danteeda ah ma ahee anagu wax kale ka shaqayn mayno, waxaa-nu doonaynaa in Puntland Dawlad Goboleedku u dhisan tahay, Daw-lad dhexe oo faderaal ah oo Soomaali ka dhaxaysana in la dhisaa, awoodana in laoo qaybiyaa Dawlad Goboleed-yada iyo Dawladda dhexe oo faderaa-lka ah, meelaha ama Gobolada ayan Dawlad Goboleed ka dhisnayna, Gobolada dhexe iyo koonfur weeye iyo koonfur galbeed weeyee iyagana in Dawlad Goboleedyo loo dhisaa, Dawladaa dhexe marka la dhisayana in la isala aqbalo qaabka faderaalka ah  hirgelintiisana haddeer lagu talaa-bsado dabadeedtana sidaa nabad iyo lagu gaaro xasilooni,  markaana dib loogu soo jeedsado sidii qarankii bur buray dib u dhis loogu samayn lahaa, sidii hore loogu marin lahaa, sidii Soomaali laysugu keeni lahaa loo midayn lahaa oo loo walaalayn lahaa.

 

 

MADAXWEYNAHA DGPL OO XIRAY KALFADHIGII 4AAD EE GOLAHA WAKIILADA

 

Kalfadhigii Baarlamaanka oo socday mudadii u dhexeysay 31/10/00 – 14/12/00 ayaa Subaxnimadii Khamiista ee isla taariikhdaas soo gebogeboobay 

Xiritaankii kalfadhigaas oo ay ka soo qayb galeen Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf Axmed iyo Madaxweyne ku xigeenka Md. Max’ed Cabdi Xaashi Wasiirro iyo Wasiir Ku xigeenno- Agaasimayaal Guud iyo Kuwo Waaxeed, Qaar ka mid ah ururada Bulshada, iyo Marti sharaf kale ayaa waxaa Khudbaddii uu ugu talo galay Xiritaankii kalfadhigaas   ka jeediyay Madaxweynaha DGPL Md. Claahi Yuusuf Axmed. 

Intii aannu Madaxweynuhu halkaas ka hadlin waxaa hadal kooban oo ku saabsan wax-qabadkii kalfadhiga afaraad ee Golaha ka jeediyay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Baarlamaanka ahna Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Md. Max’ed Axmed Kulan. 

Md. Kulan oo ka hadlayey wax-qabadka Kalfadhiga 4aad  ayaa sheegay in Goluhu uu ansixiyay Miisaaniyadii sanadka soo socda ee 2001da, Mashruuca Dastuurka la hor keenay Mudanayaashuna ay ku darsadeen  fikradohoodii, sidoo kale in ay ansixiyeen labada hay’adood ee Jidadka iyo Gegooyinka NESHA iyo Tamarta, biyaha iyo macdanta PSAWEN, iyo in Goluhu soo saaray go’aan ay ku toosinayeen Xukuumadda ka dib markii ay ka dareemeen habacsani. 

Waxaa kale oo uu Md. Kulan sheegay in ay soo saareen baaq Caalami ah kaas oo laga akhriyay halkaas, waxaana uu ku booriyay Mudanayaashii uu fadhigu u xirmayey in ay hawlo ka qabtaan Gobolada ay ku kala noqonayaan, wuxuuna uga digay in ay ka dhiifoonaadaan Kooxaha Carta oo baarlamaan ku sheegooda laga yaabo in ay iyaguna yimaadaan Goboladan, Dawladdana wuxuu ka codsaday in ay gacan siiso. 

Madaxweynaha DGPL Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo isna ka hadlay baa ugu horreyntii uga mahadceliyay sida ay Mudanayaashu u guteen hawlahooda, waxaana uu ka cududaartay heshiisyadii Shirkadaha kalluumaysiga oo ka dib dhacay balse uu sheegay inuu iminka gacanta ku hayo oo la horkeeni doono Guddiga Joogtada ah ee Golaha, wuxuuna ka oggolaaday codsigii Guddoomiye ku xigeenka oo ahaa in Xukuumaddu ay gacan ku siiso Hawlaha Golaha. 

Madaxweynuhu wuxuu warbixin dheer ka bixiyay Siyaasadda Guud ee Dalka iyo midda gaar ahaaneed ee Puntland, waxaana uu si aad ah uga digay siyaasadaha Kooxaha Carta ay degayaan si ay carqalad uga abuuraan deegaamadeenna waxaana uu ku guubaabiyay mudanayaasha iyo intii ka soo qayb gashayba inay ka digtoonaadaan. 

Madaxweynuhu wuxuu kale oo ka hadlay Puntland heerka ay ka taagan tahay dib u heshiisiinta Soomaaliya, taasoo uu yiri haddii ay shir ay ka soo wada qayb galaan Carta iyo Dhammaan kooxaha ka soo horjeeda isugu yimaadaan laguna heshiiyo Dawlad federaal ah inay Puntland oggoshahay, waxaana kale oo uu sheegay in dhawr jeer ay Dawlado badani isku dayeen in ay isa soo hor fariisiyaan isaga iyo C/qaasim laakiin uu diiday, taasoo uu ku tilmaamay inuu isagoo aan lala ogeyn uu hor fariisto ay noqonayso Khiyaano.

 

BAAQ KA SOO BAXAY GOLAHA WAKIILADA PUNTLAND

 

Golaha wakiilada Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya oo kal-fadhigii 4aad uga socdo magaallo Madaxda Garoowe wuxuu soo saaray baaqaan. 

Ka dib markuu Goluhu dood iyo falanqayn ku sameeyey guud ahaan xaaladda Soomaaliya ee wakhtigaan iyo Shirkii lagu qabtay magaalada Carta ee Dalka Jabbuuti oo Goluhu u arko shir aan Soomaalidu u dhamayn kana tarjumayn danah iyo rabitaanka shacaka Soomaaliyeed, waxaan u aragnaa natiijada ka soo baxday mid lid ku ah nabadda iyo  xasiloonida Dalka oo keeni karta dagaalo iyo dhiig cusub oo soomaaliya ku daata. 

Haddaba, waxaanu ka codsanaynaa beesha caalamka iyo dhammaan Ururada Caalamiga ah, kuwa Dawliga iyo kuwa Goboleedka sida UN, OAU, EU, IGAD, OIC, Arab Leangue, World Bank, African Development Bank, Islamic Development Bank iwm inay tixgeliyaan arrimaha hoos ku qoran:-

 1.          Waa in ay joojiyaan Dawladaha Carbeed qaarkood iyo Ururada Xagjirka ah taageerada dhaqaale iyo qalabka ciidan ee ay siinayaan kooxda Carta ee Muqdisho taasoo khatar ku ah nabaddda Soomaaliya iyo xasiloonida guud ee geeska Afrika.

 2.          Waa in beesha Caalamka guud ahaan tixgeliyaan qaraarkii Golaha Ammaanka ee Soomaaliya uu kaga xakamaynayey hubka. 

3.          Aduun-weynaha waxaan u sheegaynaa inuu si gaar ah mas’uul uga yahay Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xukuumaddiisa dhib kasta oo ay sababto kooxda Carta isku soo magacawday. 

4.          Waa in Maamullada Deegaanada iyo dhammaan kooxa ka soo horjeeda kooxda Carta ay tala midaysan ka yeeshaan sidii loo gaari lahaa midnimo qaran oo loo dhan yahay. 

5.         Waa in shacabka reer Puntland gude iyo dibadba ay ka foojignaadaan dhibaatada iyo khiyaamooyinka siyaasadeed oo ay maleegayaan kooxda Carta, taasoo ciribta ku haysa xasiloonidaro guud oo ku timaadda geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya. 

6.         Aduun-weynaha waxaan ka codsanaynaa inaan la bixin hantida ku kaydsan Dawladaha aduunka kana dhaxaysa Soomaaliya inta la helayo Dawlad Qaran oo loo dhan yahay ee Soomaaliyeed. 

7.         Waxaan caalamka u sheegayna in BBC-da Laanteeda afka soomaaliga ayan dhexdhexaad ka ahayn arrimaha Soomaaliya, ayna buunbuuniso danaha kooxda Carta. 

8.         Waxaan ummadda Soomaaliyeed iyo beesha Caalamka ee nabaddaa daneeya uga baaqaynaa in la qabto shirweyne dib-u-heshiisiin Soomaali-yeed oo loo dhan yahay, laguna qabto Dalka gudihiisa ama dawladaha shacabka Soomaaliyeed ku kalsoonyihiin.

 

 

Wabillaahi Towfiiq

 

Maxamed Axmed Kulan

K/S. Guddoomiyaha Golaha Wakiilada 

HAWL FULINTA GUDDIYADA GOBOLLADA

 

1)      Gobolka Bari Hawlihiisu waa Caadi:- 

17/12/2000 21/Ram. 1421 PUNA Garoowe. 

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka, ahna Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Siyaasada, Nabadgelyada iyo Dhaqaalaha Gobolka Bari mudane Cabdi Cabdulle Siciid oo saakay xafiiskiisa ugu waramayay wariye ka socda Warsidaha Puntland ayaa u shegay in arrimaha Gobolka Bari ay ku suganyihiin xaalad caadi ah, xagga siyaasadda, nabadgelyada iyo xagga hawlfulinta mas’uuliyiinta Gobolka intaba.... Wasiirku wuxuu sheegay wixii dhibaatooyin ah oo Gobolka ka jiraa waa dhibaatooyinka caadiga ah..... marka laga reebo dhibaatada dadka la tahriibiyo oo ah arrin aad u xun mas’uuliyiinta Gobolkuna aad ula dagaalamaan, laakiin wali aan la soo afjarin.... Wasiirka mar la waydiiyey Tahriibinta dhuxusha wuxuu sheegay in weli la tahriibiyo dhuxusha iyo duurjoogta in kastoo aad loo ilaaliyo..... wuxuu Wasiirku sheegay in ay jiraan meelo badan oo xeebaha ah oo tahriibintaas laga sameyn karo....

Wasiirku wuxuu sheegay in Guddiga intiisii kale Gobolka ku maqan tahay, isaguna hawl u yimid dhawaanna ku laabanddoono Gobolka.... 

 

2)     Deegaanka Buuhoodle Qarax ayuu ku dhowyahay:- 

16/12/2000 20 Rama 1421 PUNA Garoowe. 

Deegaanka Buuhoodle, waxaa si buuxda uga hawlgala Guddiga Siyaasada, nabadgeliyada iyo dhaqaalaha ee Deegaanka Buuhoodle, Wasiir ku xigeenka Arrimha Gudaha Mudane Axmed Aadan Carab iyo xubno Golaha Wakiilada oo deegaanka Buuhoodle ka tirsan (Cabdi Jibriil Dhegaweyne, iyo Jaamac Xasan Kaarshe iyo Yaasiin X. Diiriye).... Wasiir ku xigeenka iyo xildhibaannadu waxay shirar kala duwan la yeesheen qaybaha kala ee bulshada ee deegaanka sida Issimmada, Odoyaasha, Indheer garadka, Haweenka, iyo Maamulka.... Ciidamada waxay la yeesheen 7 shir oo isdaba joog ah... Hawlaha Deegaanka waxaa si dadaal ah uga hawlgalay Garad C/laahi Garaad Soofe iyo Boqor C/laahi Axmed.

In kastoo oo deegaanka aad looga hawlgalay, haddana Buuhoodle qarax ayuu ku dhawyahay.... wararku waxay sheegayaan in 4 (Afar) ciidan qabiil oo hubaysani hareeraha ka fadhiyaan Buuhoodle isna eeganayaan, qaraxuna daqiiqadkasta dhicikaro....

 

3)    Hawlgal Miisaan weyn ayaa ka socda Las-canod.

 

15/12/2000  19 Rama. 1421

Raadiyow Las-canood. 

Raadiyow Las-canod ayaa maanta baahiyey in shir ballaaran oo reer las-canod aad ugu soo bexeen shalay lagu qabtay Darayda Geed-qarsi.... shirkaas waxaa abaabulay, sida la soo sheegay Guddiga Sare ee Siyaasadda, Nabadgelyada iyo Dhaqaalaha Gobolka Sool ee uu hoggaaminayo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Axmed Cabdi Xaabsade.... Shirkaas waxaa ka hadlay Wasiirka, Issimo, Cuqaal, Odayaal iyo Waxgarad kale.... waxaana shirkaasi ballaarani go’aamiyay in deg-deg loo fuliyo arrimaha soo socda:- 

1.      Midaynta Siyaasadda dadka Reer Sool. 

2.      Sugidda amniga Gobolka. 

3.     Cashuur qaadka oo Gobolka deg-deg looga hirgeliyo... 

4.      Maamul tayo fiican oo Gobolka loo dhiso..... 

5.      Ciidamada Gobolka oo dib-u-habayn laga sameeyo... 

Shirkaas waxaa isna goob joog ka ahaa Wakiil ka socda Warsidaha Puntland.

  

WAREYSI LALA YEESHAY

GUDDOOMIYAHA GOBOLKA NUGAAL

 

Weriye ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta Faarax K.K ayaa Maalinimadii Axadda ku booqday

Xafiiskiisa Guddoomiyaha Gobolka Nugaal Md. C/laahi Xassan Faarax (Baasaweyne) wuxuuna wax ka weydiiyay Arrimo Dhawr ah, Waraysigiina wuxuu u dhacay sidan. 

Su’aal:- Muddadii Koobnayd oo aad ku magacawnayd Guddoomiyaha Gobolka Nugaal maxaad Qabatay?  

Baasaweyne:- Bismillahi Raxmaani Raxiim, Gobolka Xilkiisa waxaan la wareegay 7dii July sannadkaan 2000, Muddadaas aan sahaqaynayey waxaan isku daynay hawlo badan, waxaana nagu wajahnaa shirkii Jabuuti ee ka Socday Carta, kaas oo dadka qaarkii ay u Ololaynayeen, waxaana u sheegnay dadkayaga oo ku wacyigelinay in aan Jabuuti dan ummad Soomaaliyeed iyo teennaaba ayab ka Socon, Sidaa awgeedna bal marka hore innaga Maamulkeenna iyo ummaddeenna iyo deegaamadeenna iyo dhalashadeenna iyo jiritaankeenna ku dadaallo sidaynu u xasilin lahayn nabadgelyadeenna iyo wax-qabadkeenna. 

Muddadaas shirar badan oo leh dadweynaha, Odayaasha, Waxgaradka, Ganacsatada, Haweenka, Dhallinyarada, Shaqaalaha, Ardayda, shirarkaas ayaan u qabannay, waxaanu ku wacyigelinnay in danta ummaddeenna aan ka hadallo, Ummaddenna markaan leeyahay waa deegaan, dadkii deegaan-deegaan baa la kala noqday, waa la kala soocmay, sidaad ogsoontahay hadda waxyaabahaasaa dadkayagii ku wacyi gelinay, badidiisuna waa qaateen, Adigu hadde Soonaali waa taqaan ninba meel buu iska jecel yahay, xukuumadna , sideedaba waa iska jiraan kuwo hoos ka laadaya, ama mucaarado yar-yar, laakiin wax weyn oo dhibaato kama ayan dhicin Gobolka, kamana ayan jirin wax hadda la tilmaami karo oo hadda shaabad ku dhaggan tahay Gobolka, inahaas ayaan wax ka qabannay Nabadgelyada Gobolka aad bay u fiican tahay. 

Su’aal:- Intaas waxaan u gartay hawshii aad Kooxdii Carta taageersanayd kaga hor tagteen, Maxaad kale oo Hawlaha kale ee Gobolka oo intaas ka ballaaran aad ka qabateen? 

Baasaweyne:- Waxaan wax ka qabannay xagga Nabadgelyada, waxaan ku dadaalnay Nabadgelyada inaan xassilinno, inaan isku dhac dadka Gudihiisa ayan imaan, Tuugadii ayaan wax ka qabannay waxaanu wax ka qabannay dhul boobkii, walow hadda ay iska jiraan Habac Dawladda Hoose ku jira oo Dawladda Hoose ay iska habacsan yihiin oo ay si fiican Shaqadooda.... ay u tabargaaban yihiin, waxaanu wax ka qabannay Tahriibtii, oo Sool iyo Mudug labadaba soo mara oo illaa iyo hadder faro baas nagu haya, maalintii ay ugu yar tahay 100, 120, 150 inta 70 ugu yar tahay  oo aan dib u celinno, taas oo aanaan imkaaniyaad u hayn dadkaas oo u eg kuwii mooryaanta lagu sheegi jiray oo dad dhalinyaro ah, dad aad moodid in wax kale loogu talagalay, waxay si toos ah ugu yimaadeen Mudug iyo Sool labadaas oo ay soo mareen, waxayna leeyihiin toos Bosaaso ayaanu toos ugu soconaa “No lo so” wax ka jira Bosaas, waan ognahay dad keenii badbaa wada cuntay, oo dhamaysay ummaddii Soomaaliyeed, taasna gacantaan ku haynaa horeyna waxbaan uga qabanay, waliba waan adkaynaynaa haddii loo baahdana tallaabooyin kale ayaanu ku samaynayaa haddii ay naga joogsan waayaan, waxaynu leenahay ummadda Soomaaliyeed anaga ma rabno in ay badda ku dhimato badna wax noo yaali ma jiraan, waxa weeye ummadda soomaaliyeed waxaa  ku waaninaynaa inay ka joogaan tahriibta, inta aan sharciga lahayn inayna badda marin, ummadda ayan khatar gelin oo ay naftooda khatar gelin, taasaan ku waaninayaa. La soco Tirsiga dambe

 

FAQIIHA OO KA HADLAYA CIIDA IYO SAKAATUL FIDRIGA

 

Salaadda Ciidul fidrigu waa sunne...  waxaana la jideeyay sannadkii labaad ee Hijradii nabiga  (SCW).... salaadda Ciidul-fidriga oo nabigu tukadana waxaa ugu horreysay taas.... akamana tegin, waana sunne laysku adkeeyay... waxaa loo jideeyay Jameecaad (Wadar) sidii Nebigu ku tukaday... Ragga iyo haween-kaba..... waxaa sunne ah in salaaddaas loo mayrto... laysna udgiyo.... loo qaato lebbis qurux badan.... waa ciddii heli karta... in masaajid lagu tukado haddii uu dadka qaadi karo.... in qof ku waddadii uu ku yimid mid ahayn noqodka maro.... in la jarmaado.... in takbiirta laga bilaboqorrax-dhaca habeenkaas lagu nooleeyo cibaado.... takbiirtana lagaga bulxamo guryaha iyo jidadka.... Masaajidka.... suuqyada tan iyo inta Salaadda ciidal fidriga la gelayo.... Sakaatul fidrigu (Sadaqatul fidri).... waa faral... waxay nadiifisaa wixii hadal-tiro qofka ka dhacay markii uu soomanaa waxaa la bixyaa salaadda ciidda ka hor.... waa xaraan in maalinta ciidda laga daba-mariyo iyo la hayo wixii lagu bixin lahaa, ciiddii la sii lahaana ay joogaan.... waxay waajibtaa marka qorraxdu dhacdo habeenka ciidda.... waxay ku waajibtaa qofkasta oo muslin ah yar iyo weyn.... rag iyo haween.....

 

Qofka waxaa ku waajibaya sakada naftiisa iyo sakada cidda in uu masruufaa ay waajib ku tahay..... qofkii sakada qaarkeed helikaraa wuxuu ku bilaabayaa naftiisa.... afadiisa.... ilmihiisa yar yar.... aabihiisa... hooyadii.... ilmihiisa waaweyn.... wuxuu bixinayaa waxa uu quuto nooca uu u badanyahay.... sida bariiska, digirta.... sareenka... haruurka, galleyda....timirta....iwm 

Haddii uu caano-dhan yahay wuxuu bixinayaa canaha.... haddii cuntada dadka sakada laga bixinayaa ay kala duwan yihiin, qof walba waxaa la bixnayaa waxa uu cuno.... qof walba waxaa la bixinayaa shan rodol iyo dalool....

 

Waxaa soo diyaariyay Sh. Siciid Axmed Faarax 

 

 


URURKA DHALINYARADA SOOMAALIYEED EE GOBOLKA MUDUG OO SOO SAARAY BAYAAN KU WAJAHAN DIB U HESHIISIINTA SOOMAALIYEED (Qaybtii 2aad)

 

1.         Waxaanu ugu baaqaynaa Madaxwaynaha Somaliland Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal in uu taariikhdii dheerayd oo uu ku lahaa mideynta Koonfurta iyo lagu kala qaybinayo dalka Soomaaliya Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxaanu xasuusanahay in 1960-kii in 26-Jun oo ay xornimada Qaateen Gobolada waqooyi iyo 1-dii Luulyo oo ay qaateen Gobolada Koonfureed Islamarkaasna ay midoobeen labada Gobol ee Koonfur iyo waqooyi inuu isla maalintaas Cigaal waa 1-kii Luulyee uu diyaarad u raacay Magaalada Muqdisho isaga iyo wafti kale oo uu hogaaminayo isagoo doonaya midnimada Gobolada Soomaaliyeed si wadnimo ah in lays ku daro waqooyiga iyo Koonfurta Soomaaliya. 

Sidaas darteed taariikhdaas lama ilaawaankaa ayaanu jecel nahay inaad maantana ummadda soomaliyeed midnimadeeda raadisid ayaanu kuugu baaqaynaa.

 

2.         Sidee lagu gaari karaa in Dawlad Soomaaliyeed oo deg-deg ah la helo oo shacabka Soomaaliyeed dib ugu dhalata? (a) SYO waxay ku baaqaysaa in sida lagu gaari karaa oo ah shirwayne qaran oo la qabto oo deg-deg ah (b) In guud ahaanba nabadgalyada dalka si buuxda loo sugo ayadoo lagu sugi karo waa nabadgalyadee in la hirgaliyo qodobka shareecada

 

Islaamka ku xusan kaas oo ah in la dilo qofkii in la hirgaliyo qodobka shareecada Islaamka ku xusan kaas oo ah in la dilo qofkii qof Islaam ah kas u dila sida aayada Quraanka kariimka ahi qabto oo aan garab la siin qofka xasilooni darada abuuraya.

3.         Nidaamka looga soo qaybgalayo shirwaynaha oo noqonaya in Gobolada dalka laga soo dhiso maamulo heer tuulo, heer degmo, heer gobol waa nidaamka hoos ka dhiska kor u dhiska oo ku salaysan doorasho rabitaanka shacabka halkaa dagan ay ku sameystaan Maamul ka dhexeeya hadba intii wada dagta taasina waxay sahlaysaa in la helo ergo dhab ah oo ka turjumaysa shacabka ama deegaanka ay ka socdaan markaas.

 

4.         Ururku maamulada hada ka jira dalka sida Puntland iyo Somali land oo deegaankoodii ka sameystay Ismaamul goboleedyo kana dhaliyey deegaankoodii nabad galyo buuxda ka hor imaan maayo in kastoo Puntland ay qaadatay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed isla markaasna ay doonayaan inay ka mid noqdaan dawlad federaal ah oo dalka dib uga curata, maadaama midnimada Soomaliyeed ay muqadis tahay, waxaana Somaliland  ugu baaqaynaa in ay sida Puntland oo kale ay raadiyaan ka mid noqoshadadawlad federal ah iyo qaadashada calanka Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ay

sida Puntland oo kale u qaataan waayo midnimadu waa muqadis.

 

Ugu dambeyntii waxaanu ugu baaqaynaa beesha caalamka inay taageeraan qabanqaabada shirwaynaha qaran Soomaaliyeed iyo qabashadiisaba, si Soomaaliya xal waara loogu helo oo kama dambeys ah, waxaanu dhalinyarada Soomaaliya guud ahaan ugu baaqaynaa inay kaalinta dib u heshiisiinta soomaaliyeed ay ku leeyihiin inay ka qayb qaataan, maadaama anagu aan xornimada dalkeena hooyo aan ka dhalinay ayna taageeraan Ururka SYO oo magaca dhalinyarada dhullka ka qaadaya.

 

N/B. Saxaafada Caalamiga ah iyo tan dalka gudihiisaba ah oo aan u dirayno bayaankaan inay noo baahiyaan waxaanu xasuusinaynaa in Ururkaan uu haysto aqoonsi buuxa oo uu ka haysto oo ay aqoonsadeen labada dhinac ee Gobolka Mudug wada daga waana Puntland iyo USC/SNA. Waxaana cadaynaya documentiska la socda bayaanka, sidaas darteed waa inay hindisahayaga noo baahiyaan.

 

NB. Waxaan ku baaqaynaa inuusan shirweynuhu dib u dhicin lana qabto wakhtiga ku haboon. 

 

Guddoomiyaha Ururka Dhaliyarada Soomaaliyeed ee Gobolka Mudug SYO ahna afhayeenka Guddiga Sportska Gobolka Mudug

Md C/naasir Badal (C/hanad)

XUKUN QABIIL IYO XUKUN DAWLADEED MA WADA SOCON KARAAN (QAYBTII 2AAD)

 

Hadaynu rabno in aynu wax noqono waa in aynu ku talaabsanaa arrimahaan soo socda..

 

B) Waa in aan ku wada talaabsammaa sida dawlad loo noqdo hadaynu rabno in aynu u hurno naf iyo maal iyo wax kasta oo dantaynu ku jirto.

 

T) Waa in aan u wada hoggaansannaa Dawladeenna iyo xeerka dalkeenna u degsan.

 

J) In dawladda lala shaqeeyo si kal iyo laab ah furan ah oo aan ku welwello Horumarka dalkeenna iyo dadkeenna, kana xumaanno wax yaabaha foosha xun ee laga dhaxlay Gumaysigii iyo siyaasadii qalafsanaa ee dhaliyey Bur burkii soomaaliya iyo baabi’ii ku habsaday qof waliba ku fekera waxyaabaha foosha xun ee ka jira gudaheen.

 

X) In ay hormood ka noqonno hawlaha ay ka midka yihiin ilaalinta nabad gelyada kor u qaadida dhaqaalaha, Cashuur u ruurinta, horumarin iyo ladagaalanka wixii dhanka ah DGPL, iskuna dhiiri gelinno. 

Kh) Qof kasta oo ina ka mid ah waa inuu dhowraa kuna faanaa dadnimadiisa, dhaqankiisa taariikhda dalkiisa iyo dadkiisa iyo diintiisa oo ah Diinta Muslimka.

 

D)Qofkasta oo in ka mid ah waa inuu xasuusnaadaa inuu wadanku xaq ku leeyahay uuna ka ilaaliyo cadawga gudaha iyo dibadaba una dagaalamo oo naftiisa iyo maalkisa u huro marka loo baahdo. 

R) Qof walba waa inuu aqoonsanaadaa Xilka saaran dabadeedna uu si wanaagsan u fuliyaa. 

S) Waa in aan ka gudubnaa-Tartansiinta xukunka dawliga ah iyo kan qabiiladeen, una muuqanaa dawlad iyo shacbigeed. 

Sh) Shaki kuma jiro qodobadan iyo kuwo kale oo la mida hadaynu fulinno in aynu dawlad ku ahaanayno, waxaa jira iyaana in tilmaan laga bixyo qaladaad ka muuqda Hay’adaha iyo mas’uuliyiinta DGPL xagga xil gudashadooda waxaa badan xafiisyo u xil saaran Adeegyada guud ee asaasiga ah ee kala duwan oo shacbiga danyarta ah ee Puntland uu sugayo waxqbadkoodii, oo waxqabadkoodii ku koobay in ay xafiisyada ku sugaan mushaarkooda. Kana danqan xilka ummadeed ee saaran. 

Mus’uuliyiinta ladoortay, kuwa lamagaacabay iyo Guud ahaanba inta mushaarka ka qaadata Dawlada Goboleedka Puntland ee u xil saaran

hawlaha dawliga ah waa in dib u sax iyo shaan dhayn lagu sameeyo lana kala  

ogaado mas’uulka hufan oo xilku dhibayo iyo kan rasan.

 

Waxaa qoray Cawil Maxamed Hirsi (Buulle)

 

XUKUUMADO CARBEED OO KURAASTEED GARIIRAYSO

 

Shucuubta Muslinka ah ayaa aad uga Caraysan amar-ku-taaglleynta yuhuddu kula dhaqmayso shacbiga Reer falastiin.... xukuumadihii carbeed ee dagaalka Muslinka iyo Yuhuudda oo kululaada welwelka ka qabay ayaa cabsidoodii sii korordhay shacbigoodiina uu garab-dhiibinayaa... Urdun waxaa shacbigu ku dhaawacay Qunsul-ku xigeenkii Yuhuudda u fadhiyay cammaan..... 

Xukuumadda Masar waxaa shacbigu ku khasbay inay soo celiso safiirkeedii ujoogay Tel-abiib.... Sucuudiga ilaa hadda saddex gacanqaad ayaa lagu dhuftay dawladaha gacan-siiya Israa’iil.... Moroko mudaaharaad Yuhudda ka soo horjeeda ayaa kala go’i waayay Mouritaniya shacb-igu wuxuu xukuumadda ku khasbayaa inay Yuhudda ka goosato xiriika diblomaasiga ah.... Shacbigii xukuumadihii uu garabdhiibinaya xukuum-adihiina waxaa talo kaga dhammatay baalladaymo-od..... 

 

TARTANKA KOOBKA RAMADAANKA- KOOBKA NABADDA. 

PUNA Garoowe 8/12/2000 Waxaa ka furmay Garoonka kubbadda Cagta e magaalada Garoowe tartan kubadda cagta ah oo ay ku loolamayaan kooxaha heerka koowaad, uguna tartamayaan koob loogu magac daray Koobka nabadda tartankaas oouu furay Guddoomiye ku xigeenka Degmada C/risaaq Jaamac, wuxuu ka hadlay sida loogu baahan yahay ciyaaraha iyo sidii loo hormarin lahaa isagoo ku booriyay kooxaha inay soo bandhigaan ciyaar nadiif ah. 

Koobka loo tartamayo oo ay dhigtay Hay’adda UNESCO-PEER uuna bixiyey madaxa qaybta (Civic Education Project) Caydaruus X.Xirsi. 

Ujeedada laga beeyahayna waxaa weeye dhiirigelinta Sportiga, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa Sportiga Gobolka iyadoo laga filayana Hay’adaha kalena sida UNESCO-PEER inay gacan ka geestaan sidii loo hormarin lahaa Sportiga waxaa tartan soo abaabulay Guddiga Gobolka Nugaal, koobkaan oo ay ku taramayaan dhammaan kooxaha heer koowaad, wuxuu u socdaa si habsami leh. Ilaa iyo hadda ay isu soo mareen sidatan:-

 

Tariikhda   Kooxaha      Dhibcaha

8/12/2000 Somtel VS  Sotcom 1:2

9/12/2000 NPC Vs NESH        4:3

10/12/2000 MBP Vs Puntel     1:3

11/12/2000 NPC Vs  Sotcom   6:0

12/12/2000 Somtel Vs Puntel  5:2

13/12/2000 MBP Vs NESHA 1:3

14/12/2000 NPC Vs Somtel    0:2

15/12/2000 MBP Vs Sotcom  1:1


waxaa galay hakad markii ay halkaas marayeen isku aad kooxuhu, waxaan la filayaa
 

19/12/200 inay halkoodii ka sii socon doonaan iyadoo ay isku haleeli doonaan labada kooxood ee kala NESHA iyo Puntel

 

OGAYSIIS

LAS-CANOD

KULAN CENTER 

Waa Certer weyn oo u qaabaysan habkii Hotelkii Taleex ee Muqdisho.... waa meel lagu nassan karo oo indhaha u fiican oo waxay leedahay beer weyn oo cagaaran.... Center-ku wuxuu leeyahay dhul baabuurta lagu hakisto (Parking Facilities)..... waxaa lagu dhigikaraa Aroosy-ada..... waxaana lagu sameynkaraa Casumadaha...... waxaana lagu qaban karaa shirarka ballaaran..... insha-Allaa waxaa la furiddoonaa ciidul fidriga ee dhow......... wixii kale ee faahfaahin ah kala xiriir Telephon No. 252-741-2407 Las-canod.

 

WARGELIN

 

KU: DHAMMAAN GANAC-SATADA GUUD EE PUNTLAND.

 

Ujeeddo:- WARGELIN

 

Iyadoo la tixraacayo sharci No 14 ee ku saabsanaa khidmadaha laga qaadayo Ruqsadaha Dhoofinta & Dejinta iyo Ganacsiga Guud iyadoo la tixraacayo wareeg-tada Madaxweynaha ee Lam. XM/DPS/340/2000 ee 28/9/2000, kuna saabsnayd in Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha awood loo siiyay inay saaran Maamulka & Fulinta Sharcigan.

Ayaa dhammaan Ganacsatada guud waxaa lagu wargelinayaa in loo diyaariyey Shatuudii Ganacsiga dhammaantood kuwaas oo loo kala saaray.

 

B: Shatiga Ganacsiga Guud.

T: Shatiga soo-dejinta & Dhoofinta. 

Sidaas awgeed, waxaa loo sheegayaa dhammaan Ganacsatada guud in laga bilaabo 1/1/2001 aan wax la Ganacsan karin sharci la’aan lana soo dejin & Dhoofin karin iyadoo uusan qofku haysan shatiga. 

Sidaa awgeed, waxaa laga codsanayaa Cidii arrintaani khusayso in ay qaataan shatiyada looga baahan yahay Ganacsiga Dalka Puntland.

 

OGAYSIIS KHIDMADDA ISGAARSIINTA

 

Tixraac sharci Lm 12 ee 27/09/2000 kuna saabsan qaynuunka Isgaarsiinta Dawlad Goboleedka Puntland ayna ansixiyeen Golaha Wakiillada, kuna cad warqadda sumaddeedu tahay GW/52/2000 taariikhduna ahayd 4/9/2000, laguna soo saaray faafinta Rasmiga ah ee Dawlad Goboleedka Puntland, waxa la farayaa dhammaan shirkadaha Telefonada, Shrkadaha Xawaaladaha, Taarleyda, Shirkadaha dayuuradaha, kuwa Gaadiidka badda, kombuyuutarada ganacsiga, Boostada, Inter-netka, Fax-ka, Telex-ka, Emailka, teletybka in ay iska bixyaan khidmadda Ruqsadaha ka hawlgalka Gobolada Puntland iyo qalabka ay ku istimaalaan ee khidmaddu ku waajibtey, waxaana la soo xiriiri doonaa dhowaan hawl wadeeno ka socda Agaasinka Guud ee Warfaafinta Dh, Boostada iyo Isgaarsiinta oo hoos yimaada Madaxtooyada Dawlad Goboleedka Puntland.

[Country]

Copyright � 1999 by somaliawatch.org.  All Rights Reserved.  Revised:  19 May 2007 05:09 AM. Webmaster HomePage