- Title: [SW Country]WP74
- Posted by/on:[AAJ][29 Dec 2000]
Warsidaha
Puntland
Tirsi 74
Garoowe Khamiis 21
December 2000
TUSMADA
Z PRESIDENTIAL CONGRATULATORY MASSAGE ON
THE OCCASION OF EID AL-FITRI BOGGA 2AAD
Z
MADAXWEYNAHA OO DADWEYNAHA KU
HAMBALYEEYAY MUNAASABADA CIIDDA FIDRIGA BOGGA 3AAD
Z
GUDDOMIYE
GOBOL IYO DUQ MAGAALO MADAXWEYNAHA OO KELIYA AYAA MAGACAABI KARA BOGGA 4AAD
Z
XIIRKA GUUD EE DAWLADU WAA XILKA
WASAARADDA ISKAASHIGA CAALAMIGA AH BOGGA
4AAD
Z
REER SANAAG:- DAWLADDA PUNTLAND CAGTA
HA NAGU BADISO BOGGA
4AAD
Z
REER EYL OO CASUMAY MADAXWEYNAHA
DAWLAD GOBOLEEDKA PUNTLAND BOGGA 5AAD
Z
HAWLGALKA GUDDIYADA SARE EE GOBOLLADA BOGGA 6AAD
Z
RIYAAQ OO NOQOTAY
AFHAYEENKA QAADKA BOGGA
7AAD
Z
BAARLAMAANKA YURUB OO KA DAYRIYEY WAXA
CARTA KA SOO BAXAY BOGGA
8AAD
Z
SO DAF-TII DJIBOUTI MIYAA???!!! BOGGA 7AAD
Z
DHUUGGII HOWD IYO INA SALAAD-BOY-BA
DUULDUULKII WAY JOOJIYEEN BOGGA
7AAD
Z
KOOXDA QAADKU DAL- XUMAYN CID KALE MA
KU EEDEYN KARAAN BOGGA 7AAD
Z
OGAYSII IYO WARGELIN BOGGA 8AAD
CIID
WANAAGSAN
PRESIDENTIAL CONGRATULATORY
MESSAGE ON THE OCCASION OF EID AL-FITRI
OUTLINE OF THE
MESSAGE:
1. I send a message of congratulation to the people of the State and Government of
Puntland, wishing them a happy Eid Al-fitri, having successfully and peacefully completed
one of the pillars of Islam, the fasting in the month of Ramadan. On this occasion, I wish
the people of Somalia in general and of the Puntland State of Somalia in particular, peace
and prosperity for years to come.
2. I urge the people of Puntland State to maintain their unity, sense of purpose and
to safeguard their political and economic achievements. Peace and stability are the corner
stones of human progress and civility. We should maintain this at any cost. We have
already achieved a lot in the State through democratic transformation of our public
institutions. It is important to remind the people of Puntland State that they are in an
envious position as they are better off than many residents in the rest of Somalia. My
Government is committed to further consolidate and develop this multi-faced progress of
the Puntland communities. Above all, we are planning and
building a decent future for our children and
next generation.
Major Policy
Statement By the State Government of Puntland.
3. Taking advantage of this noble occasion, my Government is here to announce to the
people of Somalia, its leaders and the international community at large the following
guiding principles of Puntland State towards resolving the Somalia crisis.
I. Puntland State was not a party to the Arta Conference and therefore it does not
recognize the Arta outcome as a National Government.
II. Puntland State, however, is committed to any future all-inclusive talks on the
National Reconciliation Process to reconstruct a Somali Central Federal State.
III. Puntland
State of Somalia is convinced and strongly believes that any future Somali National
Reconciliation and Peace Process must be based on the principle of Bottom-Up Approach (Building-Blocks).
IV. Puntland
State rejects any military solution in resolving the Somali national crisis.
V. Puntland State is
committed to fight for and preserve the territorial integrity of Somalia.
VI. Non-native
militia that occupy other clans land and territories should withdraw to their
respective native regions as condition to hold an all-inclusive national conference. Modalities to implement
such a formula are to be worked out in a joint effort by both Somalis and the members of
International community.
VII. Finally, Puntland State resists and rejects outright any foreign meddling in the
internal affairs of Somalia and rules out any influence or decision imposed by any foreign
power(s) (e.g. Djibouti) on the National Reconciliation Process.
Abdullahi Yusuf Ahmed
State President of Puntland
MADAXWEYNAHA OO DADWEYNAHA
KU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA CIIDDA FITRIGA.
GUUD MAR FARRIINTA MADAXWEYNAHA.
1. Dadweynaha iyo Xukuuma-dda Reer Puntland waxaan ku hambalyaynayaa munaasabada
barakaysan ee Ciidda fitriga, innagoo si wanaagsan u soo gudanay mid ka mid ah tiirarka
Islaamka, kaasoo ah Soonkii Ramadaan. Guud ahaan Dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan iyo gaar ahaan
dadka reer Puntland, waxaan u rajaynayaa nabad iyo barwaaqo
2. Waxaan dadka Reer Puntl-and ku guubaabinayaa inay adkaystaan wadajirkooda, u
feejignaanta himilooyinkooda iyo ilaalinta guulahooda siyaas-adeed iyo dhaqaale oo ay
gaareen. Nabadda iyo
Xasilloonidu waa assaaska horumarka iyo ilbaxnimada Bani-Aadmiga. Sidaas darted, waxay inaga mudan
yihiin inaynnu ku mintidnno. Inagoo ah Dawlad Gobole-edka Puntland horumar weyn ayaynu
ka gaarnay inaynu si dimuqraaddi ah u dhisano Hayadaheenna
Dadka Reer Puntland waa in ay ogaadaan inay
marayaan heer lagu kuunyo oo ay kaga hormarsan yihiin qaybaha kale ee Soomaaliya. Xukuumadda aan Madaxa ka ahay
way ku mintidaysaa inay sii xoojiso horumarkaas wejiya-da badan ee bulshada Puntland ay
gaartay. Waxba kala harimayno inaannu ubadkeenna dhisno mustaqbal wanaagsan.
Siyaasada
Xukuumada oo kooban.
3. Annagoo ku beegeynna munaasabada barakaysan, xuku-umadaydu, waxay shacbiga
Soomaaliyeed, hoggaamiyeyaa-shiisa iyo adduunweynahaba u caddeynaysaa qodobadaan Da-wlad
Goboleedka Puntland ay u marayso xalinta dhibaatada Soomaaliya.
1. Puntland kama qaybgelin shirka Carta, sidaas darted wixii Carta lagu dhisay ma
aqoonsana xukuumad Qaran
.
2. Dawlad Goboleedka Pun-tland Waxay diyaar u tahay wada hadal kasta oo lagu
raadinayo dib-u-heshiisiin, laguna dhisayo qaran Soomaaliyeed oo Federal ah
.
3. Dawlad Goboleedka
Punt-land ee Soomaaliya waxay ku qanacsan tahay aadna u rumaysan tahay dib-u- heshii-siin
kasta iyo nabadayn kasta oo Soom-aaliya lagu raadiyaa waa inay ku salaysnaataa hoos-ka soo dhiska (Iyadoo dalka loo dhisayo
waaxo leh maamu-llo)
4. Puntland way ka soo horjeeddaa isku day kasta oo la isku dayo in arrinta
soomaaliya lagu xalliyo xoog millateri
.
5. Puntland waxay ku mitidaysaa una halgamaysaa ilaalinta midnnimada
Soomaa-liya
6. malleeshiya kasta oo xoog ku deggan deegaan aan ahayn keedii, waa inay uga kacdaa
deegaan kaas cidii lahayd iyana ku noqotaa keedii
arrintaasi waa inay ka hormartaa
shir kasta oo lagu raadinayo dib-u-heshiisiin soomaaliyeed
fars-amda arintaas loo
fulinayana waa inay si wadajir ah uga wada shaqeeyaan Soomaalida iyo adduunweynuhu
7. Ugu dambayn,
Puntland way ka soo horjeedda, waxayna ku diidaysaa si toos ah, faragelin kasta oo dibad
lagaga faragelyo arrimaha Soomaaliya ee daakhiliga ah, waxayna Puntl-and ku gacan
saydhaysaa goaama kasta oo cid kale kor kaga soo dejiso Soomaaliya iyo hawsha
dib-u-heshiisiinta soom-aaliya (sida Djibouti oo kale)
.
Madaxweynaha Dawlad
Goboleedka Puntland Md. C/laahi Yuusuf Axmed
GUDDOOMIYE GOBOL IYO MAYOR MADAXWEYNAHA KELIYA AYAA
MAGACAABI KARA
Madaxweynaha Dawlad Gobolee-dka Puntland
Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa 19/12/2000 soo saaray Wareegto ku saabsan
Arrintaan
..
Waxayna u qoran tahay sidatan:-
Ku: Dhammaan Golaha Wasiirada Dawlad
Goboleedka Puntland Gar-oowe.
Og: Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlad Goboleedka
Puntland Garoowe.
Ujeeddo:- Magacaabidda
Gudd-oomiyayaasha Gobollada iyo Duqowda Magaalooyinka:-
Anigoo tixraacaya goaanka Golaha
Wasiirada ee Lr. XM/DPS/ 2000 ee Jun 28, 2000 kuna saab-sanayd dib u habaynta maamullada
Gobollada iyo Degmooyinka.
Haddaba, waxaan idinla socod siinayaa in
goaan-kaas waqtigiisii dhammaaday.
Sidaas darteed, laga bilaabo 20/12/2000
Guddoomiyayaasha Gobollada iyo Duqowda Degmooyinka waxaa magacaabi kara Madaxweynaha Dawlada Goboleedka Puntland oo
kaliya, Wasiir ama cid kale oo magacaabi karta ma jirto Sidaasna waxaa qaba sharciga.
Guul & Hawlgal Wacan.
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Mudane C/laahi Yuusuf
Axmed
XIRIIRKA GUUD EE DAWLADDU WAA XILKA WASAARADDA
ISKAASHIGA CAALAMIGA AH
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
Mudane C/laahi Yuusuf Axmed ayaa soo saaray Wareegto arrintan ku saabsan una qoran sidan:-
Ku:- Dhammaan Wasaaradaha Dawlad Goboleedka
Puntland Garoowe.
Ku:- Dhammaan Hayadaha Madaxa Banaan ee
Dawlad Goboleedka Puntland Garoowe.
UJEEDDO:- WAREEGTO MADAXWEYNE:-
Waxaa dhammaan madaxda kor ku xusan lagu
wargelinayaa in Wasaaradda Iskaashiga Caalamiga iyo qorsheynta ay masuul ka tahay
Xiriirkii Guud ee Dawladda (Government Focal Point)
Haddaba, waxaa la farayaa dhammaan
Wasaaradaha Dawladda iyo Hayadaha Madaxa Banaan ee Dawladda in ay tixgeliyaan,
fuliyaana wareegtadan
Guul Eebe iyo Hawlgal Wacan
Madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland
Mudane C/laahi Yuusuf Axmed
REER SANAAG:- DAWLADDA
PUNTLAND CAGTA HA NAGU BADISO.
Guddiga
sare ee Siyaasdda, nabadgelyada iyo Dhaqaalaha ee uu hoggaaminayo Wasiirka Iskaashiga
Caalamiga iyo Qorshaynta Mudane Maxamed Xasan Nuur, wuxuu shirar dadweyne ku qabtay,
kulamo kala duwanna kula yeeshay odayaasha, aqoonyahanada, Haweenka iyo Dhalinyarada meelo
badan oo Gobolka ah ayna ka mid yihiin:-
Baran,
Xingalool, Ceel-Buh, Dhahar iyo Hadaftimo....
Guddigu
wuxuu hadaaftimo kula kulmay Sulddaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamud.....
Wasiirka
oo habeenkii 23/12/2000 Hotel Guureeye ee Garoowe ugu warramayey Wariye ka tirsan
Warsidaha Puntland, dhibaatooyinka Gobolka hadda ka jira wuxuu ka tilmaamay, in dhirta
dhuxusha loo gubaa ay sii badatay intii hadda dhoofka Xooluhu xayirmay iyo macallimiinta
Reer Sanaag. Goboka oo muddo ah lix bilood aan helin mushaar (Wefidiga waxaa ka mid ahaa
Wasiir ku xigeenka Arrimaha Bulshada).
Wasiirku wuxuu Warsidaha u sheegay in Reer Sanaag codsadeen in dawladda Puntland
kormeerrada Gobolka ku badiso....
Guddoomiyihii
Gobolku Caafim-aad ayuu ugu maqanyahay dalka Imaaraadka Carabta....
Wasiirku
kormeerkii Gobolka dib ugu laabtay, sidaa darteed, ayaannu akhristayaasha uga soo
tebinddoona Warka Gobolka Sanaag oo intan ka faahfaahsan.....
Haddii
Alla idmo.
REER
EYL OO CASUMAY MADAXWEYNAHA DGPL
Sabti 23/12/2000 27 Ramadan 1421 PUNA Garoowe.
Weriye
ka socda Warsidaha Puntland ayaa maanta Xafiiskiisa ku waraystay Guddoomiyaha
Guddiga Sare ee Siyaasadda, Nabadgelyada & Dhaqaalaha isla markaana ah Wasiirka
Wasaaradda X.X. Beeraha iyo Deegaanka Mudane Maxed X. Aadan Wasiirku wuxuu weriyaha
uga warramay kormeerkii Guddigiisu dhowaan ku tegey degmad Eyl (Eil) .. Xog-warrankii uu
siiyayna waxaa ka mid ahaa arrimaha soo socda:-
Guddiga
degmada Eyl wuxuu joogay 5 (Shan) Maalmood...
wuxuuna muddadaas degmada ku qabtay shirarka hoos ku tilmaaman:-
1.
Shirweyne guud oo dadweynaha loogu qabtay Beerta Dawladda, halkaasna
Guddigu ugu jeediyay khudbad ballaaran oo ah xog-warran iyo hogatusaalayn....
2.
Shir Guddigu kula kulmay Odayaasha iyo Haweenka Degmada oo ay
Guddiga isku weydaarsadeen issu warran iyo talo isweydaarsi....
3.
Shir Guddigu la yeeshay maamulka iyo masuuliinta dawladda ee
degmada....
Guddigu
muddadii uu joogay degmada Eyl wuxuu qaaday tallaabooyinka hoos ku qoran:-
B-
Wuxuu magaacabay Guddoomiye Degmo Cusub...
T- Wuxuu magacaabay
xog-haye degmo Cusub.
J-
Xoghayihii hore ayuu u magacaabay Xisaabiye degmo
(Khibraaddiisa
oo dhinacaas u badan darteed).
X-
Wuxuu furay maxkamaddii degmada o xirnayd....
Kh-
Wuxuu Furay xabsigii degmada oo xirnaa una magaacabay Taliye Cusub iyo Askar la shaqeysa.
D-
Wuxuu furay dugsigii dawladda oo muddo xirnaa...
R-
Wuxuu habeeyay oo socodsiiyay cashuurtii Dawladda hoose....
S-
Wuxuu soo qabtay dad la baxsaday lacag cashuur ahayd, lacagtiina uu ka soo celiyay.....
Sh-
Wuxuu jid wada shaqayn ah u dhigay Maamulka iyo waxgaradka kale ee degmada....
F.G:-
Degmada Eyl, waa degmo aad u ballaaran oo leh xeeb aad u dheer.... oo ay ka hawlgalaan
shirkado kala duwan oo fara badani.... waxay leedahay dhowr iyo toban Tuulo oo waaweyn oo
magaalada Eyl dhanac walba ka jira.... waxay leedahay labo garoon dayuuradeed.... waxay
leedahay dhulbeereed dalagyo kala duwani ka baxaan.... waxay leedahay xoolo fara badan oo
ah nooc kasta.... waxay leedahay biyo joogto ah oo dhan walba ka jira.... waxaa dega
qabaaiil fara badan oo kala duwan kormeerada dawladdu way ku yaraayeen degmada Eyl
muddadii ay dhisnayd dawlad Goboleedka Puntland.....
Dadweynaha
Reer Eyl waxay Madaxweynaha Puntland mudane Cabdillaahi Yuusuf Axmed u soo direen casuumad
ay ku codsanayaan in uu degmada Eyl booqasho ku tago..
CIID
WANAAGSAN DHAMMAAN DADWEYNAHA KU NOOL GOBOLADA PUNTLAND IYO UMMADDA ISLAAMKA AHI MEEL
KASTA OO AY JOOGAAN.
WAXAANU
LEENAHAY CIID WANAAGSAN MEEL KASTA OO JOOGTAAN.
CIID WANAAGSAN
GUDDIYADA
SARE IYO GOBOLLADA
REER
GAALKACAYO WAA ISKU RAACEEN
20/12/200
24 Ramadan 1421 PUNA Gaalkacayo.
Weriyaha
PUNA ee Gobolka Mudug Cabdi Maxamed Jaamac, ayaa maanta noo soo sheegay inuu wareystay
Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Siyaasadda, Nabadgelyada iyo Dhaqaalaha Gobolka Mudug, ahna
Wasiirka ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Axmed Maxamed Cigaal uuna u sheegay
arrimaha soo socda:-
Guddiga
markii hawlihiisa ka bilaabay, wuxuu shirar kala gooni-gooni ah la kala yeeshay oo ka kala
qaatay warbixino ku saabsan xaaladda Gobolka:-
1. Guddiga
Horumarinta Gobolka.
2. Guddiga
Nabadgelyada Gobolka...
3. Duqa
Magaalada Gaalkacayo iyo Maamulaha Degmada Galkacayo.
4. Xubnaha
Golaha Wakiillada ee ka tirsan Gobolka Mudug.... ee Gobolka ku sugan.
5. Issimmada
ku sugan Gobolka.
6. Koox
Matilaysa aqoonyahanka Gobolka.
7. Ganacsatada
Gobolka guddiga Odayaasha Nabadda Gobolka.
Dhammaan
xoogaggaas, Guddiga wuxuu ka waraystay xaaladda guud ee Gobolka iyo tan
Magaalada
Gaalkacayo .... iyo sida xal loogu helikaro wixii dhibaatooyin jira....
Wada
tashiyadaas iyo xog-baaristaa ka dib, guddigu isagoo ku salaynaya talooyinkii loo soo
jeediyay.
Guddigu
wuxuu soo saaray goaamamada soo socda:-
1. In
la joojiyo dadka sharci darrada ku soo galaya Gobollada Puntland....
2. In
Wasaaradda Maaliyaddu bixiso dhammaan gunooyinka
odyaasha Nabadda (iyadoo la fulinayo goaankii Golaha Wasiirrada ee 24/06/2000).
3. in
la furo xafiiso shaqada iyo shaqaalaha.
4. In
olole nadaafadeed lagu qaado Magaalada Gaalkacayo.
Fulinta
goaammadan waxaa loo xilsaaray guddiga nabadgelyada Gobolka iyo Agaasinka Guud ee
Shaqada & Shaqaalaha.....
Guddoomiyaha
Guddigu wuxuu Weriyaha PUNA u sheegay in qodobbadaas qaarkood la fuliyay....
Galdogob qaar
degey iyo qaar Dallacay.
Wariyaha
PUNA ee Gobolka Mudug wuxuu soo sheegay in Guddiga sare ee Gobolka Mudug kormeerkii uu ku
tegey degmada Galdogob in halkaas shirar kala duwan kula yeeshay:- Madaxda Maamulka
Degmada ciidammada---- laamaha dawladda---
Guurtida----Culimada-----Haweenka-----Dhallinyarada-----
Wada
tashiyadaas oo ay ka dhasheen in la qaaday tallaabooyinka soo socda:-
1. Ciidammada
Daraawiishta iyo kuwa Asluubta oo loo raray meelo ku habboon.
2. Ciidanka
Booliiska Degmada-iyo Maxkamadda Degmada, mid walba
waxaa
loo ijaaray xarun hows-hoodu ku fusho.....
3. Suuq
Cusub ayaa magaalada loo cabbiray....
4)
waxaa la goaanmiyay in ceelasha xooluhu ka cabbaan ee
magaalada ku dhaxyaalla loo sameeyo dhuumo dhaadheer oo biyaha xoolaha ugu saara magaalada
dibaddeeda.....
5.
waxaa
la beddelay:-
B-
Guddoomiyihii Degmada.
T-
Xisaabiyihii Degmada.
J- Taliyihii Saldhiga Booliiska
Degmada.
X-
Madaxii kastamka degmada....
KUWADA CIIDA CIID WANAAGSAN
SODAF-TII DJIBOUTI MIYAA?
Joornalka Maalin laha ee Hargeysa ka soo baxa ee
Jamhuuriya, ayaa cadadkiisii 1393 ee soo baxay isniin-tii 22 Ramada 1421, 18/12/2000 ayaa
qoray 600 (Lix-boqol) oo ka tirsanaa Askartii iyo Saraakiishii Boliska Djoubti ee ka
qaybgalay inqilaabkii dhowaan ka dhici soobay ciidammadaas inay la bexeen hub fara badan,
iskuna urursadeen deegaanka Cali Sabiix, halkaas oo uu ka soo jeedo Janaraalkii
hoggaaminayay Inqilaabkii dhicisoobay ee 07/12/2000 Janaraal Yaasiin Yaabe
.
Joornalkaasi wuxuu sheegay in ciidankaasi wataan ilaa
10 kun oo ah qoryo fudud
. Iyo in deegaanka ay ka bilaabmeen kacdoonno ciidankaas la
jiraa
Dadka ammuuraha Geeska Afrika indha-indheeya,
ciidammadaas waxay ku tilmaameen SODAF-tii Djibouti
. Iyagoo halkaas ka tibaaxaya in
tallaabooyinkii kalana dabajoogaan
..
Djibouti-na ay ku socoto tubtii Soomaaliya, Dadkaasi
waxay calaamad weyn ka dhigeen saraakiisha iyo askarta faraha badan ee la xirxiray
.
Dadka maalqabeenka ah iyo dadka tacliinta leh oo bilaabay inay tartartiib Djibouti uga
guuraan
. Iyo dadka Reer Djibouti oo ciiddan ku ciidaya qalalaase, welwel iyo murug.
Waxaa la wada ogyahay in Reer Djibouti eelku ku soo
maray Tuulada Carta.
DHUUGGII HOWD IYO INA SALAAD BOY-BA
DUULDUULKII JOOJIYE.
Waxaa la galay gamashigii dayrta
waxaa
Soomaaliya taabtay gabaddanadii (Qabowgii) dayradhaafka
Dabayshii ayaa isbeddeleysa oo jaho cusub ka soo
dhacaysa
Dhuuggii howdka
Carro-cadka geela ku dhibayay ayaa jabay oo joojiyay duulduulkii
sidoo kale ina
Salaad-Boy ayaa isna galay diraac siyaasi ah oo ayaamahaan danbe isna joojiyay
duulduulkii.
KOOXDA QAADKU DAL-XUMEYN CID KALE MA KU EEDAYN
KARAAN
Joornaalka toddobaad laha ah ee RIYAAQ ee ka soo baxa
Garoowe ayaa cadakiisii 313 ee 22/12/2000 kooxda ka ganacsata ee dalka u soo waaridda
Qaadka ka soo wariyay inay dawladda Puntland ku eedaynayaan inay dalka ku abuurtay sicir
barar
Inta aynnan hoos ugu daadegin xaqiiqa ahaan waxa
eedayntaas ka run ama ka been ah, suaasha inoo soo boodeysaa waxay tahay:- marka la
miisaamo dunuubta kala duwan ee dalka laga geli karo, kooxda iyadu Qaadka ka mushtartaa ee
dalka u soo waaridda, cid kale dal-xumayn ma ku eedayn kartaa??!!! Iyada hadalba ma u
furan yahay???!!! Aan isbarbar dhigno kooxaha duurjoogta dalka dibadda u dhoofisa
..
kooxda deegaanka xaalufisa!!!! Oo qooyswalba xaalufisa!!! Sow ma aha kooxda guryaha
xaalufisa!!! Oo carruuraha macaluulisa???!!! Sow ma aha kooxda sababta dhibaatooyin badan
oo leh dil, dhac iyo dhaawac intaba???!!! Haddii dadku kala garqaadanayo, kooxdaasi cid
kale ma eedayn kartaa???!!!
Joornaalka
RIYAAQ ma ku habboontahay inuu kooxda Qaadka soo waaridda daafaco???!!! Ama u noqdo
af-hayeen???!!! Waa haddii uu xisaabtamayo???!!!
DHALASHO WACAN
Anagoo kala ah Cabdi Bashiir X. Maxamuud iyo
Xaaskiisa Sacdiyo Axmed Maxamuud, Hooyo Nuuro X. Maxamuud iyo Carruurteeda, Muxuyadiin
Axmed Maxamuud iyo Xaaskiisa Xaawo Axmed Nuur, Maryan Siciid Maxamuud, Safiyo Axmed
Maxamuud, Deeqo Axmed Maxamuud Cabdullaahi Axmed Maxamuud Cabdi-Mahad Caafi X. Maxamuud,
iyo dhammaan Reer Xaaji Maxamuud waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan C/rashiid Axmed
Nuur iyo Farxiyo Axmed Maxamuud oo Jimcihii la soo dhaafay 22/12/2000 gabari ugu dhalatay
magaalada Garoowe, Gabadhaaas ha noqoto tii dalkeeda, iyo Diinteeda iyo dadkeeda anfacda.
Aammiin Aamiin
BAARLAMAANKA YURUB OO KA DAYRIYAY WAXA CARTA KA SOO
BAXAY
Raadiyow Gaalkacayo 25/12/2000 29
Ramadaan. 1421.
Xildhibaanno Talyaani ah ayaa soo bandhigay
fikirka ay ka qabaan Soomaaliya waxyna sheegeen in kooxaha Carta isugu tegey aysan ahayn
kuwo matali kara Soomaaliya waayo bay yiraahdeen sida la wada Ogsoon yahayba kama aysan
qayb gelin Maamullada jira Sida Puntland iyo Somali land.
Qoraal xambaarsan arrimahasi oo idil oo
xildhibaan talyaani ahi qoray ayaa noqotay keyd u xerooda Baarlamaanka reer yurub.
Qoraalkan oo lagu faafiyay shabakadda Internetka ayaa muujisay khatarta ka imaan karta
kala googoa iyo xasillooni darrada ku soo fool yeelatay Siyaasadda Soomaalida.
Xildhibaanadu waxa ay qireen in dib u
heshiisiinta Soomaaliya ay qabanqaabisay beesha Caalamku si ay uga baxaan dagaalka
sokeeye ee ka jira dhulkooda balse waxa ay ka digeen in qaabkaan imminka wax lagu
socodsiiyaa ay keeni karto cawaaqib xuno dhanka kale ah taaso bay yiraahdeen taageerada
Kooxaha Carta ay xasiilloni darro ka abuuri karto Puntland iyo Soomaaliland oo in muddo ah ka shaqeynayey Nabadgelyada iyo
horumarka dhulkooda.
Qoraalkaas ay qoreen qaar ka mid ah xil
dhibaanda talyaanigu waxa ay qirtay in xildhibaanda Kooxaha Carta aysan lahayn asaas dhab
ah oo ka soo jeeda talooyinkii Qaramada midoobay ay siisay madaxweynaha Dalka Jabuuti,
taasoo ah in godoomiyo qab-qablayaasha, doorkii
Bulshada Rayidka ahna waa laga tegey.
Isbadalkiina waxaa ku yimi kooxihii Siyaad
Barre iyo kuwo mintidiin ah, suaasha la isweydiiyay waxa ay noqotay maxaa aqoonsiga
C/qaasin kii ugu horreeyey ka dhigay Madaxweynaha Suudaan.
Si kastaba xaal ha noqdee waxa ay
xidhibaannadu walaac ka muujiyeen xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.
OGAYSIIS
Ku: Taliyaha
Qaybta Booliska G/Nugal Garoowe
Ku: K/S Duqa
Magaalada Garoowe.
Og: Wasaaradda
Arrimaha Gudaha.
Ujeeddo:-
Ogaysiis.
Waxaa lagu wargalinayaa dhammaan dadweynaha
ku nool Caasimadda D.G.Puntland ee Garoowe, in garoonka Dayuura-dda lagu sameeyay kaa bado
dhismo ah oo caalaamad looga dhigay Garoonka si aan loogu xad gudbin.
Sidaa darted waxaa la ogaysiinayaa in aan
cidina ku samayn Karin kaabadaha dhexd-ooda iyo garoonka dhexdiisaba jeexis, dhagax iyo
dhoobo la dhigto iyo qashinba, cidii amarkan ku xad gudubta waxaa la la tiigsan doonaa
sharciga fulinta amarkan, waxaana u xilsaaran Dawladda Hoose iyo Ciidanka Booliska.
WADA SHAQAYN
WACAN.
C/laahi Xasan
Faarax
Guddoomiyaha Gobolka Nugaal
WARGELIN CANSHUUR
Wasaaradda
Maaliyadda qaybta Canshuuraha Barriga ee Gobolka Nugaal Garoowe
Ku: Dhammaan Kaalimada iyo meheradaha
Shidaalka ee G/Nugaal.
Ku: Dhammaan Taararka ama raadiyayaasha
Isticmaalka gaar ahaaneed ee G/Nugaal
Ku: Dhammaan Goobaha lagu sameeyo qalabka
guryaha albaabada iwm ee G/Nugaal.
Tixraac sharci Lam 9 ee 14/9/99, kuna saabsan
hirgalinta canshuuraha dhexe
(Canshuuraha Barriga) ee D/G/Puntland.
Hadaba iyada oo lafulinayo laguna dhaqmayo
sharuucda u degsan canshuuraha D/G/Puntland, ayaa waxaa lagu
wargalinayaa goobaha ganacsi ee kor ku xusan ee Magaalada Garoowe in laga bilaabo
1/1/2001, laga qaadi doono canshuurtii ku waajibta, canshuurtaas oo ah
canshuurta Gadista (Sales Tax).
Haddaba waxaa lala socodsiinayaa
mulkiilayaasha goobahaas oo horay loo soo tirikoobay in ay la soo xiriiraan xafiiska
Wasaaradda Maaliyadda qaybtiisa canshuuraha barriga ee Garoowe kuwa Buurtinlena hala
xiriirina shaqaalaha W/Maaliyadda ee Degmada Burtinle.
Ka hor wakhtiga ay canshuurtu dhaqan galayso si loola
socod siiyo qaabkacanshuur bixinta iyo arrimo kale oo khusaya.
WARGELIN WACAN
Maamulaha
Canshuuraha Barriga ee Gobolka Nugaal
Dr. C/risaaq
Cali Siciid.
[Country] |